Abdirazak_PTL Posted January 6, 2011 Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo Dhawaan uu Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) uu si rasmi ah u mideeyey Ciidamada Booliska & Asluubta ee Puntland islamarkaasna uu u magacaabay Hal Hogaan oo sare,ayaa Saraakiisha ciidamadaasi ay *****lka ka qaadeen Dib u habayn rasmi ah oo ay imika ku wadaan Ciidamada uu Madaxweynuhu mideeyey. Taliska Guud ee ciidamada Amaanka & Dhaqancelinta ee Puntland ayaa sheegey in mudooyinkii lasoo dhaafay ay Wadeen Tababaro kor loogu qaadayo Aqoonta Askarinimo & tan Tacliineed ee Ciidamada Amaanka & Dhaqancelinta,waxaana uu Talisku intaas kudaray in la kordhiyey Ciidamada kaladuwan ee Amaanka & Dhaqancelinta laguna daray Ciidamo Milatari ah oo ay Dawladu u aragtay inay Amaanka waxbadan ku kordhin karaan. Taliyaha Guud ee ciidamada Amaanka & Dhaqancelinta Puntland S/Guuto Cali-Nuur Cumar ayaa sheegey in ciidamadani ay u bilowdeen Tababaro kaladuwan oo dhanka Khibrada ah islamarkaasna lala jaanqaadsiinayo sida ay u shaqeeyaan Booliska Casriga ah ee Dunida ugana hortagaan Dhibaatooyinka dhanka Amaanka oo ay u horeeyaan dilalka Qorshaysan & Qaraxyada. S/Guuto Cali Nuur Wuxuu sidoo kale sheegey in ay gobolka Bari ka sifooyeen kooxo uu sheegey inay dhibaatooyinka halkaas ka samayn jireen kuwaas oo uu sheegey in deegaanda Xeebaha ay imika ku raadjoogaan,waxaana uu Taliyuhu sheegey in ay ku guulaysteen Qorshayaal badan oo dhanka Amaanka ah. Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Booliska & Dhaqancelinta ee Puntland Wuxuu sheegey in ay imika ku mashquulsanyihiin Tirakoob ay ku samaynayaan Ciidamada kuwaas oo uu sheegey in xukuumadihii u danbeeyey ee talada Puntland qabtay aysan si rasmi ah u tirakoobin ciidamada taasina ay keenta isku dhecyaac. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdirazak_PTL Posted January 6, 2011 Garowe:G/Wakiilada Puntland oo ka dooday Mushaaraadka Ciidanka Qalabka sida & Tirakoob rasmi ah oo lagu sameeyo. 6. januar 2011 APL Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ay todobaadkii lasoo dhaafay ka doodayeen islamarkaasna ku maqnaayeen Akhrinta & Dib u eegista Miisaaniyada Sanadka Cusub oo ay Dhawaan soo gudbisay Wasaarada Maaliyada ee Dawlada Puntland ayaa waxaa ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladu ay mid mid uga doodeen Mushaaraadka qaarkamid ah Hay’adaha Qaranka. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa si gaar ah uga dooday Mushaarka rasmiga ah ee la siinayo Ciidamada kaladuwan ee Qalabka sida gaar ahaana Booliska,Nabadsugida,Daraawiishta & Asluubta,kuwaas oo ay Xildhibaanadu ku doodeen inay yartahay mushaaraadka rasmiga ah ee ay Dakhli ahaan u qaataan. Qaarkamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Dawlada Puntland ayaa codsaday mowshin loogu yeerayo Gudiga Dakhliga ee golaha Wakiilada kuwaas oo su’aalo kadibna Codsiyada Golaha u gudbiyey Wasaarada Maaliyada ee Dawlada Puntland oo ay ku dhaliileen inay yaraysay Mushaaraadka ciidamada qalabka sida ee dawlada Puntland guud ahaantoodba. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa doodooda ku daray in la cadeeyo Mushaarka rasmiga ah ee uu qaato Askari kasta oo katirsan Puntland marka laga reebo lacagaha lagu bixiyo Raashinka ciidamada & Waxyaabaha kale ee daruuriga u ah ciidanka kaladuwan ee Dawlada. Dooda Xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu soo diray in taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ay soo gudbiyaan Tirakoobka rasmiga ah ee Dhamaan Ciidanka mushaariga ka ah dawlada Puntland,taas oo ay Xildhibaanadu ku doodayaan inaysan jirin tiro rasmi ah oo ay hayaan madaxda ciidanka Qalabka sida,waxaana ay codsadeen in la kordhiyo mushaarka ciidanka la cadeeyana inta uu qaato Askari kasta islamarkaasna ay Taliyeyaasha Ciidamada Qaranku soo gudbiyaan Xogta rasmiga ah ee Tirakoobka Ciidamada. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites