Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Qardho and Dhahar Reach A Historic Peace Deal In Carmo. PICS

Recommended Posts

Beelaha Cismaan Maxamuud & Dubeys oo Heshiis Wadagaarey

About: 13 hours ago | 5 comments

Share

 

 

Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyey shir nabadeed oo waayadan kasoconaayay degmada Carmo ee ka tirsan gobolka Bari,waxaana shirka lagu dhex dhexaadinaayay Beesha Dubeys ee ********** iyo Beesha Cismaan Maxamuud

 

Munaasabad lagu soo gaba gabaynaayay shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland oo ugu horeeyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire,Wasiirka arimaha gudaha Puntland Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir,Odeyaal iyo Waxgaradka dhex dhexaadinaayay labada beelood,haween iyo Odeyaasha ka kala socday dhinacyadii la dhex dhexaadinaayay.

 

 

 

Gen.Cali Ismaacil oo kamid ah guddiga dhex dhexaadinta labada beelood oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in heshiis kala dhex dhigaan labada beelood oo hore xiisad colaadeed dhexmartay.

 

Wuxuu ka codsaday labada dhinac in ay dhaqangeliyaan heshiiskaan isla markaana aanay wax dhib ah mar kale dhexmarin.

 

Odeyaal u kala hadlay labada beelood ee la heshisinaayay ayaa ballanqaaday in ay fulin doonaan go’aamada kasoo baxay shir nabadeedka ee lagu dhex dhexaadinaayay.

 

 

Go’aamada ugu muhiimsan ay soo saareen guddiga dhex dhexaadinta labada beelood ayaa kamid ahaa;

 

Xukumada Dacwadaha Beesha Cismaan Maxamuud

 

 

 

-Dhacdadii Dhahar -06/10/2010

 

Dhacdadaan oo ka dhacay degmada Dhahar laguna diley nimanka kala ah 1-Maxamed Shire Cartan iyo 2-Siciid Shire Cartan laguna dhaawacay Yuusuf Ibraahim Muuse, raggaan uu u dhashey beesha Cismaan Maxamuud

 

Beesha Cismaan Maxamuud waxay u sheegteen dilka iyo dhaawaca nimankaas ragga kala ah;

Jaamac Cabdi Geesood

Maxamed Jaamac Cabdi Geesood

Cabdi Cawil Cabdi

 

Beesha Dubaysna waxay qiratay inuu falkaas geystay Jaamac Cabdi Geesood,waxayna sheegeen in aysan waxba ka ogeyn ragga kale,Cabdi Cawil Cabdi waxaa uu ku maqna Ceergaabo markay dhacdadu dhacaysay.

 

Xukunka guddiga dhex dhexaadinta ee dhacdada Dhahar

 

 

 

-Xukunka dilka marxuminta:-

1-Maxamed Shire Cartan

2-Siciid Shire Cartan

 

Gudigu waxay xukumeen mag dhan 200 oo halaad ninkiiba wadartooduna ay tahay 400 oo halaad,waxaana loo kala bixinaaya sidaan;

 

Jifida iyo ganaaxa 50 halaad ninkiiba waxaana lagu bixinaaya dhogor, magdheerta 150 halaad ninkiiba waxaa lagu bixinaaya lacag lamida 150 halaad X$200= $30,000 Dollar.2-Xukunka dhaawaca:-dhibane Yuusuf Ibraahim MuuseGuddigu waxay xukumeen in ninka dhaawaca ah la hor geeyo shareecada Islaamka si loo simo.

 

Xukumada Dacwadaha Beesha Dubeys

 

Dhacdada Kurkujuxo (Baadiyaha Qardho) -04/02/2009

 

Dhacdadaan waxaa ku dhintey Marxuum Maxamed Xassan Cabdi oo u dhashey beesha Dubeys ee **********

 

Beesha Dubeys waxay u sheeganayaan dilka Marxuumkaas ninka lagu magacaabo Jacfar Xoor C/laahi Cali (Cali Jagaf)Beesha Cismaan Maxamuud way qiratay in marxuumkaas uu ku baxay gacanta beeshooda.

 

Xukunka Guddiga dhex dhexaadinta:

 

Gudigu waxay ku xukumeen dilka Marxuum Maxamed Xassan Cabdi mag dhan 120 halaad (33 halaad waa dhogor.87 halaad waa lacag oo ah 87X$200=$17,400).

 

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo kulankaan ka hadlay ayaa heshiiskaan ku tilmaamay mid Dawladda Puntland ay soo dhoweynayso,wuxuuna ku dhiirageliyey labada beelood in ay fuliyaan.

 

Shirka nabadeed ee lagu dhex dhexaadinaayay labada beelood ayaa degmada Carmo ka furmey 14-ka bishii lasoo dhaafay ee December,waxaana dhex dhexaadinta labada beelood u istaagay Odeyaal dhaqameedka.

 

Maxamuud Cabdi Ibraahim

 

Horseed Media

 

shir_carmo.jpg

 

shir_carmo2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladda Puntland oo Soo Dhoweysay Shirkii Lagu Soo Gaba gabeeyey degmada Carmo

About: 1 hour ago

 

Dawladda Puntland ayaa soo dhoweysay shirkii nabadeed ee kasoconaayay degmada Carmo ee gobolka Bari oo lagu dhex dhexaadinaayay labo beelood oo hore xiisad colaadeed dhexmartay.

 

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo ka hadlaayay gaba gabada munaasabada lagu heshisinaayay labada beelood oo ka dhacdey kulliyada booliska degmada Carmo ayaa sheegay in Puntland iyo waxgaradkeeda ay soo dhoweynayaan go’aamada kasoo baxeen.

 

Wuxuu sheegay in Xukuumada Puntland ay kaalin weyn ka qaadatay sidii labada dhinac heshiis u wada gaari lahaayeen.

 

”…Dawladda Puntland iyo Waxgaradkeedu marna kama gaabin sidii heshiiskaan looga miiro dhalin lahaa,dhaqaale kalama sugin,cod kalama sugin calaf kale kalama sugin.sidaas ayaan isleeyahay ayaa lagu gaaray guusha aan maanta u dabaal degayno…”,ayuu sheegay.

 

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland wuxuu intaas raaciyey in Dawladda Puntland ee hadda jirta ay ka shaqaynayso nabadda Soomaaliyeed.

 

Shirka Nabadeed ee lagu dhex dhexaadinaayay beelaha Cismaan Maxamuud iyo Dubeys ayaa laga soo saaray go’aamo oo labada dhinac ku heshiyeen.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this