Sign in to follow this  
Saalax

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Maanta Qado Sharaf U Sameeyay Cuqaasha Labada Beelood Ee Isku Khilaaf

Recommended Posts

Saalax   

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Maanta Qado Sharaf U Sameeyay Cuqaasha Labada Beelood Ee Isku Khilaafsan Deegaanka Ceel-bardaale.

Hargeysa(Ceerigaabo.com) Jan.05, 2010 - Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa qado sharaf ugu sameeyay cuqaasha iyo wax-garadka labada beelood ee isku khilaafsan lahaanshaha deegaanka Ceel-bardaale, iyada oo ay munaasabadaas goob joog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan goleyaasha guurtida iyo wakiilada iyo badhasaabka gobolka Gabilay.

Xafladan qado sharafta ah ayaa ka dambaysay, kadib markii uu maanta Madaxweyne Siilaanyo uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay madax-dhaqaameedyada labada beelood ee ku dagaalamay Ceel-bardaale, isla markaasna uu magacaabay guddi ka kooban shan wasiir oo uu u xilsaaray in ay go’aan ka gaadheen xalinta mushkilada Ceel-bardaale.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay madashaas, ayaa sheegay in xukuumadu ay diyaar u tahay in ay fuliso balanqaadkii ahaa in xal nabadeed loo helo meel kasta oo dalka mida oo ay ka jirto shaqaaqo, waxaana uu ku amaanay hogaanka dhaqanka ee labada beelood sida hagar la’aanta ah ee ay u danaynayaan in loo furdaamiyo dhibaatada soo jiitamaysay muddada dheer, isaga oo ugu baaqay in ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida dalka.

Waxa iyana halkaas hadalo ka jeediyay odayaal matalayay labada beelood ee khilaafku ka dhexeeyo, xidhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Gebilay, kuwaas oo dhamaantood ku baaqay laga wada shaqeeyo nabada, isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara xasilooni daro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this