Somalina Posted January 5, 2011 Arbaco, 05 Janaayo, 2011 (HOL) − Taliyaha saldhiga Baargaal C/qaadir Xaaji Cumar ayaa si rasmi ah u shaaciyay in la afduubtay gaari nooca xamuulka qaada ah oo u rarnaan Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada aduunka ee WFP. "Gaariga waxaa lagu afduubtay Taageer ,isaga oo u soo socda Baargaal,lamana garanayo sababta keentay afduubashadiisa " ayuu yiri taliyaha oo maanta la hadlay Horseed. Waxaa kaloo taliyaha uu sheegay in arintan ay ka danbeeyaan labo shakhsi oo horay xilal kala duwan degmada Baargaal uga soo qabtay,isagoo intaa ku daray in ay soo bandhigi doonaan warbixino ku saabsan habkii arinta ay u dhacday. Gaarigan la afduubtay oo ahaa nooca waaraadka loo yaqaan ayaa ka tagay Bosaaso ,waxaana la sheegay in uu waday raashin aad u badan iyo qalab kale,iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in gaarigaasi uu xalay xilli danbe galay Baargaal ,isaga oo faaruq ah ,isla markaana lagala dagay dhamaan raashinkii saarnaa. "Dowlada waxaan ka codsanaynaa in arinta ay faragalin ku samayso si aysan mar danbe u dhicin arintan oo kale " ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha. Maamulka degmada Baargaal ayaa canbaareeyay falka lagu dhacay raashinkii gaarigaasi uu waday ,waxaana uu qayb ka ahaa kaalmooyin ay WFP ugu tala gashay dadka abaaruhu ay saameeyn ee ku nool degmooyinka hoostaga gobolka Bari Ugu danbayntii ma jiro masuul sare oo dowlada ka tirsan oo arintan ka hadlay ,hase ahaatee odayaasha degmada Baargaal ayaa wada dadaalo ay ku soo celinayaan raashinka la dhacay. Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online boston@hiiraan.com Bosaaso, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 6, 2011 "Dowlada waxaan ka codsanaynaa in arinta ay faragalin ku samayso si aysan mar danbe u dhicin arintan oo kale " ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha. .. Taliyuhu miyaanuu dowladda ka mid ahayn ??? ,,, lool Quote Share this post Link to post Share on other sites