Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Galkayo Development 2011. New Indoor Markets, Paving Galkayo Airport RD And New Sports Field GUUL

Recommended Posts

Lataliyaha Duqa Gaalkacyo Oo RBC Radio Uga Waramay Mashaariicda Degmada Kasocda

 

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Lataliyaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Madaxa Mashaariicda iyo Hay’adaha ee degmada Gaalkacyo Maxamed C/qaadir Nuur (Dirir) ayaa waxaa RBC Radio (Raxanreeb.com) uga waramay mashaariicda dhinaca horumarinta degmada ee haatan socda.

 

Lataliyaha Duqa ayaa sheegay in mashaariicda degmada ka socda haatan ay yihiin kuwa ka kooban laba qeybood, mid ka mid ah mashaariicdaasi waxaa fulinaya shan hay’adood oo isugu jira kuwa Qaramada Midoobay iyo hay’ado kale oo la shaqeeya, waxaana hay’adaasi ka mid ah UNDP, UNICEF, ILO, UNHABITAT iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland, mashruucaasi oo leh tababaro Caalami ah, waxaana loogu magac darey mashruuca horumarinta degmooyinka, waxaana ka mid ah dhismaha wadada Garoonka diyaaradaha tagta, dayactirka garoonka kubada cagta Gaalkacyo iyo meelo kale oo bulshada muhiim u ah.

 

Qeybta labaad ee mashaariicda ka socda degmada Gaalkacyo ayuu Lataliyaha Duqa Gaalkacyo ku sheegay in uu yahay mashruuc lagu dhisayey suuqyo lagu iibiyo caanaha iyo hilibka, haatana dadweynuhu ay ku shaqeystaan suuqyadii loo dhisay oo ay ka baxeen hilibka iyo caanaha banaanka lagu iibin jiray, wuxuuna intaa ku daray in qorshaha sanadkan ay ugu jirto in la dhiso suuq lagu iibiyo qudaarta.

 

Madaxa Mashaariicda degmada Gaalkacyo Maxamed C/qaadir Nuur (Dirir) waxaa uu sheegay in mashruucii lagu dhisi lahaa wadada tagta Garoonka Diyaaradaha iyo garoonka kubada cagta Gaalkacyo in ay bilaaban doonto maalmaha soo socda, maadaama qandaraaska shirkadihii u tartamay qaarkood ay ku guuleysteen, rajo weyna ay ka qabaan in sida ugu dhaqsaha badan ay ku bilowdaan mashaariicdaasi, maadaama lacagihii loogu talogalay ay diyaarsan tahay.

 

“Sanadkii 2010 waxyaalo badan baa degmada Gaalkacyo laga dhisay, waxaa laga dhisay suuqyo caano, kuwo hilib gowrac iyo waxaabo kale oo muhiim ah, waxaana la dhihi karaa waa sanadkii ugu wanaagsanaa tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaana la qabtey nadiifintii oo qashinka magaalada laga nadiifiyey, waxaana la dhihi karaa wuxuu ahaa sanad kheyr” ayuu yiri Lataliyaha Duqa Gaalkacyo ahna Madaxa Mashaariicda iyo Hay’adaha Degmada Gaalkacyo Maxamed C/qaadir Nuur (Dirir).

 

Lataliyuhu mar uu ka hadlayey mashruuc laga dhisi lahaa gudaha xerada Dayax oo ay is hor taageen koox maleeshiyo ah, waxaa uu sheegay in halkaasi laga dhisi lahaa mashruuc bulshada u gaar ah oo ay ku shirayaan hase ahaatee ay jireen xoogaa muran ah oo ka dhashay markii la bilaabi lahaa, wuxuuna hadalkiisa ku daray in maamulka degmada Gaalkacyo uusan awood u waayin in uu wax badan ka qabto gudaha magaalada, hase ahaatee maamulka degmadu uu xeerinayo in wax walba laga maro dhinaca xalka oo aan la isticmaalin dhinaca xooga, iyadoo la doonayo in aaney wax dhib ah aysan dhicin lana xaliyo hawsha.

 

Ugu dambeyn Lataliyaha Duqa Gaalkacyo waxaa uu ka waramay buug uu ku daabacan yahay qorshaha amniga Gaalkacyo oo ay degmada u soo gudbiyeen Hay’ada UNDP iyo NGO-ga Kaallo, wuxuuna Lataliyuhu sheegay in buugaasi ay ku daabacan yihiin qorshe amniga Gaalkacyo u wanaagsan, markiisii horena ay soo diyaariyeen dadweynaha Gaalkacyo, isagoo hadalkiisa ku daray in uu yahay buug aad u qiimo badan haddii loo fuliyo sida uu u qoran yahay, iyadoo Lataliyuhu tilmaamey qorshaha amniga in uusan ku koobneyn buugaasi oo kaliya balse ay jiraan xarumo loo diyaariyey shirarka nabadgelyada oo degmada lagu soo wareejiyay.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I like Galkayo emphasis on having safe food in the city and Indoor markets for meat and milk is crucial as this forms the biggest diet of puntlanders in Galkayo. Meat and Milk diet is also strong in garowe/qardho and similar markets need to be open. I think Garowe has them already but im not sure about Bossaso. I think Bosaso has one for fishery as that forms the main diet in the coastal regions.

 

Anyways wa in lagu daysta arintan iyo laga hirgaliya all puntland major cities. I want our citizens to shop and buy food that is sanitized indoors following strong regulations whilst other somalis can go eat that crap they buy in the middle of their city with flies and all sorts of bacteria on it. Waa Guul uu soo hooyatay umada reer galkacyood iyo puntland.

 

I am pleased to see the galkayo airport rd is being paved also but like i said earlier in a bosaso thread that alot more roads need to be built siiba kuwa magaladada dhexdisa because this is the life-line of puntlanders who rely heavily on the movement of goods.

 

Plus the sporting grounds are all under-going renovation. Bosaso one is already been declared to recieve a huge upgrade, the galkayo one is mentioned now and also Garowe is having multi venue sporting stadium where u can play football, basketball, track n field, gym and other goodies. I think the sporting stadiums only need one thing astro turf. Well at least 1 astro turf field would be enough in Garowe. We should really get together and hold fund-raiser in the west regarding this.

 

It only goes $30k for 10,000 square feet which is 30 yards of a football field and thats in AMERICA where material and labour is expensive. I am certain Puntland could pick it up at a fraction of the price from dubai siiba materialka and the labor would create jobs. The whole job wouldn't cost no more then 100,000 for the material which the diaspora can easily pick up and on top of that even pay the labourers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this