Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Sarkaal caan oo ka tirsan Al shabaab oo xaaskiisa lagu kufsaday Ceelbuur

Recommended Posts

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galg-uduud ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen saakay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo u hogaaminayo waaliga wilaayada Galgaduud Shiikh Yuusuf ciise kaba kudukade , kadib marki shalay lagu kufsaday haweeneey xaas aheyd. Haweeneyda la kufsaday ayaa sida la sheegay waxaa qabay nin caan ka ahaa degmada Ceelbuur waxaana falkaasi u geystay sadex nin inkastoo ay jiraan warar sheegaya in raga ay ahaayeen 5 ruux.

 

Warar aanan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ragga kufsiga geystay ay ku jiraan dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab.

 

Dhaqaatiir iyo Haweeneydaan waxaa galmoodkeeda xaqiijiyey dhaqaatiir iyo haween diiday in la magacaabo, hase ahaatee baaritaano ku sameeyay haweeneyda.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in saraakiil ka tirsan Shabaab ay gaareen degmada Ceelbuur, si ay wax uga qabtaan arrintan xiisada dhalisay ee kufsiga haweeneyda xaaska aheyd loo geystay.

 

Saraakiil uu ka mid yahay gudoomiyaha Gobolka Galguduud Shiikh Yuusuf Kabakutukade ayaa saakay gaaray halkaasi iyaga oo su,aalo weydiinaya laba ka mid ah raga loo heysto danbigaasi kufsiga ah.

 

Dad badan ayaa sheegaya in Xaaska la kufsaday ay tahay Xaaskii Yuusuf kaba ku dukade taasoo aan weli la shaacinin balse aanu idiinku soo gudbin doono wararkeena hadii ay ******wdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kaba ku Tukade islaantiisa maxaa sidaa loogu sameeyey? I hope they catch whoever raped her...

Diinta maxaa loo sheegtaa haddii falkaan lagu kacaayo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

LOL@kabo kutukade.. mayee Asagoo-Qaawan-Qabeeste.. :D :D

 

Islaanta kuwa kufsaday hala kufsado ayagana, do u guys agree? Eye for an eye, right?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this