Sign in to follow this  
General Duke

Legend Abdi Bile Abdi, Somali's must seek peace thanks Puntland State

Recommended Posts

Orod-yahan Cabdi Bile Cabdi oo Soomaalida ugu baaqay in ay heshiiyaaan

 

 

Talaado, Janaayo 04, 2011 (HOL) – Orod-yahanka Soomaaliyeed Cabi Bile Cabdi oo ka qayb galayay munaasabad ay u qabatay shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa sheegay in uu aad uga mahad celinayo dadka reer Punland oo si wayn u soo dhaweeyay.

 

"Waxaan la ilaawi karin marna sida dadka walaalahay ah ay ii soo dhaweeyeen,waxaana aan si gaar ah ugu mahad celinayaa maamulka Puntland" ayuu yiri halyeey Cabdi Bile Cabdi oo siyaabo kala duwan warbaahinta ula hadlay.

 

Waxaa kaloo uu sheegay in shacabka looga baahanyahay sidii ay u garan lahaayeen dantooda ,isla markaana ay uga gudbi lahaayeen marxladaha dhibka badan ee la soo maray sanadihii bur-burka,isagoo ku baaqay in Soomaalida ay heshiyaan.

 

"Aniga ogaalkeey bulsho kasta arintan oo kale waa ay martaa ,balse waxaa nalooga baahanyahay in ka qayb qaadano nabadda dalka oo dhan "ayuu hadalkiisa ku daray

 

Cabdi Bile Cabdi ayaa maamulka Puntland uga mahadceliyay qabashada koobkii gobollada ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Garowe oo ay ka qayb galeen 15-gobol oo Soomaaliya ka tirsan.

 

Orod-yahanka caanka ee Cabdi Bille Cabdi ayaa lagu xasuustaa taariikh aan marnaba la ilaawi karin,waxaana intii uu yimi Puntland uu siyaabo kala duwan ula kulmay qaybaha bulshada ee Garowe.

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkadda Golis Oo Munaasabad Marti-Sharaf Ah u Sameysey Haleey Cabdi Bille Cabdi

January 3, 2011 | 2 comments

Share

Shirkada Isgaarsiinta Golisa ayaa maanta qado marti sharaf ah u samaysay Halyeeyga caanka ah ee Cabdi Bile Cabdi kaasoo Maalmahaan ku sugnaa magaalda Garoowe ee caasumda Puntland

 

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayab galya wasiirka Maamul Wanaaga Puntland Maxamed Ciise Faarax Gaashaan Wasiirka Warfaafinta isgaarsiinta iyo Dhaqanka Cabdixakiin Axmed Guuleed Agaasimaha Shirkadda Golis Adan Shiikhdoon iyo marti kaloo badan.

 

Waxaan munaasabadda ka hadalay Wasiir Warfaafinta Puntland oo sheegay in shirkadda Golis ay tahay mid ka qayab qaadata hormarka Puntland waxaana uu mahadf gaar ah u celiyey shirkadda Golis marti sharafka ay u sameysey Halyeey Cabdi Bille Cabdi.

 

Sidoo kale goobtaas ka hadalay Halyeey Cabdi Bile Cabdi halyeeyga ayaa sheegay in uu uga mahad celinaayo shirkadda Golis marti sharafka waxaana uu sheegay in shirkadaha isgaarsiinta ay door muhim ah qaateen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A legend indeed, Abdi Bile has even a car named after him by the Somali public on their own. Thanks for the visit, it means a lot to future sportsman and women of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this