Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Tani waa salaan iyo fariin uu Godane u diray sheekhiisa Osaama oo ku aadanayd wax qabadkii sanadkii

Recommended Posts

KALA DOORTA (GABAY)

 

Waxaa kale oo ay fariin taan muhiim u tahay shacabka reer muqdisha kuwooda aan weli ogayn ujeedada laga leeyahay dagaalkan joogtada ah ee ka socda degaanadooda kaas oo u horseeday abaaro,gaajo,dhimasho,barakac iyo dhibaato oo dhan hadaba reer Muqdisho waxaa la gudboon in ay hurdada ka toosaa

 

 

Amiirkaa dadaalaan ahoo waan dikrinayaaye

Shaqadii la'ii soo diraan daba ordaayaaye

Fariintaydan gaarsii duqii wuu degdegayaaye

Duqowdiyo caruuraha ninkaan deynin baan ahaye

Calankii daruurtiyo cirkiyo dahab la moodaayay

Ninka doorsha yiri baan ahoo waan dejinayaaye

Dagaalada sokeeyaha nin kaa doortay baan ahye

Diintii Osama uu i baray waan ku diirsadaye

Abaaruhu kolkay dilahayaan dumarka gaajaysan

Ninka aanan dayn dhaylahoo diirta baan ahye

Xamar deeq wixii yiil niinkaa geeyay dayniile

Misna aan degaan kuba lahayn dooyga iyo deexda

Oo caawa degen baan ahoo waan duceysnahaye

Dalagiyo abuurkaa nin kaa diiday baan ahaye

Dagaal iyo waxan dirir ahayn laygu dayi waaye

Dayrtaba waxaa igala wacan moortar soo degaye

Daryeel iguma laha maatadee waan dabxinayaaye

Dagaalkaygu wuxuu gaarayaa tan iyo diin-soore

Amiir aan damqeyn baan ahoo sheekhu soo diraye

Ama qaata diintooyda oon doolar idin siiyo

Ama diida oon idin dejiyo xamar duleedkiisa

Labadaa mid kood doorta waa kama danbaystiiye

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ looooooooooooool waxasi gabay maha wa wax waagacasub isku gey geysay. i am sure Amiirku can do better then that. Ileen wuxu ka so jeeda Ahlu gabay.

i wanne hear it from the Amiir him self. cod ma haysin?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol....oba....Xunduf wuu is yeelyeelayaa oo waa ogyahay in ninkan lagu halqabsaday oo Gabayga sidii inuu isagu tiriyey loo meershay. Xunduf adiga ma taageerayaasha Godane ayaan kugu tirinnaa ayaantaan waa lagugu wareeree...? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;685505 wrote:
^^^^ looooooooooooool waxasi gabay maha wa wax waagacasub isku gey geysay. i am sure Amiirku can do better then that. Ileen wuxu ka so jeeda Ahlu gabay.

i wanne hear it from the Amiir him self. cod ma haysin?

LOL@ahlu gabay...

 

Awoowe, we already discussed meesha ahlu gabaygu ka soo qulqulaan....

Jowhar Ha Noolaato...loooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina awoow ma kaga sheekeyee bari aan xammar ka soo baxay oo aan jawhar tagay , waligay magaalo Somali ma arkin ooo sida wacan dadka loogu so dhaweyo., wa magaalo aad u barwaqeysan , laba habeen baan u howday. wabiga shabeelle na wa ag mara. laakin shirb / gabay guurow contest maan arkin lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wax dikrinaaye ma aragtey oo indha shareer wata? looool

 

Reer abtigey waa la yaqaan iney ahlu gabey yihiin ee naga daa dacaayada...

Waxba uma ogolidiin cidna, xaasidnimada iska daaya...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this