Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ceel-Bardaale: President Nominates Another Guddi

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi Ka Kooban Shan Xubnood U Saaray Khilaafkii Ceel Bardaale

 

Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta guddi ka kooban shan xubnood u saaray Arrinta Ceel Bardaale.

Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

Warsaxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu u dhignaa sedan

“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

Ayaa Maanta Magacaabay Guddi uu u xilsaaray Arrinta Ceel-bardaale, Guddidaas oo ka Kooban Shan Wasiir iyo Odayadda Labadaba Dhinac ee Ceel-bardaale Isku Haya Ka Soo kale Jeeda.

Madaxweynuhu Waxa uu faray Gudida in ay sida ugu dhakhsaha badan u guddo galaan hawsha uu u xilsaray oo ah inay xaqiiqo rasmiya ka keenan sida ugu haboon ee Lagu soo Af-jari lahaa Arrinta Halkaa ka Jirta, si Dhakhso ahna Xal looga Gaadho.

Guddiguna waxay Balan qaadeen inay Sida ugu Haboon ee ay Xal u arkaan ee ay Arrintaa loo Xilsaaray uga soo talo bixin lahaayeen ay ku dadaalidoonan.”

Khilaafka ceel bardaale ayaa muddo dheer soo jiitamayay iyada oo ay marar badana labada beelood ee ku muransani isku faro saareen.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda cusub ee Madaxweyne siilaanyo oo iyadu xukuumaddii hore kala wareegtay maamulka ayaa khilaafkan lagu wadaa in ay soo afjarto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha Labada Beelood ee isku dila Ceel Berdaale oo Madaxtooyada Hargeysa kaga dhawaaqay inay Heshiinayaan iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ku xoojiyay Guddi wasiiro ah

 

 

Hargeysa(Waaheen) Sh Maxamud Sh Muxumed Raage iyo Garaad Maxamud oo ah Af-hayeenada labada Ardaa ee isku haya Deegaanka Ceel berdaale ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inay labada dhinac go’aansadeen inay iskood u dhamaysanayaan muranka u dhaxeeya ee Deegaanka Ceel Berdaale.

 

Labada Af-hayeen waxa ee labada beelood ayaa sheegay inay kulamo ka yeesheen sidii arrinta loo xaliyi lahaa waxaanay sheegeen wajigii ugu horeeyay inay isla qaateen in labada Beelood Nabada qaataan isla markaana wadahadalada ay si toos ah u bilaabaan.

 

Garaad Maxamud oo ah Af-hayeenka Beesha Reer Dilla ayaa sheegay wadahadalkan inuu ka yimi oo uu Hormood u yahay Sh Maxamud Sh Muxumed Raage ooo uu ku tilmaamay inuu diyaar u yahay soo Af-jarida Colaada labada Beelood oo ay dad ku dhinteen, isagoo xusay inay soo dhaweynayaan oo ay la qaateen.

 

Waxaanu intaa ku daray intaa ku daray labada beelood inay Heshiis ka wada gaadheen in laga fogeeyo wadahadalada Siyaasiyiinta Xag-jirka ah ee labada Beelood, waxaanu xusay labada Beelood inay soo xuleen dhinac walba Toddoba Xubnood, laba Xildhibaan iyo Labada Badhasaab ee labada Gobol.

 

Sh Maxamud Sh Muxumed Raage ayaa isna dhinaciis sheegay inay qaateen Nabad isla markaana ku dhaqaaqayaan wixii walaalaynaya labada Beelood ee wada dega oo isku ah sida uu sheegay Inan iyo Abtigii.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa isna maanta ku dhawaaqay inuu arrintaasi u xilsaaray shan wasiir oo ka tirsan Golaha Xukuumaddisa si ay wadahadaladaasi uga qayb qaataan wasiiradaas oo kala ah: Wasiirka Cadaalada, Arrimaha Dibeda, Gaashaan dhiga, Duulista Hawada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haye gudigani wa gudigi imisaad?

 

Gudi for Buhoodle

Gudi for ceelbaardale issue

Gudi for diyaarad

Gudi hargeisa beautification

Gudi xil wareejin

Gudi ilaalinta hantida qaranka

Gudi xaqiiqa raadis galbeedka onlfti so dagtay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this