Jacaylbaro Posted January 4, 2011 Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi Ka Kooban Shan Xubnood U Saaray Khilaafkii Ceel Bardaale Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta guddi ka kooban shan xubnood u saaray Arrinta Ceel Bardaale. Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Warsaxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu u dhignaa sedan “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Ayaa Maanta Magacaabay Guddi uu u xilsaaray Arrinta Ceel-bardaale, Guddidaas oo ka Kooban Shan Wasiir iyo Odayadda Labadaba Dhinac ee Ceel-bardaale Isku Haya Ka Soo kale Jeeda. Madaxweynuhu Waxa uu faray Gudida in ay sida ugu dhakhsaha badan u guddo galaan hawsha uu u xilsaray oo ah inay xaqiiqo rasmiya ka keenan sida ugu haboon ee Lagu soo Af-jari lahaa Arrinta Halkaa ka Jirta, si Dhakhso ahna Xal looga Gaadho. Guddiguna waxay Balan qaadeen inay Sida ugu Haboon ee ay Xal u arkaan ee ay Arrintaa loo Xilsaaray uga soo talo bixin lahaayeen ay ku dadaalidoonan.” Khilaafka ceel bardaale ayaa muddo dheer soo jiitamayay iyada oo ay marar badana labada beelood ee ku muransani isku faro saareen. Si kastaba ha ahaatee xukuumadda cusub ee Madaxweyne siilaanyo oo iyadu xukuumaddii hore kala wareegtay maamulka ayaa khilaafkan lagu wadaa in ay soo afjarto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 4, 2011 Odayaasha Labada Beelood ee isku dila Ceel Berdaale oo Madaxtooyada Hargeysa kaga dhawaaqay inay Heshiinayaan iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ku xoojiyay Guddi wasiiro ah Hargeysa(Waaheen) Sh Maxamud Sh Muxumed Raage iyo Garaad Maxamud oo ah Af-hayeenada labada Ardaa ee isku haya Deegaanka Ceel berdaale ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inay labada dhinac go’aansadeen inay iskood u dhamaysanayaan muranka u dhaxeeya ee Deegaanka Ceel Berdaale. Labada Af-hayeen waxa ee labada beelood ayaa sheegay inay kulamo ka yeesheen sidii arrinta loo xaliyi lahaa waxaanay sheegeen wajigii ugu horeeyay inay isla qaateen in labada Beelood Nabada qaataan isla markaana wadahadalada ay si toos ah u bilaabaan. Garaad Maxamud oo ah Af-hayeenka Beesha Reer Dilla ayaa sheegay wadahadalkan inuu ka yimi oo uu Hormood u yahay Sh Maxamud Sh Muxumed Raage ooo uu ku tilmaamay inuu diyaar u yahay soo Af-jarida Colaada labada Beelood oo ay dad ku dhinteen, isagoo xusay inay soo dhaweynayaan oo ay la qaateen. Waxaanu intaa ku daray intaa ku daray labada beelood inay Heshiis ka wada gaadheen in laga fogeeyo wadahadalada Siyaasiyiinta Xag-jirka ah ee labada Beelood, waxaanu xusay labada Beelood inay soo xuleen dhinac walba Toddoba Xubnood, laba Xildhibaan iyo Labada Badhasaab ee labada Gobol. Sh Maxamud Sh Muxumed Raage ayaa isna dhinaciis sheegay inay qaateen Nabad isla markaana ku dhaqaaqayaan wixii walaalaynaya labada Beelood ee wada dega oo isku ah sida uu sheegay Inan iyo Abtigii. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa isna maanta ku dhawaaqay inuu arrintaasi u xilsaaray shan wasiir oo ka tirsan Golaha Xukuumaddisa si ay wadahadaladaasi uga qayb qaataan wasiiradaas oo kala ah: Wasiirka Cadaalada, Arrimaha Dibeda, Gaashaan dhiga, Duulista Hawada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 4, 2011 i thought ceelbaardale was solved long time ago Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 4, 2011 You are taking some strong sleeping pills dee ,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 4, 2011 Haye gudigani wa gudigi imisaad? Gudi for Buhoodle Gudi for ceelbaardale issue Gudi for diyaarad Gudi hargeisa beautification Gudi xil wareejin Gudi ilaalinta hantida qaranka Gudi xaqiiqa raadis galbeedka onlfti so dagtay Quote Share this post Link to post Share on other sites