Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Maxaa kala heysta Somaliland iyo Puntland oo isku mindiyo soofeysanaaya

Recommended Posts

Kadib markii maamul goboleedka ee Puntland uu Somaliland ku eedeeyay in’ay taageerto Xarakada Al Shabaab oo dagaalo xoogan ka wado dalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul uga jawaabtay Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed C/Laahi Cumar oo wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah wakaaladaha wararka ee caalamka ayaa sheegay in Puntland ay dooneyso oo qura in sumcatada Somaliland ay meel uga dhacdo.

 

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba taageersaneen kooxaha argagaxisada ah, isagoo xusay in Somaliland lagu xasuusto in’ay dagaalo kula jirto kooxaha dhibaatada ka wada gobolka.

 

Maxamed C/Laahi ayaa xusay in Puntland uu kasoo yeeray hadal aan wanaagsaneen isla-markaana ay meel uga dhaceyso horumarka iyo dimuq-raadiyada buu yiri ay ku talaabsatay dowladda Somaliland, isagoo intaasi ku daray in hadalka Puntland uusan marnaba wax-yeelo u geysan kareyn wanaagga Somaliland.

 

Sidoo kale wuxuu hadalka kasoo yeeray maamulka uu madaxweynaha ka yahay C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” in uu yahay hadal aan laheyn meel loo-raaco, ama waxaa weeye buu yiri hadal aan sal iyo raad toona laheyn.

 

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed C/Laahi Cumar ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay hadalkani ku dooneyso in’ay ku qariso horumarinta milatariga ee Puntland, isla-markaana waxay Puntland dooneysaa buu yiri in’ay qal-qal ku beerto nabadda iyo kala dambeenta ee ka jirta Somaliland.

 

Hal cisho kahor ayay ahayd, kadib markii Cabdi Jamaal Sheekh Xasan oo ah Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Amniga ee maamulka Puntland uu Somaliland ku eedeeyay in’ay taageerto, amaba ay mangalyo siiso kooxda Xarakada Al Shabaab oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

 

Hadaba hadalada lidka isku ah ee u dhaxeeya maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxay dadka odoroso siyaasadda dalka Soomaaliya ay ku baaqeen, in maamul kasta uu ka arrimiyo deegaanada uu ka taliyo, waayo bay yiraahdaan dhulka Soomaaliya waa dhul weyn, waana mid wada qaada ummada Soomaaliyeed, waxayna ka digeen dagaalo cusub oo ka dhex qarxa labadaasi maamul, oo iminka si hoose isku eegaaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Saalax;685411 wrote:
^^^ Well said.

See, I told you. He is your father indeed! loooool

 

Xaji, sannadka cusub waxaad ku soo dhaweysen fadeexo. PL looks good right now marka xooga yar break iska qaata, tani wey idinka kor duushayee. Ceeb badanaa. One day xabsi baad ku xukunteen Ruushkii, maalintii danbena airport-ka ku sagootiseen.

 

Guddi sameysta hadda oo sumcada idin soo celiya...loooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

lol so just because we agree that Somaliland has no links with terrorists but rather the piratestate(puntland is the one who has links with terror groups) He is my father? what a bizarre joke. :D How about i become your daddy Somalina. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;685418 wrote:
See, I told you. He is your father indeed! loooool

 

Xaji, sannadka cusub waxaad ku soo dhaweysen fadeexo. PL looks good right now marka xooga yar break iska qaata, tani wey idinka kor duushayee. Ceeb badanaa. One day xabsi baad ku xukunteen Ruushkii, maalintii danbena airport-ka ku sagootiseen.

 

Guddi sameysta hadda oo sumcada idin soo celiya...loooool

Puntland sanadka cusub waxay ku wabireysten gudoomiyaha gobolka mudug oo qarax lala beegsaday iyo suldaankoodi u leh Somaliland maxay hubka nooga dhigtay :D Now awoow fadeexada qolada aad dalka wadaagtin eeh mamuulka budhcad badeedka bay buux dhaafisay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;685418 wrote:

Xaji, sannadka cusub waxaad ku soo dhaweysen fadeexo. PL looks good right now marka xooga yar break iska qaata, tani wey idinka kor duushayee. Ceeb badanaa. One day xabsi baad ku xukunteen Ruushkii, maalintii danbena airport-ka ku sagootiseen.

 

Guddi sameysta hadda oo sumcada idin soo celiya...loooool

Funny, I nearly fell of my chair.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this