Somalina Posted January 3, 2011 Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee kusugan isgoyska ugu dhaq dhaqaaqa badan Magaalada Muqdisho ee Ex Contarool Afgooye ayaa maanta haweenak isticmala wadadaasi ka mamnuucay qaadashada indhashareerka. Taliyaha Amniga ciidamada Ex Contarool afgooye ee dowladda KMG Soomaliya Axmed C/laahi (Axmed Yare) oo la hadlayay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in shalay galinkii dambe ay kulan wada qaateen saraakiisha ciidamada ka howlgala Ex Contarol iyo nawaaxigeeda isagoo sheegay in kulankaasi looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa dhinaca amaanka. Axmed C/laahi ayaa intaasi waxaa uu raaciyay in kulankooda kadib ay soo saareen awaamiir dhowr ah oo ku aadan dadka iyo gaadiidka isticmaala isgoyska Ex Contarol Afgooye isagoo xusay in maanta ay bilaabeen baaritaanada gaadiidka xamuulka ah ee ka baxa Muqdisho iyo kuwa soo gala kuwaasi oo uu sheegay in aysan horay u baari jirin. Sidoo kale taliyaha ciidamada Ex Contarol ayaa tilmaamay in haweenka xirta indhashareerka ee isticmaala wadadaasi aysan ogolaan doonin iyagoo xiran indhashareer ay maraan wadadaasi kadib markii ay soo bateen sida uu sheegay rag farabadan oo ka tirsan Al Shabaab oo soo xirta dharka haweenka iyo indhashareerka kadibna isticamaala wadadaasi sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha Amniga ciidamada Ex Contarool Afgooye ee dowladda KMG Soomaaliya Axmed C/laahi (Axmed Yare) ayaa ku qanciyay haweenka Soomaaliyeed ee xirta indhashareerka in ay sabraan inta ay ka xaqiijinayaan ciidamada dowladda amaanka iyo kala dambeynta. Daqiiqado kadib markii amaradaani ay ka soo baxeen ciidamada dowladda KMG fariisinka ku leh isgoyska Ex Contarol Afgooye ayaa maanta halkaasi waxaa lagu arkayay ciidamo farabadan oo baaritaano ku sameynaya dadka iyo gaadiidka Isticmaala wadadaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites