Mooge Posted January 2, 2011 Muqdisho (RBC Radio):- Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Hay’ada Nabadsugida Qaranka Dowladda FKMG Soomaaliya Gen, C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in ay joojiyeen isticmaalka baasaboorkii hore ee Soomaaliya. Gen, Gaafow ayaa sheegay in sanadkan cusub laga bilaabo uusan shaqeyn doonin baasaboorkii hore ee Soomaaliya oo lahaa midabka cagaarka, kaasi oo Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo [...] More... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 3, 2011 waa joojinnay baa la iska dhahayaa...meeqo jeer buu hadda ka hor sidaan oo kale dhahay oo socon weysey. Gaafoow illaa ay dowladdu samayso qaab ay Soomaalida ku kala baahsan caalamka ay baasaboorkan heli karaan waa joojiyey ma soconayso. Dadkaan awalba iska dhibaataysnaa in caqabad loogu sii daraa ma habboona. Soomaali badan oo arday, shaqaale amase degaan ahaan u jooga goobo ay ka mid yihiin: Sucuudi, Imaaraadka, Suudaan, Shiinaha, Hindiya, Bakistaan, Maleesiya iyo meelo kale oo badanba soo arrintani caqaband ku noqon mayso oo degganaashihii waddamadaas ay ku haysteen lagama joojinayo? Dadkaan Soomaalidu ay xilalka u dhiibtaan horta maxay naxariistu uga guurtaa oo ay keliya uga fekeraan labada shilin ee iyaga soo geleysa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 3, 2011 Give him another year and you will hear him again saying "Waa la joojiyay" ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted January 3, 2011 Abwaan, I agree. Quote Share this post Link to post Share on other sites