Abdirazak_PTL Posted January 2, 2011 Adeegyo Caafimaad Oo Laga Bilaabay Degmada Burtinle Ee Gobolka Nugaal(Sawiro) January 2, 2011 Adeegyo Caafimaad ayaa maanta laga bilaabay Cisbitaalka degmada Burtinle,kuwaasi oo ay ka faa’idaysanayaan dadka deegaanka ku dhaqan. Dhakhaatiirtaan fulinaysa adeegyadan caafimaad ee kala duwan ayaa waxay isugu jiraan Saddex dhakhtiir oo Soomaali ah iyo labo dhakhtiir oo ajaanib ah oo u dhashay Uzbekistan iyo Masar,kuwaasi oo kala qaabilsan: • Cudurada ku dhaca cunaha,dhagaha iyo sanka(ENT). • Cudurada ku dhaca haweenka. Dadka ku dhaqan degmada Burtinle ayaa si weyn usoo buux dhaafiyey Cibitaalka si ay uga faa’idaystaan adeegyada kala duwan ay bixinayeen dhakhaatiirtu,waxayna dadku gadanayaan Kaararka qaabilaada iyagoona la siinayo daawooyin lacag la’aan ah. Dhakhaatiirtan ayaa horay uga hawlgali jiray Cisbitaalka magaalada Qardho,waxaana ilaa iminka iska diiwaan geliyey dad gaaraya 500 oo qof,waxayna shaqayn doonaan xiliyada maalintii iyo habeenkii. Sidoo kale waxay adeegyo Caafimaad ka bilaabi doonaan magaalada Gaalkacyo todobaadyada soo socda. Dadka kunool degmada Burtinle iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa ah kuwa adeegyada Caafimaad u taga magaalada Gaalkacyo oo 120 KM degmada Burtinle kaga beegan dhanka Koonfureed. Mursal Maxamuud Cismaan Horseed Media Burtinle Quote Share this post Link to post Share on other sites