Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Governor Of Banadir Says Puntland Is The Beacon Of Peace and Development

Recommended Posts

Tarsan-new2-300x225.jpg

 

Duqa Magaalada Muqdisho: Puntland Waxaa Kajira Nabad & Horumar

 

Garowe (RBC Radio):- Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay in horumar iyo nabadgelyo la isku haleyn karo ay ka jirto gobolada maamulka Puntland.

 

Duqa Magaalada Muqdisho oo safar gaaban ku yimid deegaanada maamulka Puntland ayaa ka qeybgalay ciyaartii kamadambeysta ahayd ee dhexmartey xulalka kubada cagta ee gobolada Banaadir iyo Bari ee ka dhacdey garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe.

 

Gudoomiyaha ayaa intii uu joogay caasimada dowladda Puntland waxaa uu aad ula yaabey amniga, nabadgelyada iyo horumarka ka jira, isagoo sheegay in horumarkaasi uu yahay mid aan la xaqiri karin, loona baahan yahay in ay ku daydaan gobolada koonfurta Soomaaliya.

 

“Aniga markii aan ka soo tagayey magaalada Muqdisho waxaa la iga dhaadhiciyey arimo khaldan, oo waxaa la yiri waa lagu qafaalan, mishin ayaa lagu wadaa, waa la i cabsi galiyey, hase ahaatee waxaan u imid shacab nabada jecel, ii sameeyay soo dhoweyn qiima badan, shacabka Puntland waa dadweyne jecel reer Muqdisho, waa dadweyne jecel Soomaali in ay isku timaado” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan.

 

Mudane Maxamuud Tarsan waxaa uu hadalkiisa ku daray in uu safar dhulka ah ku soo maray inta u dhaxeysa gobolada Mudug ilaa iyo Nugaal isagoo sheegay in uu indhihiisa ku soo arkay xayaawaanaad duurjoog ah, xoolo daaqaya laamiga hareerihiisa si nabadgelyo ah, taasi oo uu ku sifeeyay in ay tahay nabada qeyb kamid ah.

 

Mar uu ka hadlayey Gudoomiyuhu ciyaaraha ay marti gelisay Puntland, waxaa uu mahadcelin iyo hambalyo u diray shacabka iyo maamulka Puntland ee Allah ka sokoow uu sheegay in ay u dhabar adeygeen qabashada koobka kubada cagta ee 18aad ee ay ku tartamayeen 15 gobol oo Soomaaliya gudaheeda ah.

 

Tarsan waxaa uu hadalkiisa raaciyey in Puntland ay u qalanto in ay marti geliso shirweyne ay isugu yimaadaan dhamaan ummada Soomaaliyeed oo lagu heshiisiiyo, maadaama sida uu qiray dadka reer Puntland ay yihiin kuwa nabada jecel oo u taagan isku keenista Soomaaliweyn.

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in soo dhoweynta maamulka Puntland uu usameeyay aawadeed uu maamulkiisu marti gelin doono Gudoomiyaasha degmooyinka iyo gobolada deegaanada Puntland oo uu sheegay in ay Muqdisho ku casuumi doonaan.

 

Waa markii ugu horeysay ee noloshiisa uu yimaado deegaanada Puntland Duqa Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinkiisa, islamarkaana khalad badan oo looga sheegay uu meesha ka baxay.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this