oba hiloowlow Posted January 1, 2011 Horjoogihii koodii burburtay ee Xisbulislaam Xasan Daahir Aways oo shalay ka hadlay Masjid ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa afkiisa ku qiray in uu macsi ku jiray ka hor intii aanu isku dhiibin kooxda Alshabaab , Xasan Daahir Aways ayaa waxaa uu macsidaasi ku tilmaamay in ay ahayd ka maqnaashihiisii uu ka maqnaa safka Shabaab laakiin sooma aanu hadal qaadin dagaalada uu ku daadanayo dhiiga dadka Muslimiinta ah, kuwaas oo sababta ugu badan dagaalkii socday labadii sano ee danbe oo mas’uuliyadooda uu lahaa maadaama Xasan Daahir uu ahaa ninkii ku dhawaaqay dagaalkaasi, Xasan Daahir ayaa waydiiyay dadkii dhagaysanayay hadalkiisa waxaa loo haysto mar haddii sida uu yiri uu kasoo laabtay macsidii uu ku jiray kuna milmay Shabaab taas oo muujinaysa in uu naftiisa uga maara la,yahay kooxda ku fikirka ah horjooge Amed Cabdi Godone qaba in aan la soo dhawaysan Xasan Daahir Aways ilaa maxkamad la saaro isaga iyo raggii u olaoleeyay dagaaladii ay Xisbigu la galeen Alshabaab, Hadalka Xasan Daahir ayaa imaanaya saacado kadib markii fariin uu soo diray uu ugu caga jugleeyay rag uu sheegay in ay ku soo biireen safka kooxdiisa isla markaana leh ujeedooyin ka duwan kuwiisa taas oo u muuqatay in ay ku socotay Xasan Daahir iyo raggii soo dhaweeyay oo fikir ahaan ay kala tageen horjoogaha Shabaabka Axmed Cabdi Godane Xasan Daahir iyo kooxdiisii ayaa dhawaan isku dhiibay Shabaab kadib sanado ay ku hayeen dilal qorshaysan iyo weeraro toos ah oo ay kaga saareen inta badan dhulkii uu Xisbiga ka talinayay ugu danbayntiina ku qasbeen in ay isku dhiibaan taas oo soo gabangabaysay mustaqbalkii siyaasadeed ee Xasan Daahir oo muddo dheer ku soo jiray halgan hubaysan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 3, 2011 Hadda ma shaki baa ku jira inuu kan lahayste yahay mar haddii uu sidaan u hadlayo, meelo uusan awal tegi karinna uu hadda ka khudbaynayo? Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted January 3, 2011 waala wada ogyahay abti ee dadka qaar ayaa aaminsan inuu xassan ku biiray al shabaab sababa la xiriiro inuu shacabka ka naxaayo oo intuu dhiig daadan lahaa uu ka doorbiday ka mid ahaanshaha shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites