Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Idaacada Shabelle oo lacago kusoo qaadatay sii-hurdinta dagaalada ka soconaaya Somaliya

Recommended Posts

Idaacada Shabeelle oo Idaacad afdheer ah oo ku taalla magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa la-xaqiijiyay in lacago xoog leh ay ka heshay kaniisado ku yaalla wadamada horumaray.

 

Shabeelle oo sanadkii hore noqotay Idaacadda ugu wanaagsan caalamka ayaa waxaa la-sheegay in lacago ay ka helleen hay’ado hoos tagga kaniisado ku yaalla wadamada horumaray, isla-markaana ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegeen in Idaacadda Shabeelle ay lacago kusoo qaadatay xaglinta dalka Soomaaliya.

 

Mudanayaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Idaacadda Shabeelle ay lacago kusoo qaadatay, sidii ay iskaga horkeeni laheyd beelo walaalo ah, oo wada degga magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxay sheegeen in Shabeelle ay ka qaadi doonaan talaabo adag.

 

Shabelle Media Network ayaa waxaa lagu eedeeyay in’ay ku lug leedahay sii-hurinta dagaalada ka soconaaya gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo rag ka tirsan dowladda ay sheegeen in Shabeelle ay soo taaggi doonaan maxkamad.

 

Tuhunka Idaacada Shabeelle ee ku aadan in’ay lacago kasoo qaadatay kaniisado ku yaalla wadamada caalamka ayaa waxay ka taagan tahay magaaladda Muqdisho, isla-markaana inta badan shacabka ayaa waxay ku sheekeysanaayaan heshiis la-sheegay in Shabelle ay la-gashay hay’ado hoos tagga kaniisado.

 

Si kastaba ha-ahaatee lama oga waxa uu ku dambeen doono mustaqbalka dhaw ama kan fogba ee Idaacadda Shabeelle, inkastoo Shabeelle ay ku taallo goobo ay ku xoogan yihiin ciidamadda Amisom.

 

http://dhacdo.com/news.php?readmore=3462

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this