Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia: TFG troops fight amongst themselves

Recommended Posts

Ciidamadda Dawladda Federaalka oo Dhexdooda Ka Dagaalamay

January 1, 2011 Ciidamo kawada tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta rasaas isku weydaarsadey meel aan waxbadan ka fogeyn aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

 

Falka is rasaaseynta ah ayaa yimid kadib markii qaarkamid ah ciidamada Dawladda Federaalku ay sameeyeen gadood, waxaa maanta (Sabti) loo qaybinaayey Ciidamada Mushaharkooda, waxaana gadoodka sameeyey ciidamadii iska waayey liiska mushaharka lagu qaadanaayey.

 

Ciidamada gadoodka wadey ayaa xiray waddada Maka al-Mukarama gaar ahaan isgoyska Sayidka, waxaana ay rasaas ku furayeen dhamaan gadiidka isku daya in ay halkaas soo maraan.

 

Ciidamo kale oo ka tirsan dawladda federaalka ayaa tegay goobta si ay uga hortagaan ciidanka gadoodka sameeyey, waxayna taasi sababtey in labada ciidan isku dhacaan.

 

Inta la ogyahay laba kamid ah ciidamada ayaa dagaalkaas ku dhintey halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Dedaal badan kadib ayaa lagu guuleystey in ciidamadii gadoodsanaa laga kaxeeyo wadada Maka al-mukaramah oo ah waddo muhimad weyn u leh Dawladda federaalka ayna isticmaalaan madaxda dawladdu.

 

Ma ahan markii u horeysey ee ciidamo ka tirsan dawladsdu ay rasaas is weydaarsadaan, dagaalka ciidanka dhexdooda ah ayaa muddo badan soo laabtey taas oo sabab u ah tayada ciidanka iyo taliyaashooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dedaal badan kadib ayaa lagu guuleystey in ciidamadii gadoodsanaa laga kaxeeyo wadada Maka al-mukaramah oo ah waddo muhimad weyn u leh Dawladda federaalka ayna isticmaalaan madaxda dawladdu.

dad dagaal ku jirey 20 sanno people like awoowe Hanjab ma fahmi karaan. Waa la dadaaley, waana la dhameeyey sheekada.

 

Awoowe iiga waran the looted equipment and uniforms. Size-kaada ma ka dhex heshey uniforms-ka? loooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;684747 wrote:
Waxaan maqlay in Shariifka looga helay nigis uu si gaar ah u soo codsaday ......... xaaji-xunjuf baa u geynaya tomorrow ,,,
:)

:D

 

 

nikis maha. waa castuumo noocan ah.

 

 

24986984v1_225x225_Front.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mayaani   

This underwear will fits well with Siilaayo because he is overweighed and large. In addition blue flag will make much happier than mooty situation he is in.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Jacaylbaro;684747 wrote:
Waxaan maqlay in Shariifka looga helay nigis uu si gaar ah u soo codsaday ......... xaaji-xunjuf baa u geynaya tomorrow ,,,
:)

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jacaylbaro;684747 wrote:
Waxaan maqlay in Shariifka looga helay nigis uu si gaar ah u soo codsaday ......... xaaji-xunjuf baa u geynaya tomorrow ,,,
:)

Waa ka helaa marka qowdhanska isku hiil hiiliyaan ceeb daradeed. Nice to see JB oo Xaji Hanjab garab siinaayaa. Splendid! :D

----------

 

Muqdisho:- magaalada Muqdisho oo saaka ku waabariisatay jawi deganaan ah.

Januar 2, 2011

 

Muqdisho (Allpuntland)-Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku wabariisatay jawi deganaan ah ka dib dagaalo culus oo todobaadyadii la soo dhaafay hareeryey magaalada muqdisho kuwaasi oo sameeyn culus ku reebay magaalada.

 

Inkastoo xiliyada habeenkii magaalada Muqdisho dagaalka looga bartay islamarkaana madaafiic dhinacyada iska soo horjeeda ay isku adeegsan jireen ayaa waxa xalay la dhihi kara habar ugu yaraatee dhawaqa xabad rasaas ah lagama maqal aagaga dagaalka Muqdisho.

 

Jawiga deganaanta ah ee xalay ka jiray magaalada Muqdisho ayaa dadka waxa ay u arkaan xasilooni weyn marka loo eego dagaaladii mudooyinkii ugu dambeeyey gil gilay magaalada Muqdisho.

 

Xaalada degaanta ah ee ka jirtay xalay magaalada Muqdisho ayaa wali jiitameeysa ilaa saaka mana jirto wax rasaas ah oo laga maqlayo aagaga dagaalka magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

At least 4 people were killed and 3 others wounded after government soldiers exchanged fires in the capital Mogadishu today on Thursday, reports said.

 

Government soldiers exchanged fires in El-gelow village in wadajir district mid today killing 4 civilians and injured 3 others, resident said.

 

Two government forces exchanged the bullets after they disputed though the reason is not yet clear.

 

The injuries were taken to Madina hospital in the capital Mogadishu.

 

This is not the first act that forces of Somali transitional federal government exchange inside civilians causing death and injuries.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Awoowe kanaa ilowdey

 

Jimco, 07 Janaayo, 2011 (HOL) − Maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayaa ka warbixiyay dagaal askar kawada tirsan dowladda Soomaliya ku dhexmaray degmadaas, kaasoo sababay dhimashada saddex askari iyo afar qof oo shacab ah.

 

"Dagaalku, wuxuu ka dhacay xaafad ka tisan degmada Wadajir, waxaana ku dhintay inta aan ka warhayno saddex ka mid ah askartii dagaalamay, dhowr qof oo kalena waxyeello ayaa kasoo gaartay," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo ka warbixiyay dagaalka.

 

Warar madax-bannaan ayaa sheegaya in iskahorimaadkan uu ahaa mid u dhexeeyay askar ka amarqaata guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Ma'med Cismaan Cali (Dhagax-tuur) iyo guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci, kaasoo dhashay gallinkii dambe ee shalay.

 

"Shacabka wax ku noqday dagaalka, waxaan maqlay inay gaarayaan afar qof oo dhaawac ah, mana garan karo tiro intaas ka badan oo ay waxyeello gaartay, waxaana dadkaas ay ku jireen maqaayad ku dhaweyd halka uu dagaalku ka dhacay," ayuu Axmed Daaci sidoo kale u sheegay warbaahinta.

 

Wararka laga helayo deegaanka ay shaqaadadani ka dhacday oo lagu magacaabo Ceel-geelow, ayaa sheegaya in shacabka ku dhintay dagaalkaas ay gaarayaan afar qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen afar kale.

 

"Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, waxay ku jireen maqaayad, mid ka mid ah askartii dagaalamay ayaa rasaas ku furay, waxaana dadku ay noqodeen kuwo cararay, kuwo dhintay iyo kuwo dhaawacmay," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka ay shaqaaqadu ka dhacday oo la hadlay Hiiraan Online.

 

Dhaawacyada, ayaa xalay la gaarsiiyay isbitaalka Madiina, iyadoo guddoomiyaha degmada Wadajir uu sheegay inay qabteen askartii ka dambeeyay dagaalka, lana soo taagi doono maxkamad, wuxuuna xusay in xal laga gaari doono khilaafkii keenay dagaalka.

 

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Dhagaxtuur, ayaan ka hadlin dagaalka la sheegay inuu ku lug lahaa, waxaana degmooyinka ay dowladdu ka taliso inta badan ka dhaca iska-horimaad u dhexeeya ciidammada dowladda kuwaasoo geysta khasaare nafeed oo kala duwan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen , Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo isku rasaaseeyay X/weyne

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya aya isku rasaaseeyay galabta degmada X/weyne ee gobolka Banaadir iyadoo israsaaseyntooduna ay sababtay dhimasho iyo dhaawac.

 

Israsaaseynta ciidamadaani ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa ay timid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo ilaalo ka hayay guri aan sidaasi uga fogeyn wadadaasi ay ka shakiyeen askari kale oo agmarayay.

 

Ciidamada ayaa ugu horeyn askariga kale amar ku siiyay in uu istaago waxaana markii uu ka biyo diiday halkaasi ka bilowday israsaaseyn, waxaana taasi ay keentay in askariga kaligiis ahaa uu gurmad ka helo ciidamo kale oo ka tirsan dowladda KMG.

 

Israsaaseyn halkaasi mudo kooban ka dhacday ayaa waxaa inta la ogyahay ku geeriyooday hal askari halka mid kalana uu ku dhaawacmay waxaana askariga dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ka tirsanaayeen askartii israsaaseysay.

 

Israsaaseynta ciidamada ayaa sababtay in mudo uu hakad galo isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee ka jiray isgoyska Afar-irdoodka ee degmada X/weyne walow markii dambe xaaladu ay sidii hore ku soo noqotay.

 

Lama oga sababta keentay kala shakikaan soo kala dhexgalay askarta ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, hase ahaatee dhowr jeer ayaa gudaha Magaalada Muqdisho waxaa uga dhacay falal ay geysteen kooxo ku labistay dareeska ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

 

Todobaadkii tagay ayay aheeyd Markii askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen xaafada Ceel-geelow ee degmada wadajir iyadoo israsaaseyntaasina ay sababtay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shaqaalihii Shabelle oo ka shalaayay Shahaadadii la Gudoonsiiyay.

RBC Radio) Aduunyadu waa sheeko iyo shaahid waxeynu maanta marag ama marqaati kawada nahay musiibada ku dul habsatay horyaalkii idaacadaha muqdisho ee shalay oo maanta hoos ugu martay hay,adihii warbaahinta ee somaliya.

Idaacadda shabelle oo dhawaan la gudoonsiiyay shahaado sharaf ayaa hadda mudan in laga sheekeeyo shalaayga ay qabaan shaqaalaheeda.

Anigoo og aqristow in wax badan aad kala socotid marxaladihii ay soo martay idaacadani iyo takri falka tirada badan ee uu sameeyay milkiile C/maalig ayaan hadana rabaa in aan wax yar ka sheego anigoo ku wajahan muheemada qormadeydan.

Shabelle ayaa waxaa la aas aasay sanadka markuu ahaa 2002-dii xiligaas oo laga taagay anteenadeeda magaalada marka ee gobalka shabeelaha hoose inkastoo wax yar ka dib xarunteedii ugu weyneyd laga furay magaalada muqdisho.

Idaacadani oo ay xiligaasi ka shaqo bilaabeen wariyayaal aan ku tilmaami karo in ay ahaayeen qabiiriin ayaa waqti kooban ku kasbatay dhageysta yaal badan iyadoona xiligii Ethiopi ay dalka soo gashay dhibaataduna badatay weyday inta badan shaqaalihii wanaagsanaa.

Xiligaasi ayaa waxaa bilowday in shabelle ay dib usocoto inkastoo dad badani ay aamin sanaayeen in dadaalkeeda ay sii laba jibaartay.

Waxa ay idaacadani si weyn u laba kacleysay markii ay si toos ah u mucaaraday dowladdii uu hogaaminayay madaxweyne C/laahi Yuusuf xiligaasi oo dadka ku dhaqan koofurta somaliya intooda badani mucaarad sanaayeen sababo la xariira ciidamada Ethiopia oo ay dowladdu wadatay dadkuna ay necbaayeen.

Shabelle oo xiligaasi si dhab ah u bilowday taageeridda dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya somaliya ayaa xiligii ay dhacday dowladaasi hadana bilowday in ay taageerto dowladii sheikh shariif iyada oo si cad uga hor timid xoogagii muqaawamada oo ay garab taagneed.

Shabelle waxa ay sadax kac leysay markii ay habeen madow ka guurtay suuqa bakaaraha oo ay ku taalay una guurtay Airporka muqdisho meel ku dhow waxaana bilowday xiligaasi in si cad ay u aflagaadeyso dhinac walba oo kamid ah dhinacyada siyaasada somaliya.

Arintaasi ma mahdin shaqaalaha shabelle oo isugu jiray kuwo ku shaqeeya lacag yar iyo kuwo aan wax qaadan oo balan qaad been ah loo sameeyay.

Waxey weysay shabelle xiligii ay bakaaraha kasoo qaxday shaqaale muhiim u ahaa idaacadda iyo barnaamijyadii ay tabinjirtay qaar kood taas oo dhabar jab lixaad leh ku noqotay.

Waxa xiligaasi uu go’aan saday agaasimihii idaacadaasi Abwaan Guure in aan la celin cid walba oo shaqo kasoo doonata raadiyaha taas oo kaliftay in caruur badan oo hami saxaafadeed uu ku jiray aqoon badanna aan la heyn ay yimaadaan xarunta kana shaqa bilaabaan iyaga oo aan wax dhaqaale ah qaadaneyn.

Abwaan Guure dadaal ayuu sameeyay xiligaas asigoo ay ka taagneed bal wax uun halaga maqlo idaacada intii ay dami laheyd.

Shahaado sharaf u muuqatay mid lagu sii luminayo ayaa la gudoonsiiyay shabelle inkastoo ay ka shalaayeen shaqaalaheeda oo aan shilin laga siin maadaama ay arintaasi keentay in milkiilaha idaacadda uu mansab siyaasadeed ku raadsado lacagahaasi oo lagu daray aflagaadada idaacadda ka socota.

Laakiin Xaajadu waxa ay dhabaqantay ama qasantay markii uu Abwaan Guure soo celiyay labo wariye oo idaacadda ka tagay markii ay bakaaraha kasoo guurtay kuwaas oo kala ahaa Maxamed Tima Cadde iyo Yuusuf Keynaan..

Abwaan Guure oo ahaa agaasime ceynaanka loo hayo ayaa shaqadiisii ku waayay go’aan kaasi waxaana sidoo kale la ceyriyay wariyayaashaasi labada ah iyagoo lagu eedeynayo in xarakada mujaahidiinta al-shabaab ay ka tirsan yihiin.

Waxyar kadib muqdisho waxaa gaaray milkiilihii shabelle C/maalig Yuusuf Maxamuud oo mansab siyaasadeed doonaya kaas oo bilaabay in shaqaalaha uu ku amro si toos ah in loo aflagaadeeyo masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee somaliya si loo aqoonsado asiga siyaasadana loogu soo biiriyo .

Shaqaalihii dulmanaa ee dhaqaale la’aanta ugu shaqeynayay shabelle kana go’doomay inta badan magaalada muqdisho cabsi iyo ciil dartii ayuu bilaabay hadana in uu qaarna ceyriyo kuwana ku daneysto.

Luul Xuseen Cilmi oo kamid aheyd wariyayaasha ugu fir fircoon idaacadda ayuu ceyriyay Cabdi Maalig dhinaca kalena Muxudiin Xusni oo asna ugu roonaa shaqaalaha wararka qaabilsana waa kasoo cararay idaacadda iyo magaaladii ay ku taalayba kadib markii uu qaadan waayay sida uu sheegay in qasab uu ku aflagaadeeyo madax dowladda ka tirsan xasan kuuriya oo farsamo yaqaanadii idaacadda ka mid ah iyo kuwo kale oo badanna waxa ay go’aan sadeen in ay gurigooda iska joogaan.

Shaqaalaha hadda ka howl gala idaacadda ayaa ku jooga goobtaasi huri weyto maadaama aysan suura gal aheyn in ay magaalada kusii noolaadaan hadii ay idaacadda ka tagaan cabsida aflagaadadii shabelle ay ka baahiyeen awgeed waxaana qaar kamid ah shaqaalahaasi oo aan la hadlay ay ii sheegeen in ay ku haminayaan in mar uun idaacadda ay soo faaruqaan.

Horaa loo yiri shalaay ma horeeyee wuu danbeeyaa waxa ay mareysaa shaqsi walba oo shabelle jooga in uu ku shalaayo hadii aan ogaan lahaa shalay sheekadan in ay jiri doonto shabelle kama shaqeeyeen.

Shaqaale tiro yar oo ay ugu madax buuran yihiin Maxamad Bashiir iyo Cabdi Cuud oo uu dhawaan qaatay C/maalig ayaa hadda ka howl gala idaacadda oo kusii caraabeysa wadadii bur burkeeda.

W/Q Abdikamil Yusuf Mohamud

Nairobi kenya

Tell:- +254701499235

E-mail:-

kalgacal2000@hotmail.com

kaamilsom@gmail.com

kaamilsom@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this