oba hiloowlow Posted January 1, 2011 Deegaanka wacaniyo Duxiya iyo dareemada Dooga iyo cagaarkiyo Damaladu ku badan yihiin Degmadeena ceeldheer. Aan ku daawasiiyee Deex weeye dhinacoo Waa meel dalxiiskiyo Daawashada ku wacanoo Deeradiyo cawshiyo Darimaha ku yaaliyo Dalsaan weeye caanoo Indhihii dareemaaaa Kama daalayaanooo Dib baa loo xasuustaa. Dhanka kale waa duur Dhirtu daadsan tahayoo Ubax dacal ila dacal Dusha sare ka fuuloo Dareen lagu riyaaqiyo Dawo u ah qalbiga oo Dalsan weeye caanoo Indhihii dareemaa Kama daalayaanooo Dib baa loo xasuustaa. Waa xarunta diimeed Ilaa waagii daa,uud Dadka lagu daweeyaa Dugsiyada quraankoo iyadoo la doogsaday da,yartiyo duqaydii inta laysku soo daray subac loo dangiigsaday daadihinta quruxda diiintiyo nimcada taal indhihii dareemaa kama daalayaanoo dib baa loo xasuustaa. Doobtiyo barbaartoo Walasaqo u duubtoo Dedejinaya sacabkoo Boodayo gurayooo Ducaysanena jiibtiyo Luuqdii isugu daray Dadaw daawashada guud Dareenkeedu wacanaa indhihii dareemaaa kama daalayaaanoo dib baa loo xasuustaa. Erayaddi: C/raxiin hilowle Galayr Quote Share this post Link to post Share on other sites