Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Puntland Chamber Of Commerice Bringing Job Creation Program To Local Youths

Recommended Posts

Gudoomiyaha-Rugta-Ganacsiga-Puntland1.jp

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo Ka Warbixiyey Shirar uu kasoo qaybgalay oo Ka Dhacay Jabuuti

 

December 31, 2010 | 2 comments

Share

 

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo dib ugu soo laabtay deegaanada Puntland ayaa ka waramay safar shaqo uu dhowaan ku tegay Dalka Jabuuti halkaasi oo uu kaga soo qaybgalay shir looga hadlaayay Ganacsiga iyo kor uqaadista dhaqaalaha Soomaliya.

 

Wuxuu sheegay in shirka ka dhacay Dalka Jabuuti uu ahaa laba qaybood oo qayb ka mid ah ay qabatay Hay’adda EDC isla markaana looga hadlay qaabkii shaqo abuuris loogu samayn lahaa dhalinyarada qaybahooda kala duwan.

 

Gudoomiyaha ayaa xusey in shirkaasi laga soo saaray go’aamo muhiim ah oo ku saabsan sidii shaqo abuuris loogu samayn lahaa dhalinyarada Soomaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Puntland ayna rajaynayaan dhowaan inay fuliyaan madaxdii shirka ka soo qaybgalay oo isugu jiray Masuuliyiin degmo iyo Madaxda Hayadda EDC oo ay udireen Codsi ku aadan in gacan laga siiyo Sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed loo bari lahaa habab ay ku shayqaystaan oo isugu jirta Waxbarashada Aas Aasiga ah iyo Farsamooyinka Gacanta.

 

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in Dalka Jabuuti uu kaga soo qaybgalay Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda US Aid kaasi oo lagu martiqaaday Masuuliyiin ka socotay Puntland,Galmudug iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya,waxaana uu tilmaamay in shirkaasi looga hadlay kor u qaadista Dhaqaalaha Soomaaliya islamarkaana laysku afgartay in xooga la saaro Hormarin Xoolaha Soomaliya, Kalluumaysiga iyo Beeraha.

 

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in dhamaanba xubnihi kala duwanaa ee ka qaybgalay shirka ay soo dhoweyeen qaabka ay u shaqeyso Rugta Ganacsiga Puntland ayna ku dhiirageliyaan in la balaariyo dalladaha kala duwan ay ka kooban tahay.

 

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this