Sign in to follow this  
Saalax

Masar Oo Qarin Kari Weyday Cuqdada iyo Dareen-ka Murugada Leh Ee Ay Ka Qabto Madaxbanaanida koonfurt

Recommended Posts

Saalax   

Masar Oo Qarin Kari Weyday Cuqdada iyo Dareen-ka Murugada Leh Ee Ay Ka Qabto Madaxbanaanida koonfurta Sudan.

 

 

Written by Osman Abdillahi Sool

Dec 30, 2010 at 04:40 PM

Masar Oo Qarin Kari Weyday Cuqdada iyo Dareen-ka Murugada Leh Ee Ay Ka Qabto Madaxbanaanida koonfurta Sudan.....Cumar Xasan Al-Bashir-na Ku Sheegtay Wax Ma Tare Aan Khayr Lahayn.

Qahira, 30-Dec-2010 - Guddoomiyaha Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee baarlamaanka dalka Masar Mr.Mustafa El-Fiqy ayaa sheegay in xukumadda Madaxweyne Cumar Xasan al-Bashir ay tahay tii ugu xumayd ee taariikhda soo dalka Sudan soo marta.

 

Mustafe oo xubin ka ah masuuliyiinta sarsare ee xisbiga haya talada dalka Masar *NDP*, wuxuu tilmaamay in uu la socday sanado badan kahor in madaxweyne Cumar uu ku howlanaa siddi uu u sii deyn lahaa koonfurta Sudan, xiligaa oo uu sheegay in ay ka horraysay saxeexii heshiishkii CPA ee 2005-kii, kaas oo ay kala saxeexdeen xukumadda Sudan iyo jabhadda SPLM.

 

Mustafe ayaa qarin kari waayey dareen-ka uu ka qabo Madaxbanaanida koonfurta Sudan, isga oo yidhi "aad ayaan uga xun yahay halka uu marayo xaalka dalka Sudan," waxa kale oo uu sheegay Masuulku "in erayga aftidda uu soo muuqday ama debeda u soo baxay intii ay xukumadda Al-bashir jirtay Mr.Mustafe ayaa waliba intaa raaciyey in go'itaanka koonfur-ta uu ku xigidoono go'itaanka Darfur iyo gobollada barigu.

 

"Masar waa dalka kaliya ee uu si gaara u saamayn-doono waxa ka dhaca gudaha Sudan, hadday noqon lahayd khasaaraha uu keeno kala go'u, waxaase dhaawaca ugu daran uu soo gaadhi-doonaa waqooyiga Sudan," sidaa ayuu ku calaacalay Mudanea Mustafe.

 

Mustafe oo hore u ahaan jiray lataliyaha madaxweynaha dalka Masar, wuxuu carabka ku adkeeyey in Masar ay siyaasad fiican ciyaartay oo ay markii horreba xidhiidh wacan la samaysay koonfur-ta Sudan.

 

"ILaahay ayaa caqli nagu manaystay oo shaqo kumaanaan yeelan dagaalkii uu waqooyigu kula jiray koonfurta...," ayuu yidhi Mustafe.

 

Inta badan dalalka Carabta ayaa hadda dadaal xooggan ugu jira siddi uu dal kasta xidhiidh ula yeelan lahaa dowladda cusub ee ka dhalan doonta koonfurta dalka Sudan, iyagoo iska fogeynaya xidhiidhki hore ee Khartoum iyo fikirki hore ee ku saabsanaa siyaasadda Sudan.

 

Dhawaan ayuu masuul sare oo katirsan dowladda Libya shaaca ka qaaday inay xukumadda Sudan ka masuul aheyd in reer koonfureedku qaataan go'aanka kala go'a, maadaama ay koonfurta la kulantay xadgudubyo badan oo kaga yimid xukumaddihi isaga danbeeyey talada dalka Sudan.

 

"Walaalaheenna jooga Khartoum waa in ay qaataan masuuliyadda, Ficillad ay keentay Masuuliyadii lagu qaatay ku dhaqanka Sharciga Shareecada, mashruuci ilbaxnimada ee Xassan Al-Turabi, dagaalki iyo ku dhawaaqitaankii Jihadka ee koonfur-ta," sidaas waxa cod dheer ku yidhi Cabdiraxmaan Shalgam oo ah wakiilka joogtada ah ee dalka Libya u fadhiya Qaramada Midoobay.

 

Shacabka koonfur Sudan ayaa bisha January 9-keeda laga qaadi doonaa afti, taasoo la filayo inuu ku doorto ka go'itaanka inta kale dalka Sudan.

 

Masuuliyiinta koonfurta ayaa ku mashquulsan qaabilaadda ergooyin ka kala socda dalalka caalamka, kuwaas oo ay dalalkoodu doonayaan in ay xidhiidh fiican la sameeyaan dalka cusub ee ka dhalan doona koonfur-ta Sudan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this