Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News from Garowe: Banadir [Mogadishu] are Somalia National Chapions... Congrats

Recommended Posts

nuune   
banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir banaadir

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH: Xulka Banaadir oo ku guuleystay Cayaarihii Gobollada Soomaaliya

 

Jimco, 31 December, 2010 (HOL) – Xulka gobolka Banaadir ayaa galabta ku guulaystay tartanka koobka gobollada Soomaaliya ee ka soconayay magaalada Garowe ee caasimada Puntland,ka dib ciyaar aad u adag oo ay wada qaateen xulka gobolka Bari oo ay final wada yimaadeen.

 

Ciyaartii galabta waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin aad u badan oo ka tirsan dhinacyada Puntland iyo DKMG ah ee Soomaaliya ,waxaana ay ahayd mid labada kooxoodba ay ugu tartamayeen qaadashada koobka.

 

Madaxdii ka soo qayb gayb gashay waxaa ka mid ahaa madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole iyo gudoomiyaaasha gobollada Banaadir iyo Bari.

 

Waxaa kaloo joogay dhamaan gudiga xiriirka ciyaaraha gobollada Soomaaliya iyo ciyaaryahno taariikh ku leh baalka Sports-ka Somaliya oo uu ka mid ahaa orod-yahankii caanka ahaa ee Cabdi Bile Cabdi.

 

Gobolka Banaadir goolka ay ku qaadeen koobka waxaa u saxiixay mid ka mid ah ciyaaryahanada uga ciyaara afka hore ,umana suurtagalin xulka gobolka Bari in ay la yimaadaan goolka bar-bar dhaca oo rajadooda wax ka badali lahayd.

 

Madaxwaynaha Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu u hambalyaynayo dhamaan ciyaar-yahanadii ka qayb galay koobka intii uu socday ,isagoo amaan ballaaran u jeediyay guusha ay Banaadir gaartay.

 

Tababaraha xulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu aad uga faraxsanyahay guusha ay gaareen ,isla markaana waxa uu ku tilmaamay mid ay waqti badan kaga baxday sida ay koobka uu qaadi lahaayeen.

 

Ciyaartii galabta ayaa ku soo dhamaatay hal iyo waxba 1-0 oo ay guushu ku raacday xulka gobolka Banaadir ,kaalinta labaad waxaa ku jirta Bari ,halka kaalinta sedexaad ay galeen xulka gobolka Nugaal

 

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

bosaaso,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Congrats to Banadir for winning the Championships, also congratulations to the runner ups 2nd and 3rd respectively and all the participating regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg-deg ah: Gobolka Banaadir oo Noqdey Horyaalka Gobolada Soomaaliya ee Kubadda Cagta

December 31, 2010 | 9 comments3

 

Wardeg deg ah: – Waxaa goordhaw soo dhamaatey ciyaartii Final-ka ee u dhaxaysey gobolada Bari iyo banaadir, gobolka Banaadir ayey u suurta gashey in daqiiqadihii u horeeyey ee ciyaarta ay shabaqa gobolka bari ku hubsadaan hal gool, Goolkaas waxa uu u horseedey in gobolka Banaadir uu ku guuleysto ciyaarta kadib markii 90 daqiiqo ee ciyaarta gobolka bari ay u suurta geli weydey in ay la yimaadaan goolka barbardhaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Congrats to Banadir!

 

Bari were the highest scoring team in the tournament and should've came out the victor in today's match against B.

Great match though. Thank you Garowe for hosting this great tournament, and much thanks to SFF for making it all possible.

 

p.s. also, thanks to all the players and coaches that participated in the ciyaaraha K/C ee Garowe 2010.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gobolka Banaadir oo qaadey koobkii Ciyaaraha Gobolada soomaaliya

Posted by admin on December 31st, 2010

 

Garowe(puntlandi.com) Gobolak Banaadir ayaa 1-0 uga badiyey gobolka Bari ciyaartii finalka ee koobkii 18aad ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo maanta ka dhacdey Garowe,ciyaarta oo aheyd mid garoonka ay soo buuxdhaafsheen dadweyne aad u fara badan ayaa boqolaal kun oo soomaali ahina kala socdeen idaacadaha Soomaaliya.

 

Gobolka Banaadir ayaa muteystey koobka Gobolada Soomaaliya sidaasna ku noqdey horyaalka kubada cagta ee gobolada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xulka Banaadir oo hantay guusha koobka 18-aad ee gobollada Somaliya, 1-0 kaga badiyey xulka Bari.

 

Garowe, Dec 31 - Xulka kubadda cagta ee gobolka Banaadir ayaa galabta mulkiyey koobkii 18-aad ee loo qabtay gobollada Soomaaliya, kaddib markii ciyaartii kamadanbaysta ahayd ee galabta ay 1-0 uga guulaysteen xulka gobolka Bari.

 

Ciyaartu markii ay dhammaatay ayaa hal mar sacab iyo sawaxan qaylo huwan ay afka furteen taageerayaasha xulka gobolka Banaadir, halka ciyaaryahannada isla Banaadirna ay orod iyo damaashaad farxadeed ku dhaxmareen qaybaha kala duwan ee garoonka Mire Awaare, iyagoo mid mid u gacan qaaday kumanaan taageerayaashooda ah.

 

Ciyaartooyga gobolka Bari ayaa iyana la arkayey iyagoo dhaxyuurura bartamaha garoonka kaddib markkii ay waayeen hankoodii ahaa in ay kor u qaadaan koobka qalinka ah ee loo dhigay tartanka ciyaaraha 18-aad ee gobollada Soomaaliya.

 

Isla markii ay soo dhammaadtay ciyaartii fiinaalaha ahayd, waxaa garoonka Mire Awaare ka bilaabatay xaflad aad u ballaaran oo damaashaad ah, taas oo kooxda baambayda iyo fanaaniintu ay ku muujiyeen dareen farxad huwan, iyadoo madadaalo kadibna la bilaabay munaasabadda wareejinta koobka iyo billadaha kala duwan.

 

C/fitaax Cumar Geeddi,

Idaacadda Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Congtas to Banaaddir and Puntland.

 

Watching the video clips of those boys brought some memories flooding back.

 

Let's hope team Somalia would be picked from- at least from- the tournament semi-finalist in the future and not the "tusker beer" brigade only.

 

Once again, well done.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this