Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa's new found obsession with PUNTLAND...

Recommended Posts

Wasiirka Khaarajiga Oo Beeniyey War Sheegayey In Madaxwayne Siilaanyo Iyo Faroole Ay Ku Kulmi Doonaan Dhawaan Dalka Maraykanka

 

Hargeysa, December 29, 2010 (Haatuf) – Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa beeniyey warar sheegaya in dhawaan madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ay ku kulmi doonaan dalka maraykanka, waxaanu ka dhawaajiyey in arintaas ay tahay waxba kama jiraan.

 

Dr. Maxamed C/laahi waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey doorka Somaliland ay ka ciyaari karto daminta colaadaha ka aloosan Somalia, waxaanu sheegay in Somaliland ay talaabo wax ku ool ah ka ciyaari doonto marka uu Sheekh Shariif joojiyo sheegashada uu Somaliland sheegto, taas oo uu wadamada caalamka ugu sheego in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Somalia oo isaga hoostagta, waxaanu tibaaxay in ay taasi caalamku ka wada dharagsan yihiin isla markaana ay tahay riyo uu ku jiro Sheekh Shariif oo isaga u gaar ah.

 

Wasiirka khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa kale oo ka hadlay waxa ka hortaagan inay Somaliland beesha caalamka ka mid noqoto oo ay ictiraaf ka hesho beesha caalamka, waxaanu tilmaamay inay taas sababteeda leeyihiin wadamo ka tirsan qaarada Afriko oo iyagu ka cabsi qaba in wadamo cusubi ku soo biiraan qaarada.

 

Wasiirka amuuraha dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay waraysi khaas ah wariye Haatuf ka tirsan ku siiyey Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaanu xogwarankaas kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin safarkiisii uu todobaadkan kaga yimid dalka Ethiopia iyo waxbaabihii ay ka wada hadleen madaxda dalkaas, isla markaana waxa kale oo uu ka hadlay ciidamada la sheegay in maamul goboleedka Puntland uu soo dhoobay xadka magaalada Buuhoodle, waxaanu ugu baaqay maamulkaas in ay ka shaqeeyaan daganaanshaha mandaqada, ugu horayna isaga oo wasiirku ka hadlaya xalka Somalia sida uu ku jiro, waxa uu yidhi

 

“Sida aan hore-ba u sheegay in shacbiga Somalia dhibaatadaa ka baxaan waa mid aanu soo dhawaynayno xukuumad ahaa iyo shacbi ahaanba, laakiin waxa xaqiiq ah inta Sheekh Shariif sheeganayo Somaliland oo aanay waxba iskaga jirin, wax faro galin ah Somaliland ku samayn mayso arimaha gudaha Somalia, taas macnaheedu maaha shacbiga Koonfurta waxba uma qabanayno, maxaa yeelay Somaliland waxa hada ku sugan dad 200,000 qof ka badan oo oo qaxooti ah oo ka soo baro-kacay dagaalada ka socda Somalia, runtiina shacbi ahaan iyo xukuumada ahaanba aad ayeynu u soo dhawaynaynaa walaalahayga Somaliya, hase yeeshee waxa wanaagsanaan lahayd Somalia in ay ogolaadaan horumarka iyo qaraarka Siyaasadeed ee shacbiga Somaliland gaadheen, markaa waxaan kula talinayaa in ay Somalia ogolaadaan go’aanka muqadaska ah ee ay umadani gaadhay, hadii ay Somalia ogolaato inay Somaliland aqoonsato waxa dhici lahayd in aynu safka hore ka galno arimaha lagu joojinayo dhibaatooyinkaas, sababta oo ah beesha caalamka waynu uga dhawnahay”.

 

S: Maxaa ka jira wararka sheegay in dhawaan madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland in ay dalka Maraykanka ku kulmi doonaan?

 

J: Haba yaraatee Wax wada hadal ah oo dalka maraykanka ku dhexmaraya madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo C/raxmaan Faroole ma jiraan. Dawlada Maraykanku waxa ay ka mid tahay wadamada Somaliland ka taageera dhinaca fidinta dhinaca dimuqraadiyada, gargaaar dhinaca binu-aadam-nimada ahna Somaliland siiya, runtiina waxa aanu hada dawlada Maraykanka ka filaynaa taageero wayn inay ka gaystaan dhinaca arimaha horumarka, marka wakhtigeeda la gaadhana waxay madaxda Somaliland ku talo jiraan in madaxda ugu saraysa Maraykanka in si fool ka fool ah ay arimaha Somaliland ugala hadlaan.

 

S: Maadaama oo aad tahay wasiirkii khaarajiga Somaliland wakhtigan, isla markaana aad inbadan ka ogtahay siyaasada arimaha dibada Somaliland, maxaad ku tilmaami lahayd ilaa hada Somaliland waxa ka hortaagan inay beesha caalamka ka mid noqoto?

 

J: Marka hore waxa aan jeclahay in aan shacbiga Somaliland u cadeeyo in qadiyada ictiraaf doonka Somaliland ay maanta marayso meel aad u saraysa runtiina rajo wayn laga qabo in aynu beesha caalamka ka mid noqono, doorashooyinkii wanaagsanaa ee dalkan ka hirgalay iyo nidaamka qaranimo ee dhamayska tiran ee Somaliland ka hirgalay intuba waxay keentay in mawqifkii ay aduunyadu Somaliland ka taagnayd markii hore in uu isbadalo, siyaasadihii ay beesha caalamku markii hore ay ka lahaayeen Somalia wixii la isku odhan jirayna hada waxay u kala qaybsameen Somaliland iyo Somalia, talaabadaasi waa mid sii dhiiri-galinaysa sidii Somaliland ay uga mid noqon lahayd beesha caalamka. Dhawaan waxa afti laga qaadi doonaa shacbiga ku dhaqan koonfurta Suudaan, hadii ay dhacdo in ay doortaan gooni-isku taag arintaasi waxa ay wax wayn ka tari doontaa aqoonsiga Somaliland. Hadaan u soo noqdo su’aashaada waxa jira wadamo badan oo Afrika ka mid ah oo cabsi wayn ka qaba in wadamo cusub ku soo biiraan qaarada, runtii taasina waa caqabad wayn oo inaga hortaagan inaynu beesha caalamka ka mid noqono, laakiin waxa aynu si wayn uga dhursugaynaa qadiyada koonfurta Suudaan oo hadii ay go’aan waji gabax ku noqon doonta wadamada Africa ee qadiyadeena hortaagan.

 

Waxa dhici doonta Insha Allah mar aan fogayn oo beesha caalamku ay Somaliland ku soo hiran doonto, odhana doonaan waa dal wax lala qabsan karo, ma foga wakhtigaasi.

 

S: Maxaad kala socotaan xukuumada ahaan shirka la sheegay in uu Djibouti uga socda shaqsiyaad reer Somaliland oo aan ogolayn gooni isku taaga wadankan iyo siyaasiyiin reer Puntland ah?

 

J: Djibouti waxa la sheegay in uu shir uga socdo shaqsiyaad danaynaya wax ka qabashada mushkilada Somalia, shirkaasina waa mid lagaga hadlayo arimaha cakiran ee Somalia, sida runta ah xukuumad ahaan aad ayaanu u soo dhawaynaynaa cidii danaynaysa wixii dhibaatada lagaga saari karo shacbiga ku dhibaataysan Somalia, mushkiladaha dalkeena mar mar ka dhaca waxa ay marka hore ka soo abuurmaan Somalia, in dadkaa ku dhibaataysan koonfurtana in wax loo qabto kama soo horjeedo, mida kale shirkaas ka socda Djibouti maaha mid ay Somaliland ka qayb gashay, sida runta ahna waxa aan aad ugu mahad naqayaa ururada wadaniga ah oo iyagu mar walba ka hadla khatar kasta oo Somaliland ku soo fool leh, runtiina waxa naga dhaxeeya wada shaqayn wayn ururadaa wadaniga ah, xukuumada ahaana wixii lagaga wada hadlay shirkaas uma arko wax Somaliland khuseeya, go’aanada laga soo saarayna waxa inoo yaal oo ina khuseeya maaha, waxaanan u soo jeedinayaa dadka shirkaas ka qayb galay in ay arintooda ku koobaan Somalia, sababta oo ah meeshii bugta ayaa u baahan in la daweeyo, Somaliland waxa ay ku hawlan tahay iyadu sidii horumarka ay samaysay ay u sii balaadhin lahayd ee ay bulshada caalamka wax ula qabsan lahayd.

 

S: Sideed u aragtaa ciidamada labada kun ku dhaw ee ay qaramada midoobay isku raaceen in Somalia loo diro, wax saamayn ah ma kula tahay in Somaliland ay ku yeelanayaan ciidamadaasi?

 

J: Marka hore ciidamada jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ay ansixisay waxa ay waafaqsan yihiin shuruucda caalamiga ah, sida aynu wada ognahay Somalia waxa saaran cunaqabatayn dhinaca hubka ah, ciidamadaasina waa kuwo waafaqsan shuruucda qaramada midoobay, waxaanay ku saleeyeen baahi ay u gudbiyeen ururka midawga Africa, inta badana ciidamada la keenayaa waa ciidamo nabada ilaaliya, laakiin waxa ay ila tahay mushkilada Somalia in loo daayo Somalida dhexdooda taas ayaan u arkaa in xalka Somalia uu ku jiro, sida runta ahna dhibaatada Somalia maaha arin awood iyo milatari wax lagaga qaban karo waa arin u baahan in ay iskaga yimaadaan dadka ku dhaqan Somalia sida masuuliyiinta, siyaasiyiinta, culimo awdiinka, dhalinyarada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaanu u aragtaa xalka ugu wanaagsan ee dhibaatada Somalia wax lagaga qaban karaa in uu kaa yahay.

 

S: Maxaad kala socotaa ciidamada la sheegay in maamul goboleedka Puntland ay soo dhoobeen magaalada Buuhoodle?

 

J: Somaliland waa dal nabad galyo ah, dimuqraadi ah oo arimihiisana ku fushada sifo sharciga waafaqsan, hadiise ay jirto dhaqdhaqaaqyo milatari oo ka dhan ah Somaliland, qaran ahaan waannu ka tashanaynaa waxaanu u mari doonaan dariiqa ugu haboon ee loo marayo arintaas. Gobolka Puntland-na waxa aanu ugu baaqaynaa in ay ilaaliyaa xasiloonida gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Qaranka Oo La Sheegay Inay Ku Ruqaansadeen Tuulada Xadka Ee Tuka-Raq Iyo Puntland Oo Ciidamo U Soo Dirtay Buuhoodle

 

Waxa La Sheegay In Ciidanka Puntland Uu Wato Dayr Iska Toos Oo Ka Mid Ahaa Maxaabiistii Somaliland Ku Soo Qabatay Dagaalkii Bali-Hadhac Ee Cafis-Ka Lagu Sii Daayey

 

Hargeysa, December 28, 2010 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore ee Gambadha ee Sool fadhigoodu ahaa ayaa la sheegay inay shalay u ruqaansadeen tuulada Tuka-raq ee xuduuda Somaliland iyo Puntland, halkaas oo la sheegay in saldhig ay ka samaysteen.

 

Ilo xogogaal ah oo aanu ka helay deegaanka gobolka Sool ayaa noo xaqiijiyey, in ciidamada qaranka Somaliland oo ku gaashaaman hubka culus ay isku balaadhiyeen xuduudaha bariga Somaliland iyo deegaanada xuduuda ku siman.

 

Dhinaca kale ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay xalay degmada Buuhoodle ayaa Haatuf u xaqiijiyey in ciidamo ka socda Maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayo Col. Dayr Iska Toos, oo ka mid ahaa maxaabiistii dagaal ee lagu soo qabtay dagaalkii ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Puntland ee dabayaaqadii 2008-kii ku dhex maray tuulada Bali-hadhac ee la cafiyey, markii dambe ay soo gaadheen shalay galab degmada Buuhoodle, taasoo tibaaxuhu sheegeen inay ka soo kicitimeen ciidamadaasi magaalada Garoowe ee Puntland, iyadoo dhinaca kalena la sheegay, in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugnaa deegaanka Maygaagle ee nawaaxiga Buuhoodle ay heegan culus galeen, ka dib markii ay ka war heleen ciidamada Puntland ka yimid, si feejigana isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada ciidanka Puntland ay deegaankaasi ka wado.

 

Wararka ka imanaya deegaanada bariga Sanaag ayaa sidoo kale wargeyska Haatuf u sheegay, in ciidamo ka socda Puntland ay soo dageen tuulada ceeleeyo oo qiyaastii dhinaca bari uga jirta magaalada Laasqoray 130-Km, iyagoo wararkuna intaa ku daraya, in xalay ay ciidamada Puntland iyo Kooxda Atam ee ka dagaalanta buuralayda Galgala ee bariga Sanaag ay hubka hoobiyaha isku adeegsadeen dagaal Madaafiica oo xalay dhex maray.

 

Hase yeeshee ciidamada qaranka Somaliland ayaa dhinacooda la sheegay in si weyn ay isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Khaarajiga Oo Beeniyey War Sheegayey In Madaxwayne Siilaanyo Iyo Faroole Ay Ku Kulmi Doonaan Dhawaan Dalka Maraykanka

 

:D :D :D

 

 

They are extremely desperate for Faroole's attention ha ha aha :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Oo Eedeo Kulul U Jeediyey Xukuumadda Siilaanyo Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Puntland U Digay

 

Hargeysa, December 28, 2010 (Haatuf) - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici ayaa sheegay inaanay marna aqbali doonin in maamulka Puntland xad gudub iyo dhulbalaadhsi ay ku soo sameeyso xuduudaha bariga Somaliland iyo deegaanada bariga Sanaag iyo Sool, isla markaana uu tilmaamay inay la socdaan dhaqdhaqaayada ka socda deeganadaasi.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici oo shalay khudbad ka jeediyay shirweynihii shanaad ee dalada ururada dhaliyarada Somaliland ee Sonyo oo shalay ka furmay Hotel Ambasadoor ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen masuliyiinta xukuumada, saddexda xisbi qaran iyo ergooyinka ururkaas Sonyo ee gobolada dalka iskaga kala yimid ayaa khudbadii madaxweyne ku xigeenku Md. Saylici ka jeediyay shirweynahaasi ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Waxa maanta ii sharaf ah in aan ka soo qayb galo shirweynihii shanaad ee dalada Sonyo oo ay ku Midoobeen dhaliyarada Somaliland ayna ku dooranayaan maanta hogaan cusub hogaankii horena ku badalayaan aad iyo aad bay sharaf igu tahay, Anaga ka dawlada ahaan siyaasadayada ku wajahan dhalinyarada waa tii aanu balan qaadnay Buugayagana waad haysataan imikana kolka gaar hawshii loo gudo galay xeerkii iyo Barnaamijkii lagu maamulayay waa kaa sidaa uu sheegay wasiirku Khasmiistii baa loo keenay runtiina waanu asiibnay in laga soo baaran dego, taasina siyaasad cad oo lagu maamulayo dhaliyarada ayuu noqonayaa waxaana mudnaanta kowaad noo ahayd ka qayb galinta dhaliyarada siyaasada, taa soo maanta ka dheehan kartaan sida ay uga muuqdaan dhaliyaradu dawladayada haday tahay, hay’adaha madaxabaanaan, Agasimayaasha guud tirada wax ku oolka ah ee aanu ka muujinay waa mid idin cadaynaysa, waxa kale oo naga go’an in jiilka soo koraya oo dhaliyarta oo lafdhabartii wadanka ah laba arrimoodba wey naga go’an tahay in aanu wax ka qabano.

 

in la tayeeyo wax u qabshada dhaliyarada oo tacliintiisa si loo tayayn lahaa waa mid naga go’an, wax la samayn doonaa guddi sare oo oo Jaamacadaha tayadooda ilaalisa oo madaxbaanaan, taasi waa qodobka kowaad ee naga go’an.

 

Qodobka labaadna wax weeyaan qofku marku wax barto ee muddo dhan lagu soo tabco ee waalidkii 16 sanno ku soo tabco wuxu u baahan yahay ilmihisii in uu isagu wax qabsado isaguna ku nasto runtii, taana wax naga go’an si ala iyo sidii shaqo abuuris loo samayn lahaa dalkana loogu samayn lahaa awoodeena dhaqaalena is bixiso taasina waa mid naga go’an.

 

Waxa kale oo naga go’an in waacyi galinta dhaliyarada iyo kor u qaadida wadaniyada in ayanu isla fahmo sidii loo wada shaqayn lahaa Somaaliduna waxay tidhaahdaa gacmo wada jir bay wax ku go’yaan inaynu u soo wada jeesano horumarka dalka in aanu xoogiina adeegsano oo soo celino dhiskaagii, iyadoo ay imikaba jirto si dadbana u jirta oo dariiqyada Hargeysa waxa wadooyin laga samaynayo iska tahay oo wado walba inta hormaraysa ayaa xaafad walba laga qaadaa (Contarbution), dadkeena shirkadaha dhaqaalaha haystaba wax ku tara inaan markaa iska wax u qabsada xoojino madaama oo aynu dal curdin ah nahay oo dhaqaale badan aan lahayn imika taana waxa weeynaan in aanu istic maalno awoodiina oo wax nala qabataan diyaar baanu u nahay Arrimahaa kamaanu fadhiisan ee waanu ku jirnaa kamana yeelayno Puntland xuduuda inoo dhaxaysaa haday tahay qaramada Afrika ee jira xuduud qolo maaha, waxa weeyaan Sanaag bari iyo Sool inta xadkii la yaqaanay ee Republic of Somaliland, nink qolo wax ku doonayaana wax aanu ka yeelayno maaha qolo ma shaqaynayso ee dadku Distoor bay ku wada joogaan, Soomaalidu waxa tidhaahdaa Nin Geelisii La Qaaday ayaan Daradu Mooyaane Hore Yarow Lama Yidhaahdo in maanta nalooga baqo ama in aanu gaabinayno haday arrimaha nadbad galyada tahay ee Bari iyo Galbeed ka jira mid walba arinkeeda waanu ku jirnaa tii bari baad ogaydeenoo gurmadkaanu samaynay waxaanu dhaqaale ku bixinay sidii dadkaa walaalaha ah ee wada dhashay hawshooda u dhamayn lahayn, nasiib daro se Gari Laba Nin Kama Wada Qoslisee xukunkii qayb ka mid ah oo meeshii yarayd ee wax ka dheceen ayay walaalihii reer Buuhoodle nagu soo celiyeen Isha allaah taana waanu dhamaynaynaa wax la xalinayo weeyaan. Ta galbeedka waxa weeyaan cidna uma ogolin muwaadin Somaliland ah oo gardaro lagu dilo dawlada maanta joogtaana ma ogola, arinteedana waa lagu jiraa, maanta oo aan ka baaqan kari waayay shirkan wey ila fadhiyaan odayaashii ay khusaysay arintaa galbeedku, markaa waxaan leeyahay in wax nalugu daro waanu ogolnahay in talo nalagu biiriyana waanu ogolnahay dhibaatadaa bariga iyo dhibaato soo kordhana talo qaran in laga wada yeesho, kuwii ogal baanu mar kasta nahay, laakiin se waxa weeyaan Soomaalidu waxa ku maahmaahdaa Habar fadhida Lagdini Wax uga fuduud, qofku marku Mucaarid yahay waa ninka sida ciyaartoyga ah kolkaad kubada daawanayso, ninkaa kubada wataa isagoo kadeedan oo naftu ka baxsan tahay uun buu ka dibadaa jooga yidhaahdaa muu sidaa ugu yara laado, kolay anagu waanu dadaalayna waxna nagama xuma wixii talo aanu bahanahay walaalahayaga xisbiyada qaranka, wax garadka Somaliland mar kastaba talo qaran wixii ah waanu la soo soconaa hawsheediina waanu ku jirnaa. Xaga Miisaaniyada ee wasiirku ka hadlay waanu ku talo jirnaa in loo kordhiyo Miisaaniyada wasaarada”.

 

Dhinaca kale wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadii Rayaale Maxamuud Siciid Maxamed oo ka mid ah masuliyiinta xisbiga UDUB ayaa isagu xukuumada Axmed Siillaanyo si weyn ugu dhaliilay habacsanaanta maamul ee ka jirta deegaankiisa bariga Sanaag iyo Sool oo uu sheegay in faro galin xoog leh ay Puntland ku hayso, waxaana ka mid ahaa hadaladisii “Sonyo waa tusaale wanaagsan oo lagaga dayan karo arrimaha Dumuqraadiyada ee dalkeena oo aan odhan karo waxa lagaga dayan karaa siday dhaliyaradu wax u qabsan karto, xilku in aanu ahayn wax la isku qab-qabsado

 

ee maalinba cida timaada ee ILAAHAY keeno in loo haneeyo, taasina waxa weeyaan dhaxalka, waxaan kala mid nahay waxaan ka dhicin wadamada Afrika, matalan maanta Afrika wadamadii Gaaladu ku faani jirtay ee la odhan jiray Dumuqraadiyada ayaa u hooyata waxa ka mid ahayd Ivery Cost maanta waxa ka dhacaya waad arkaysaa ninkii xilka laga helay wuxu taagan yahay ka dhaqaaqi maayo adduunyadiina waxay leedahay xoog baanu kaga dajinaynaa, Somaliland oo aan la Aqoonsan oo adduunku iska indho tirayna sidii sharafta iyo maamuuska lahayd ee xilka la iskugu wareejiyay, waxaan leeyahay adduunyadu taa wax ha ku qaadato, qolana wey dalacdaa qolana wey dhacdaa Somaliland wey dalacday oo Afrika tusaale wanaagsan bay u tahay”

 

Wasiirkii hore ee ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed mar uu ka hadlayay xaalada gobolada Sool iyo Sanaag bari iyo arrimaha Puntland ka wado, waxa u yidhi “Gobolada Sool iyo Sanaag bari waxa ka jira duulaan la yaab leh oo baroortu orgiga ka weyne ilaa imika laga yaaban yahay ayay Puntland ka wadaa, waxa socada ilaa 400 Gaadiidka dagaalka ah ilaa imika waxa la leeyahay Beebeyo iyo Taangiyadii baa bilaabmay adduunkii oo dhami waa la daawanayaa, dawladii Somaliland anigoo aanay naqdi iga ahayn ilaa iyo imika arintaa iyada ah wey ka aamusan tahay oo afkeedu wuu ka xidhan yahay, waxa la qabsanayaa ama dhibaatada soo gaadhysaa maaha gobolada bariga oo kaliya, maaha bariga Sanaag oo kaliya anigu waxaan qabaa iska daa Somaliland‘e Somaliland xataa wey ka sii weyn tahay meel habeen iyo maalinba ay ku soo gurmayaan Hub qayrul caadi ah, maanta nabad galyadiisii khatar baa ku soo korodhay, khatartaa ku soo korodhayna Puntland ayaa masuliyadeeda qaadaysa.”

 

Waxa kale oo iyaguna shirweynahaas ka hadlay Marwo Faadumo Siciid, guddoomiyaha guddida la dagaalnka muqumaasuqa iyo maamul wanaaga Axmed Muxumed Madar, guddooomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga talada haya ee Kumiye C/raxmaan C/qaadir Faarax oo dhamaantood ku hambalyeey dalada Sonyo sida wanaagsan ee ay u qabsadeen shirweynahooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Amaanka Koonfur Afrika Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Ku Socday Puntland

 

Durban, December 26, 2010 (W.Wararka) – Ciidamada amaanka Koonfur Africa ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen hub faro badan oo la sheegay inuu u socday maamul goboleedka Puntland.

 

Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ee Koonfur Africa ayaa waxay intaas ku dareen inay gacanta ku dhigeen afar qof oo iyaga lagu qabtay hubkaasi, waxaanay intaa raaciyeen saraakiisha ciidanka amaanka ee dalkaasi in hubkan laga soo qabtay guri ku yaala xaafada Westville oo ka tirsan magaalada Durban ka dib hawlgal balaadhan oo ay halkaasi ka sameeyeen ciidamada amaanka koonfur Afrika.

 

Saraakiisha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in hubkaasi ay gacanta ku dhigeen uu isugu jiro qoro fudud oo ka tiradooda lagu qiyaasad 300 iyo qasnadaha rasaasta lagu qaato oo iyagana la sheegay inay kor u dhaafayaan 500 xabadood.

 

Wararkan oo ay baahiyeen warbaahinta dalkaasi qaar ka mid ah ayaa intaa ku daray in saraakiisha ciidamada amaanka South Africa ay wadaan baadhitaano balaadhan oo la xidhiidha hubkaas oo ay xuseen inay heleen warar sheegaya inuu ka yimid Jasiirada Malta, kuna soo jeeday magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland, iyaga oo tilmaamay in ay haatan su’aalo weydiinayaan 4 qof oo lagu qabtay gurigii hubkaasi laga helay oo 3 ka mid ah ay haween yihiin, iyaga oo aan sheegin dalalka ay u kala dhasheen.

 

Xukuumada K/afrika ayaa sheegtay in hubkan uu ahaa mid Koontrabaan ah oo si sharci daro ah loo soo geliyey dalkooda, isla markaana ay maxkamad soo taagi doonaan shaqsiyaadka watay ee lagu soo qabtay, iyada oo dhinaca kale ay jiraan warar sheegaya in hubkan loo soo waday ciidamo lagu tababarayo gudaha maamul goboleedka Puntland.

 

Hasa yeeshee ila wareedyada ayaa sheegaya in xogta lagu soo qabtay hubkan iyo saanadan milatery ee lagu waday Puntland ay bixiyeen labadiis suxufi ee dhawaan la socday diyaarada qalabka milatari u siday Puntland ee lagu qabtay caasimada Somaliland ee Hargeysa oo iyaga xukuumadda Somaliland ay xoriyadooda u soo celisay kadib markii ay ka war heleen inay yihiin suxufiyiin ka hawlgala Television dalkaasi ka hawlgala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faallo: Siyaasada Somaliland Iyo Puntland Oo Ku Sii Siqaysa Weji Cusub Oo Aan Hore Loo Arag!

 

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

 

Cilaaqaadka siyaasadeed ee Somalililand iyo Puntland, ayaa muddooyinkan ugu dambeeyey ku sii siqaya weji cusub oo ka duwan sidii hore looga bartay labada dhinac, iyada oo ay soo ifbaxayso saadaal muujinaysa isu soo dhawayn ay dabada ka riixayaan dawlado danaynaya deris-wanaaga iyo xasilooni ka-dhex-unkanta Somaliland iyo Puntland, isla markaana ujeedooyin daahan oo qoto-dheer ka leh isu soo dhawaanshaha labada dhinac.

 

Waxa kale oo qayb ka ah jewi-geddiska siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland ka dhex abuurmaya isbedellada maamul ee labada dhinac ka kala hirgalay. Waa Somaliland oo doorashadii madaxtooyada uu ku guulaystay xisbiga KULMIYE oo uu hogaamiyey madaxweynaha hadda ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo iyo Puntland oo uu doorashadeedii madaxweynenimada ku guulaystay Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

 

Labadan Madaxweyne, ayaa siyaasad ahaan aad uga furfuran kuwii ka horeeyey ee kala ahaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Cadde Muuse Xirsi, oo hab-dhaqankooda siyaasadeed ku dhisnaa nooc-siyaasadeedka loo yaqaano “siyaasada aan taanaasulka iyo wada-xaajoodka ku dhisnayn.” Hasayeeshee madaxweynayaasha hadda ee Somaliland iyo Puntland, marka loo eegoo istaraatijayadooda maamul iyo siyaasadeed waa kuwo suurtagelinaya inay jeexaan jid cusub oo horseedi karaya xidhiidh ka dhex abuurma labada daraf.

 

Isbedelka siyaasadeed ee ka dhex socda Somaliland iyo Puntland, waxa markhaati ka ah arrimahan soo socda:

 

Waa midda koobaade, todobaadkan aynu ku jirno waxa magaalada Jabuuti lagu soo gabagabeeyey shir dhex marayay aqoonyahanno reer Somaliland ah iyo kuwo Puntland ka soo jeeda, kaas oo ujeedadiisu ku saabsanayd sidii loo dejin lahaa khariirad suurtagelisa iskaashi iyo wax wada-qabsi ka dhex abuurma Somaliland iyo Puntland, iyo qaabkii loo abuuri lahaa jid labada dhinac-ba u fududeeya inay yeeshaan hannaan dhaqan-dhaqaale, horumar iyo mid ammaanba.

 

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay urur-goboleedka IGAD, isla markaana ay isku dubba-riydaneen Horn Economic and Socail Policy Institute [HESPI], ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay Somaliland iyo Puntland ku kulmaan, tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee Somalia sannadkii1991-kii.

 

Arrimaha sida gaarka ah loogu lafa-guray shirkaas, waxa ka mid ahaa:

 

1- Sidii ay Somaliland iyo Puntland u yeelan layaaheen hannaan waxbrasho oo midaysan [unified education system], kaas oo uu xuddun u yahay manhaj waxbrasho oo guud, barnaamijyo suurtageliya in ardayda iyo aqoon-xirfadeedda la isdhaafsan karo iyo tababbaro la siinayo macallimiinta.

 

2- Sidii ay labada dhinacba u qaadi lahaayeen tallaabooyin ku aaddan ka faa’idaysashada khayraadka dhulka. Sida oo kale Somaliland iyo Puntland in loo abuuro hawl-gallo lagu xoojinayo sidii looga hortegi dawladaha shisheeye ee xaalufka ku haya khayraadka badda gaar ahaan kalluumaysiga.

 

3- Sidii Somaliland iyo Puntland ay uga feejignaan lahaayeen khataraha dibaadeed oo ay ugu horayso kooxda Al-shabaab.

 

4- Sidii ay labada dhinac isugu soo dhawaan lahaayeen, isla markaana uga taxa diri lahaayeen is-dhaleecaynta iyo dacaayadaha la isu mariyo warbaahinta, iyo in la yeesho siyaasad dhiirigelisa in warbaahinta laga sii daayo barnaamijyo abuuraya is-qaddarin iyo is-faham wada jir ah.

 

5- Sidii ganacsiga iyo isu socodka dadka ee labada dhinac [somaliland iyo Puntland] aanay caqabad ugu noqon muskilado iyo cuqdado nafsaaniya oo la kala aamino, laakiin la wada ilaasho heerka kala faa’idaysiga ee labada dhinac.

 

Shirkan ay ku kulmeen aqoonyannada isugu jiray madaxda jaamacadaha iyo nabad-u-ololeeyayaasha ka kala socday Somaliland iyo Puntland, oo inta badan u socday qaab wada tashi iyo falanqayn isugu jira, ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo abuuri lahaa nolol wanaag iyo nabad-gelyo ka dhex-dhalata shucuubta labadan dawladood, isla markaana la isula meel dhigi lahaa mowqif ku aadan isu soo dhawaansho.

 

Shirkan oo gaar ku ahaa labada kooxood ee kor ku xusan, isla mar ahaantaana aanay ku jirin masuuliyiin xilal ka haya Somaliland iyo Puntland, ayaa fartu waxa ay ku godan tahay sida ay ku suurtagelayso go’aamada iyo is-afaragashooyinka la isla gaadhay intii uu shirku socday.

 

Waa midda labaade, isla todobaadkii hore horaantiisii waxa Jabuuti kulan ugu qabsoomay madaxweynaha Puntland iyo xubno isugu jiray aqoonyahanno iyo odoyaal ka soo jeeda Somaliland. Inkasta oo uu kulankaasi ahaa mid qarsoodi ah, isla markaana si qotodheer loo sheegi karin waxyaabihii laga wada hadlay, waxa ay xogo ku dhowi sheegayaan in lagaga dooday sidii awooda loo saari lahaa in la yareeyo colaada ka dhexaysa Somaliland iyo Puntland, in la yeesho aayo-ka-talis loogu danayno jiritaanka lada dawladood iyo shacab ee jaarka ah, iyo weliba in la abuuro Isfahan hor leh oo ku dhisan is-afgarad iyo cilaaqaad deris-wanaag.

 

Waa midda saddexaade, waxa ay ilo kale noo xaqiijiyeen inay ay socdaan dadaalo la doonayo in mar uun la kulan siiyo labada Madaxeyne ee Somaliland iyo Puntland. Madaxweynayaasha ayaa la rabaa in kulankoodu ka qabsoomo dalka Maraykanka. Xogahaasi may caddayn xilliga lagu talo jiro in kulankaasi dhacayo.

 

Waa midda afraade, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo siyaasad ahaan iyo aqoon ahaan aad uga sareeya madaxweynihii ka horeeyey ee Caddo Muuse, ayaa masuuliyiin reer Puntland ahi waxa ay noo sheegeen inuu mar kasta ka soo horjeedo in dagaal la gula soo noqdo magaalada Laascaanood oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay Somaliland ka talinaysay, iyaga oo intaa raaciyey inuu mar hore diiday fulinta go’aan ka soo baxay Baarlamanka Puntland oo meel-mariyey in dagaal lagu soo furto Laascaanood.

 

Sida oo kale, Madaxweyne Faroole oo marwadiisa koobaad tahay gabadh reer Somaliland, ayaa iyaduna saamayn ku leh mowqifkiisa ku aadan qaddiyada deris-wanaaga iyo xidhiidh ka dhex bilaabma Somaliland iyo Puntland.

 

Isku soo wada xooriyoo, arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo aanu wakhtigu inoo saamaxayn inaynu halkan ku sheegno, ayaa beryahan dambe saamayn ku leh cilaaqaadka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland, oo hore looga bartay ad-adayg iyo dagaal afka iyo gacantaba ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this