Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Should hold the last Somali wide reconciliation conference in 2011

Recommended Posts

PUNTLAND SHIRWAYNE SOOMAALIYEED WAY MUTAYSATAY XAQNA WAY U YEELATAY.

Posted to the Web Dec 29, 15:00

 

Waxaa Diyaariyey: qasim egaal

Kala xiriir: puntlander@hotmail.co.uk

 

AKHRISTE: cinwaankan kor kor ku xusan waxaan uga gon leeyahay inaan iraahdo intaadan mala awaalin ama aadan mucaaradin bal jaleecso shuruudda lagu xiri karo qabashadda shir wayne somaaliyeed. Markii aan ku eegno shuruuda dib u hishiisiin (pre condition of hosting reconciliation) iyadoo la eegayo waxa ay ku jirto danta ummadda soomaaliyeed lagana tagayo isjiid jiidka ku dhisan qabyaaladda iyo caadifadda aan waxtar iyo horumar toona laga rajaynayn.

 

Waxaa la`orankaraa ayadoo kooban ``maamulkii laga helo shuruudaha hoos ku qoran waa uu martigalinkaraa shirwayne soomaaliyeed".

 

1-Waa in shirwaynaha dib u hishiisiinta soomaaliyeed lagu marti galiyaa dhul soomaaliyeed,oo nabad iyo xasilooni kajirto,isla markaana lagu tijaabiyay qabashadda shirar soomaaliyeed oo guul ku dhamaaday, iyadoo dadka ku nool deegaanka shirka lagu qabanayo laga rabo in ay ku niyad sanyihiin midnimadda jamhuuriyada Soomaaliyeed iyo isku keenka umaddii kala anfariirtay wixii kadanbeeyay dowladdii dhexe.

 

Akhristow waxaan ku dul istaagi doonaa arintan kor ku xusan ma buuxin kartaa Puntland mise maya anigoo eegaya tilmaana ka bixinaya wixii ay qabteen puntland iyo fikirka ay ku dhisantahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

QODOBKA KOOWAAD

 

Dhul soomaaliyeed in lagu qabto shirwaynaha dib u hishiisiinta.

 

Qodobkan waa qodob soomaalidda meel ay joogtaba ku midaysantahay in soomaaliya shirarkeeda ay fashiliyeen mari galintii ay sameen jireen dawladaha shisheeye say doonaanba hanoo kala waxaana laga dhaxli jiray isqabqabsi iyo kana tag horleh.Waxaana xal laysku raacsanyahay ah in shirwayne dhulkeena hooyo meel kamid ah lagu qabto si ay u helaan soomaalidda jawi ay isku fahmaan , loogana hortago doco docaynta gacmaha shisheeye waxaana kugu filan in soomaalidda wixii ay iyaga yagleelaan ay waarto nabadeedana lagu naaloodo sida tusaala ahaan ku cad maamuladda xasiloon ee ka jira gaygeena soomaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland waxaana yagleelay dadkii waxgaradka ahaa ee labadaa maamul deegaankeeda ku noolaa inkasta aysan isku mid ahayn labadda maamul(midna wuxuu aaminsanyahay midnimo midna kala tag). Waana xaqiiqo jirto oo u baahan in si fiican loo iftiimiyo oo misaan cadaalad ah lagu eego marka la eegayo isbabar dhiga iyo wadaniyadda.

 

Qodobkan koowaad markii aan eegno Puntland waxay xaq u leedahay inay marti galiso shirweyne soomaaliyeed sida ay xaq ugu leeyihiin marka laga eego qodobkan dhamaan soomaalidda idilkeed inta harsata calanka jamhuuriyadda soomaaliyeed hoostiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

QODOBKA LABAAD

 

Nabad iyo xasiloonidda.

 

Nabadda iyo xasiloonidda waa laba shay oo gun dhig u ah qabsoomiddda Shir larabo inay iskugu yimaaddaan ergooyin badan. Hadaba Puntland waxaa marag madoonta ah in ay amnigeedda uu suganyahay(kana adkaatay cidwalboo isku dayday inay amnigeeda wax udhinto shanoqoto kooxo diimeed iyo kuwo qabyaaladeedba) ayna ku diirsadeen malaayiin soomaaliyeed daafaheeda arintana waxaa qiray soomaalidda ku nool ee deegaanadda kale ka yimid tusaala ahaan waxay ii gu yaab badnayd markii la ii sheegay in bosaaso uu ku yaal hotel layiraahdo Somaliland hotel taana waxay ku tusaysaa in aysan aragtidda qafka soomaaliyeed aan lagu caburin inkastoo aan marna la ogolayn kala go a soomaaliyeed hadana nin hoteelkiisa goostay waxba in la caburiyo waxba matarayso ee waxay reer puntland iyo maamulkeeda ay garteen in loo baahanyahay in qalbiyadda dadka in lahanto ay ka muhiimsantahay in qori iyo is nacayb in lagu hanto dadka waxaana inoogu filan labadaba inaan waxba taraynin waaqica iyo fikirka ka socdo koonfur oo ah qori iyo waqooyiga oo ah in koonfur lanaco lagana fuquuqmo meeshii xal iyo caqli celin loosamayn lahaa ileen waa jirkii u madda qayb kamid ah bal qaybihii ku muhiimsanaa ayaa la orankaraa mana ahan in lagu dheeraado guulaha ay kasoo hoyisay puntland ka shaqaynta isku keenka afkaarta soomaaliyeed.

 

Qodobkan labaad ee nabadda iyo xasiloonidda deegaanadda Puntland waxay ku mutaysteen in shirwayne soomaaliyeed lagu qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

QODOBKA SAXAAD

 

Deegaan shirarkii lagu qabtay ay guul ku dhamaatay.

 

Ka shaqaynta iyo abaabulidda shirarka soomaaliyeed waxaa lagu asaasay maamulka Puntland oo ay maantay ku naaloonayaan malaayiin soomaaliyeed kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaaliyeed.

 

Waxaa la yagleelay oo guntiga dhaxda ay uga xirteen siyaasiyiintii deegaanadda Puntland sidii lays kugu keeni lahaa soomaalidda kala firdhatay waxay hadba meel soo martaba waxaa suura galay in lagu qabto sadax shir oo mid waliba muhiimadiisa gaarka ah leeyahay. Waxaana lagu qabtay sanadkan gudahiisa sadax shir oo kala ah shirka Culimadda Soomaaliyeed ee ay kasoo baxday go`aamo aad muhiim ugu ahaa dhamaan soomaalidda iyadoo lagu cadaeeyay in dhiiga Soomaaliyeed in ladaadshaa uusan banaanayn iyo qodobo kale oo muhiim u ahaa kala dajinta fidnadan ka aloosan koonfurta dalkeena iyo halbawlihiisa ee muqdisho alle haka samata bixiyo dhibta ku habsatay oo daba dheeraatay aamiin ay ka soo baxeen.

 

Waxaa kaloo lagu qabtay Puntland shirwaynihii gabdhaha,hooyooyika soomaaliyeed iyo shirwaynihii isboortiga oo ahaa mid ay aad usoo dhaweeyeen mujtamaca soomaaliyeed meel ay joogaanba ilaa uu farshaxanka wayn ee amiin caamir uu sawiro isdaba joog ah uu ku cabiray ra`yigiisa isagoo bogaadin iyo dhiiragalinba ku muujiyay taageeradiisa qabashada ciyaarahan ilaa huu siiyay caasimadda Puntland hoyiga nabadda ee sanadkan2010 ku tilmaamayna sawiradiisa

yaabka leh samaha ay horseedka ka tahay Puntland iyo dariiqa cusub ee uu hormeedka ka yahay Dr C/rahmaan faroole madaxwaynaha Puntland.

 

Qodobkan waxay ku mutaysteen Puntland in shirwayne soomaaliyeed lagu qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

QODOBKA AFARAAD

 

ku qanacsan, midnimadda jamhuuriyada Soomaaliyeed.

 

Puntland waa laf dhabaka jamhuuriyadda soomaaliya hanoqoto juqraafi ahaan sida ay iskugu xirto soomaaliya waqooyigeedda iyo koonfurteeda, ama honoqoto dhaqan ahaan waxay u

dhaxaysaa labadaa qabood mid walban si gooni ah ayay xiriir taariikhi iyo mid dhaqan iyo daaqsi la wadaagtaa.

 

Puntland waxay ku qanacsantahay dastuurkeedana kamid ah midnimadda umadda soomaaliyeed waxayna u aragtaa qodob asaasi ah oo ay ku ababiyeen ardadda wax kabarata dhulkay kataliyaan halka aanu ognahay dhibtii kasoo gaaray maamulkii kaligiis taliyaha ahaa xiliyaduu ugu awooda badnaa iyo dhibtii loo gaystay deegaanadda Puntland waxa dhibtaa

gaystana waxaa kamid ahaa saraakiil hada ka shaqaysa waqooyiga soomaaliya hadana marna kama maqlaysid cid dib u jaleecaya wixii tagay bal qaar ka gayb qaatay xasuuqii ka dhacay dhulkaas xiligii kacaanka ayaa si nabad ah uga soo dago goroomadda puntland waxaana laysku hilmaamsiiyaa mahan in aan la awoodin in la xag xagto ee laakiin waxaa laga doorbiday in lays hilmaamsiiyo si mustaqbal fiican oo midnimo leh loogaaro lagana baaraan dago khaladaadkii dhacay oo kale dib unuusan u dhicin oo waxdanbe oo halmeel layskugu geenayo awoodeedii aysan dhicin ee awooda labaahiyo si siman sida dowlad gobaleedyo dhowr ah oo aan badnayn .waxaana cad in Puntland ay horsed ka tahay.

 

Qodobkan waxayku mutaysteen in shirwayne soomaaliyeed lagu qabto.

 

Waqooyiga galbeed ee soomaaliya waxay sheegteen in ay soomaaliya ka go`een iyagoon marna isku dayin in ay isku keenaan dadkan soomaaliyeed ee kala anfariiray waxayna ku qanceen in aysan dan kagalin sida ay jaar yihiin waana arin xanuunkeeda leh halka ay puntland dhaxdda u xirteen in si uun wax loo yagleelo si loo gaaro midnimo soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan ku soo gabagabaynayaa;

 

Puntland waxay mutaysatay in lagu qabto dib u hishiisiinta soomaaliyeed ee la hadal hayo iyadoo la tixraacayo tusaalooyinka aan kor kusoo xusanay waxayna isku raaceen indheergaradka soomaaliyeed sida sawir yahanka qaranka amin caamir uu ugu gartay puntland in ay noqotay hoyiga nabada bal wuxuu u doortay hoyiga nabadda ee sanadkan2010 fiiri sawirkan muujinayo aragtidda bulshadda waxaana la ogyahay amiin sawiradiisa waa kuwa katarjumaya aragtida dadka soomaaliyeed inteeda badan.

 

Allaylahe,dhabowday in puntland ay noqotay xudunta soomaaliyeed waxaana laga yaabaa in dadka qaar ay is yiraahdaan qoraagani waa caadifad hadlay horayna waxaa loo yiri aqalkaaga hortiisana oodafaa la dhigaa oraahdaana horteedna afeef baa la dhigaa. Ha iga fahmin aragti khaldan ee eeg xaqiiqada aan kuu soo gudbiyay sida uu ku cabiray amiin sawiro dhawr ah bishan gudaheeda oo kaliya. Alihaayow inoo ilaali Puntland oo u siyaadi nabadda iyo horumarkay gaareen koonfurna alow sii nabad iyo horumar waqooyina ka dawee waxa ay tirsanayaan oo soomaali ka dhig far iyo faraanti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another mashruuc is looming on the horizon. :D

 

But Dukey, do you really think Somali's will ever trust those that have brought Xabashi's to Moqdishu to slay innocent people of Xamar.

As I remember you were one the chearleaders supporting the Xabashi's slaying of innocent people in Moqdshu as a way of revenge at the USC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I think you are afraid adeer. An admin thats afraid of uniforms and who used Ethiopian troops to invade Buhudle and lost can never speak about such grand ambitions as the one in this title. Puntland insha Allah will host this conference and trust me the war will end with that simple fact.

 

You dont want a Somali government, and thats your problem.

Share this post


Link to post
Share on other sites

sxb, I have my own Somali goverment called Somaliland. The problem is that you dont want a Somali goverment unless your uncle is the head of it.

 

Why else would you work so openly against your own goverment of Sh.Shariif. He is your leader, remember.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer Shiekh Sharif has failed to bring order to the nation. Thats why we need a genuine Somali conference in Somalia. Puntland meets the grade and regardless who becomes its head. this will be a success.

 

You on the other hand have failed and stuck between a rock and a hard place.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dukey, you dont even try to hide your clanist mentality. You never said Yeey has failed the nation or all the iniatives back then were not genuine, while it was raining mortars in Muqdishu. But now that your uncle is a refugee in Yemen and another men sits on the high chairt, he all of a sudden has "failed" the nation and the TFG is not 'genuine'.

 

Well good reason for Somali's to trust your judgement and your "sincere" wish to 'lead' them.

 

My point has been proven. good day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol. Adeer its raining Mortars in Mogadishu today and more people are daying right now, with most of the south in the hands of Al Shabaab. Obviously Yey was not successful and hence resigned. Now its been two years, with no progress and the situation is worse should these men not also go and give peace a chance?

 

 

Also no one cares who leads, its about the national interest, a national conference in peaceful Puntland will change the game for good.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodax Qorax;684088 wrote:
Dukey, you dont even try to hide your clanist mentality. You never said Yeey has failed the nation or all the iniatives back then were not genuine, while it was raining mortars in Muqdishu. But now that your uncle is a refugee in Yemen and another men sits on the high chairt, he all of a sudden has "failed" the nation and the TFG is not 'genuine'.

 

Well good reason for Somali's to trust your judgement and your "sincere" wish to 'lead' them.

 

My point has been proven. good day.

We know what this guy is all about, and his not fooling anyone. You just sarcastically wish him well, and let him hear that his pirate region is the future indeed, and keep on moving. This back and forth stuff with dukey is becoming tiring.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Why are you here ? ;) Anyhow the secessionist are stuck in a hole of their own making.

A unified Somali state is coming and they will be left in the sidelines, remembering 1988 all over again..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this