Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Why Puntland Should Host the 2010 Peace Conference? Editorial

Recommended Posts

QODOBKA LABAAD

 

Nabad iyo xasiloonidda.

 

Nabadda iyo xasiloonidda waa laba shay oo gun dhig u ah qabsoomiddda Shir larabo inay iskugu yimaaddaan ergooyin badan. Hadaba Puntland waxaa marag madoonta ah in ay amnigeedda uu suganyahay(kana adkaatay cidwalboo isku dayday inay amnigeeda wax udhinto shanoqoto kooxo diimeed iyo kuwo qabyaaladeedba) ayna ku diirsadeen malaayiin soomaaliyeed daafaheeda arintana waxaa qiray soomaalidda ku nool ee deegaanadda kale ka yimid tusaala ahaan waxay ii gu yaab badnayd markii la ii sheegay in bosaaso uu ku yaal hotel layiraahdo Somaliland hotel taana waxay ku tusaysaa in aysan aragtidda qafka soomaaliyeed aan lagu caburin inkastoo aan marna la ogolayn kala go a soomaaliyeed hadana nin hoteelkiisa goostay waxba in la caburiyo waxba matarayso ee waxay reer puntland iyo maamulkeeda ay garteen in loo baahanyahay in qalbiyadda dadka in lahanto ay ka muhiimsantahay in qori iyo is nacayb in lagu hanto dadka waxaana inoogu filan labadaba inaan waxba taraynin waaqica iyo fikirka ka socdo koonfur oo ah qori iyo waqooyiga oo ah in koonfur lanaco lagana fuquuqmo meeshii xal iyo caqli celin loosamayn lahaa ileen waa jirkii u madda qayb kamid ah bal qaybihii ku muhiimsanaa ayaa la orankaraa mana ahan in lagu dheeraado guulaha ay kasoo hoyisay puntland ka shaqaynta isku keenka afkaarta soomaaliyeed.

 

Qodobkan labaad ee nabadda iyo xasiloonidda deegaanadda Puntland waxay ku mutaysteen in shirwayne soomaaliyeed lagu qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

QODOBKA SAXAAD

 

Deegaan shirarkii lagu qabtay ay guul ku dhamaatay.

 

Ka shaqaynta iyo abaabulidda shirarka soomaaliyeed waxaa lagu asaasay maamulka Puntland oo ay maantay ku naaloonayaan malaayiin soomaaliyeed kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaaliyeed.

 

Waxaa la yagleelay oo guntiga dhaxda ay uga xirteen siyaasiyiintii deegaanadda Puntland sidii lays kugu keeni lahaa soomaalidda kala firdhatay waxay hadba meel soo martaba waxaa suura galay in lagu qabto sadax shir oo mid waliba muhiimadiisa gaarka ah leeyahay. Waxaana lagu qabtay sanadkan gudahiisa sadax shir oo kala ah shirka Culimadda Soomaaliyeed ee ay kasoo baxday go`aamo aad muhiim ugu ahaa dhamaan soomaalidda iyadoo lagu cadaeeyay in dhiiga Soomaaliyeed in ladaadshaa uusan banaanayn iyo qodobo kale oo muhiim u ahaa kala dajinta fidnadan ka aloosan koonfurta dalkeena iyo halbawlihiisa ee muqdisho alle haka samata bixiyo dhibta ku habsatay oo daba dheeraatay aamiin ay ka soo baxeen.

 

Waxaa kaloo lagu qabtay Puntland shirwaynihii gabdhaha,hooyooyika soomaaliyeed iyo shirwaynihii isboortiga oo ahaa mid ay aad usoo dhaweeyeen mujtamaca soomaaliyeed meel ay joogaanba ilaa uu farshaxanka wayn ee amiin caamir uu sawiro isdaba joog ah uu ku cabiray ra`yigiisa isagoo bogaadin iyo dhiiragalinba ku muujiyay taageeradiisa qabashada ciyaarahan ilaa huu siiyay caasimadda Puntland hoyiga nabadda ee sanadkan2010 ku tilmaamayna sawiradiisa

yaabka leh samaha ay horseedka ka tahay Puntland iyo dariiqa cusub ee uu hormeedka ka yahay Dr C/rahmaan faroole madaxwaynaha Puntland.

 

Qodobkan waxay ku mutaysteen Puntland in shirwayne soomaaliyeed lagu qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

QODOBKA AFARAAD

 

ku qanacsan, midnimadda jamhuuriyada Soomaaliyeed.

 

Puntland waa laf dhabaka jamhuuriyadda soomaaliya hanoqoto juqraafi ahaan sida ay iskugu xirto soomaaliya waqooyigeedda iyo koonfurteeda, ama honoqoto dhaqan ahaan waxay u

dhaxaysaa labadaa qabood mid walban si gooni ah ayay xiriir taariikhi iyo mid dhaqan iyo daaqsi la wadaagtaa.

 

Puntland waxay ku qanacsantahay dastuurkeedana kamid ah midnimadda umadda soomaaliyeed waxayna u aragtaa qodob asaasi ah oo ay ku ababiyeen ardadda wax kabarata dhulkay kataliyaan halka aanu ognahay dhibtii kasoo gaaray maamulkii kaligiis taliyaha ahaa xiliyaduu ugu awooda badnaa iyo dhibtii loo gaystay deegaanadda Puntland waxa dhibtaa

gaystana waxaa kamid ahaa saraakiil hada ka shaqaysa waqooyiga soomaaliya hadana marna kama maqlaysid cid dib u jaleecaya wixii tagay bal qaar ka gayb qaatay xasuuqii ka dhacay dhulkaas xiligii kacaanka ayaa si nabad ah uga soo dago goroomadda puntland waxaana laysku hilmaamsiiyaa mahan in aan la awoodin in la xag xagto ee laakiin waxaa laga doorbiday in lays hilmaamsiiyo si mustaqbal fiican oo midnimo leh loogaaro lagana baaraan dago khaladaadkii dhacay oo kale dib unuusan u dhicin oo waxdanbe oo halmeel layskugu geenayo awoodeedii aysan dhicin ee awooda labaahiyo si siman sida dowlad gobaleedyo dhowr ah oo aan badnayn .waxaana cad in Puntland ay horsed ka tahay.

 

Qodobkan waxayku mutaysteen in shirwayne soomaaliyeed lagu qabto.

 

Waqooyiga galbeed ee soomaaliya waxay sheegteen in ay soomaaliya ka go`een iyagoon marna isku dayin in ay isku keenaan dadkan soomaaliyeed ee kala anfariiray waxayna ku qanceen in aysan dan kagalin sida ay jaar yihiin waana arin xanuunkeeda leh halka ay puntland dhaxdda u xirteen in si uun wax loo yagleelo si loo gaaro midnimo soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan ku soo gabagabaynayaa;

 

Puntland waxay mutaysatay in lagu qabto dib u hishiisiinta soomaaliyeed ee la hadal hayo iyadoo la tixraacayo tusaalooyinka aan kor kusoo xusanay waxayna isku raaceen indheergaradka soomaaliyeed sida sawir yahanka qaranka amin caamir uu ugu gartay puntland in ay noqotay hoyiga nabada bal wuxuu u doortay hoyiga nabadda ee sanadkan2010 fiiri sawirkan muujinayo aragtidda bulshadda waxaana la ogyahay amiin sawiradiisa waa kuwa katarjumaya aragtida dadka soomaaliyeed inteeda badan.

 

Allaylahe,dhabowday in puntland ay noqotay xudunta soomaaliyeed waxaana laga yaabaa in dadka qaar ay is yiraahdaan qoraagani waa caadifad hadlay horayna waxaa loo yiri aqalkaaga hortiisana oodafaa la dhigaa oraahdaana horteedna afeef baa la dhigaa. Ha iga fahmin aragti khaldan ee eeg xaqiiqada aan kuu soo gudbiyay sida uu ku cabiray amiin sawiro dhawr ah bishan gudaheeda oo kaliya. Alihaayow inoo ilaali Puntland oo u siyaadi nabadda iyo horumarkay gaareen koonfurna alow sii nabad iyo horumar waqooyina ka dawee waxa ay tirsanayaan oo soomaali ka dhig far iyo faraanti.

 

Daabacaada: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^No one is against Shariif if he can do something immediately and genuently to change the status quo of Mogadishu and get rid of Alshabaab. His term will expire in few months time unless otherwise he illegally and unlawfully extends it which will cause a lot of roar and conflict among the parliamentarians.

 

In the meantime there is urgent need for all Somalis to come together and mobilise to get rid of Alshabaab for the sake of peace, Somalinimo and nationhood. And Puntland can provide that platform, warku waa intaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this