Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kuwait company to invest in Somaliland

Recommended Posts

Wasiirka Duulista Hawada Ee Somaliland Oo Sheegay In Ay Heshiis La galeen Shirkad Ka Taageeri Doonta Dayactirka Madaarada Dalka.

 

 

Hargeysa (Ramaas) Dec.29. 2010 - Wasiirka duulista hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa maanta sheegay in ay heshiis la gashay wasaaradiisu shirkad laga leeyahay dalka Kuwait, oo ka caawin doonta dayactir lagu samayn doono madaarada dalka oo dhan.

 

 

Wasiirka wasaarada duulista hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa shaaciyay in wasaaradiisu ay si rasmi ah heshiis ula gashay shirkada fadhigeedu yahay wadanka Kuwait, oo dayac iyo dib u habayn ballaadhan ku samayn doonta guud ahaan gagooyinka diyaaradaha ee Somliland.

 

 

Waxa uu wasiirku sheegay in dhawaan la bilaabi doono hawshaas iyadoo la filayo in shirkadu ay dalka iman doonto wakhti dhaw.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlada Dalka Kuwayt oo Somaliland ugu deeqday lacag dhan toban milyan oo dollar, lacagtaasi oo lagu samaynayo madaarada magaaloyinka Hargeysa, iyo Berbera.

Hargeysa (Waaheen ) Wasiirka Wasarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta ku dhawaaqay in Dawlada Dalka Kuwayt ay Somaliland ugu deeqday lacag dhan toban milyan oo dollar, lacagtaasi oo lagu samaynayo madaarada magaaloyinka Hargeysa, iyo Berbera. waxa kale oo uu sheegay in madaaradasi loo soo iibin doona qalab fiican si ay u noqdan qaar casri ah oo la jaanqada Madarada ku yaala wadamada horumaray.

 

Wasiirka Duulista iyo Hawda ee Somaliland waxa kale oo uu intasi ku daray in lacagtaasi ay bixinayso Hay’adda la yidhado Kuwayt Fun oo laga leeyahay dalka Kuwayt, waxa kale oo uu xusay wasiirku in hawshan dib u dhisida madaaradu ay bilaami doonto dhawaan, waxa kale oo uu tilmaamay in deeqdani ay ka danbeysay markii ay yimaden Somaliland wafti baladhan oo reer kuwayt ah, kuwaasi oo arkay baahiyaha ka jirta madaarada somalalind sidaasi daradeedan ay lacagtan ugu cawiyeen Somaliland. sidaasi waxa uu ku yidhi wasiirku Shirjaraa’id oo uu xafiiskiisa ku qabtay.

 

Wasiirku waxa uu sheegay lacagta Somaliland lagu cawiyey inta ay tahay iyo cida ku caawisay waxanu yidhi “Dawlada kuwayt markii anu u tagnay waxa ay noo xaqiijiyen in hay’adda Kuwait Fun in ay Somaliland ugu deeqayso lacag Toban Milyan oo Dollar ah, waxayna ugu tallo galeen lacagtan in lagu dayac tiro Madaarada Hargeysa iyo Berbera oo ahaa meelihii ay waftigaasi ay arkeen markii ay booqashada ku yimadeen Somaliland wakhtigii hore iyo markii danbeba” Ayuu yidhi wasiirku Duulistu

 

Waxa kale oo uu Hosta ka xariiqay wasiirku in heshiiska dhexe maray Somaliland iyo Kuwayt uu yahay mid qoraal ah oo cadeeynaya inta lacagtu leegtahay ay ku xardhantahay Buugan labada dal wada saxeexen.

 

Wasiirka Wasarada Duulista iyo Hawda ee Somaliland Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi oo faahfahin ka bixinya ujeedada shirkiisan jara’iid waxa uu yidhi “Ujeedada ugu weyn ee maanta aan ka hadlayaa wax ay ku saabsan tahay hawlihii aanu ka wadnay madaarka Hargeysa, oo ah madaarkii Casimada Somaliland, Wasarada Duulista iyo Hawdu waxa ay ka leedahay qorshe tafatiran, runtiina leh yool iyo abaar sugan kaas oo xaqiijindona mustaqbalka in uu madaarka Hargeysa uu noqdo, dhabbo caalami ah oo ay ku kulmaan diyaarado badan oo ah kuwa aduunka u kala goosha kuna haka’daan ku meelaha fogfog qabanay oo ay ka qaatan shidaal waxanu madaarku noqonkaraa goob ganacsi” Ayuu yidhi wasiirku

 

Waxa kale oo uu sheegay in ay qorshahoda ay ugu jirtay in ay xidhaan madaarka Hargeysa marka laga soo noqdo moosulka xajka, waxanu intaasi ku daray in madaarka uu ka socday dhisme ay fulinayso hay’adda UNDP Lacagta ku baxaysan ay tahay ilaa laba boqol iyo dhawr iyo siddeetan kun oo dollar.

 

Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay sababta kentay in Somaliland ay cawimo ka hesho Dalka Kuwayt waxanu yidhi “Waxaan jecelahay in aan halkan ka Iftiimiyo, in dawladda walaalaha aynu nahay ee Kuwayt ay noogu yimadeen wafti kuwaasi oo waxa in laga qabanay madaarada Berbera iyo Hargeysa kuwaasi oo indho indheeyey waxaanu waftigaasi yimid dalka bishii October, wakhtigaasi oo ahayd xiligii dawladda cusubi xukunka dalka qabtay, oo aan aniguna wasaradan masuul ka ahaa, waftigaasi waxa aanu tusnay dhibtooyinka iyo agab xumida haysta garoomadeena,

 

Waxa kale oo uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Kuwayt aanu ahayn mid bilaabmay wakhtigan ee uu yahay mid qoto dheer waxa kale oo intaasi ku daray in hore ay dalka kuwayt Somaliland uga cawin jirtay dhinca Caafimadka sida dhakhtarka TB iyo meelo kale oo badan.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay wasiirku cidda lacagtasi intasi leeg gacanta ku haynaysa waxanu yidhi “Anaga ayaa hay’ada Kuwayt Fun ka codsanay in lacagtaasi ay iyagu gacanta ku hayyaan, anaguna baahidayada aanu u dhiibno marka ay meesha soo dhissaana ay furayaasha noo dhiiban, waxaanu sidaasi u yelaynay waxa ay ayad waxa yaalihii hore ee laynaga saluugay ee Aduunka iyo hayado badan iyo dad deeqa ina siiya ay saluugi jireen, in aanu nidhahano anaga lacagta noo dhiibaarintaasi cebi ka soo baxado oo layno arko dad hamuumaya oo lacag doonaya, Berbera waxaanu ka rabnaa Terminal cusub oo qurux badan iyo in dayr lagu wareejiyo, iyo in loo sameeyo laydha habeenkii, iyo dabdamisyo labada madaarba Hargeysa iyo Berbera ayanu u qornay oo ka dalbanay”Ayuu yidhi

 

Wasiirka Duulista iyo Hawadu waxa uu beeniyey war uu qoray mid ka mid ah wargeysada dalka ka soo baxa waxanu yidhi “Waxan been ninayaa warkii uu qoray Wargeysa Madaxbanaan ee Saxafi 23 Bishan, ee ku saabsana wasiirka duulistu in uu Kuwayt uu ka soo qaaday lacag kaash ah, oo laba milyan ah, sida maqaalka gudihiisa hadana lagu qoray 2 milyan oo Dinar oo u dhiganta 6 Milyan oo Dollar, oo waliba uu yidhi Accoun gaar ah ayuu ku shubtay. in uu yahay war Been ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn waxanu meel kaga dhacay xaqaygii muwaadinimo, waxanan runtii shakhsiyan ku oogi doona dacwad ka dhan ah maamulka iyo tafatiraha wargeyskaas” Ayuu yidhi wasiirku.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Duulista oo ka hadlay Heshiis ay la galeen Shirkad Kuwait laga leeyahay beeniyayna war uu ka qoray wargeysa Saxafi

posted by: Webmaster

 

Wasiirka Duulista oo ka hadlay Heshiis ay la galeen Shirkad Kuwait laga leeyahay beeniyayna war uu ka qoray wargeysa Saxafi

 

Hargeysa/ToggaHerer

 

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Md Maxamuud Xaashi ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiis ay wasaaradiisu la gashay shirkad reer Kuwait ah wuxuu sidoo kale beeniyey War kuu soo baxay wargeyska Saxafi oo sheeay in uu lunsaday hanti…

 

Waxaanu wasiirku dabol ka qaaday in ay wadaan dib u habayn lagu samaynayo madaarka Hargeysa , Waxaanu yidhi ”wasiirku Hawlihii aanu ka wadno madaarka Hargeysa oo ah madaarkii caasimada Somaliland wasaarada Duulistuna qorshe ayay u samaysay tafatiran runtiina yool iyo abaar sugan leh kaas oo xaqiijin doona mustaqbalka in uu noqdo dhabo caalami ah oo ay ku kulmaan diyarado caalami ah goob ganacsina noqon karta madaarka waxanu ku tala jirnay in xajka marka laga oo noqdo ka dib aanu xidhno mashruuc baa ka socday ay hayada UNDP bixinyaso oo ku kacaya ilaa laba boqol iyo dhawr iyo sideetan Kun oo dolar Run wayga imika dhisan oo burburay ay dumiyaan oo imika kabniiyaasho iyo damur ayaanu la daba joognaa Maytanis ah oo wasaaradu horena u wadi jirtay imikana aanu wadno ooaanu kordhinay ayaa ku jirta markaa in la sameeyo wax la yidhaa Baajit mashruucaa isaga ah waxaanu u sii dheerayn in dadkii xajku ka dhoofaan kana soo noqdaan munaasabada qaaliga ah darteed ayanau dib ugu dhignay ”.

 

Mar uu wasiirku ka hadlaayay Mashruuca Kuwait ee madaarka Hargeysa waxa uu yidhi ”waxaan doonayaa in aan halkan ka iftiimiyo in wafti ka yimi oo u ym arimahaa madaarada Somaliland oo ay Berbera iyo Hargeysa ay indha indheeyaan bishii Oktoober ayaa waftigaasi yimi xukuumada cusubina talada qabatay aniguna aan wasaaradan masuulka ka ahaa waftigaa waxaanu tusnay waayaha iyo dhibaatda iyo baahiyaha agab xumida haysata garoomadeena , arintaasina waxay soo taxnayd iyada ahi safar uu Madaxweynheenii hore ee Somaliland ku tagay Kuwait ayay dabada ku haysay oo ay mar horena ay yimaadeen mase ay jirin se wax dhaafsiisan marka laga reebo oo ay dawladaa hore gudbisay ma jirin wax sugan oo la isla meel dhigay waxayna u araktay dawlada Kuwait wakhtigaas dalka doorashooyin ka socdaan markaa waxay u arkeen marxalada markaas Somaliland horumar lagala shaqayn karo in aanay ahayn maadama oo ay jireen xumadii doorashooyinku ,Markii aanu talada qabanay xukuumadayda cusub waxaanu dib u bilawnay in aanu xidhiidh la samayno dardar gelino gacmo badan ku eegno sidii aanu u heli lahayn dibna ugu soo noqdaan dalka lanala eegana baahiyaha jira dabcan waxa xukuumada waajib ku ah in ay dhamaystirto xidhiidh kasta oo qabyo ah oo jiray iyo in kuwa cusub bilawdo ”.

 

Geesta kalena waxa uu wasiirku shirkiisa jaraaid ku beeniyey war uu dhawaan ka qoray wargeyska Saxafi Wargeyska oo sheegay in uu wasiirku ku tagri falay lacag la xidhiidha heshiiska Waxanu Yidhi wasiirku” Waxaanu beeninaynaa runtii oo aan cadaynayaa warkii ay qortay saxafi 23 Bishan ee ku saabsanaa wasiirka duulistu in uu Dalka Kuwait ka soo qaaday lacag kaash ah oo laba Milayan ah isla maqaalka gudihiisana ay yidhaadeen laba milayan oo diinaar oo u dhiganata lix milayan oo dolar ah oo kaash ah oo account gaar ah ku shubtay oo war been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn runtii waa meel ka dhac ayuu ku yahay sharaftayda shakhsiga ah ta xukuumada cusub iyo ta xaqayga muwaadinimo waaa ka go’an xukuumada Kulmiye in aanu ilaalino xoriyatal qawlka madaxbanaanida milgaha iyo maamuuska saxaafada waxaa naga go’an ta dawlada ee aanu tooska u maamulno in la wadaago in aanay u dhaqmin sidii wakhtigii xukuumadii hore ”

 

Gebagebadiina waxa uu wasiirku sheegay in wasaaradu ay daacad ka tahay hawsha ay hayso qaranka cidii wax aan jirin ka qortana ay u gudbin doonaan xeer ilaalinta si warkaas uu u cadeeyo meesha uu ka yimi.

 

Warqabadka ToggaHerer

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuwait has financed clinics and hospitals in Hargeysa, Burco, Erigavo and Sheick. And they have promised to support the renovation and construction of the Hargeysa and Berbera airports.

 

You guys should be thankful.

Share this post


Link to post
Share on other sites

State of Kuwait Funds Ten Millions to Renovate Somaliland Airports

 

HARGEISA (SomalilandPress)—The government of Somaliland and the State of Kuwait have signed an agreement in which Kuwait will fund the renovation and rehabilitation of both Egal International Airport in Hargeisa and Berbera International Airports. Kuwait will fund this project approximately with ten million dollars, with the understanding that they will manage the allocation of the funds.

 

During a press briefing in his office Aviation Minister Mr. Mohamud Hashi Abdi informed SomalilandPress that “Kuwaiti government will fund the renovating of Hargeisa and Berbera Airports with the exception that Kuwaiti Fund that is owned by the State of Kuwait will manage the allocation of the funds and contracting”. To elaborate further Minister Abdi said “we agreed to this term with Kuwait because we would like to have transparent with all donor funds, rather than say gives us the money, we are saying help us build infrastructure”. When the project is completed Kuwaiti Fund will turn the complete project back to Somaliland government.

 

After these two projects are completed it is expected to cater for some of the world’s biggest commercial jets and ultimately drive air traffic growth in the region both inbound and outbound. Both Airports are currently hub for passengers traveling between Somaliland and Somali.

 

This is not the first time that the State of Kuwait has funded projects in Somaliland, earlier this year the Kuwaiti Royal family has funded the upgrading of Sheikh Hospital. The hospital is located in the same city where the Kuwaiti emir has built a modern luxury villa in the outskirt of the city.

 

Source: SomalilandPress

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abu Dhabi has also promised to support with road infrastructure. These deals were all made under Riyaale. So, I don't

want to hear Kulmiye has done this. Xaaji, can you hear me.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Good move. Slightly concerned this is being done ahead of the roads. A good airport is nothing if its difficult to get to in the first place.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No pictures not agreement signing no nothing but just propaganda. The only development happening in somaliland is the fiber optic project and even that 1 Im suspicious will even be completed

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Abdi u do know the kuwaits of amiir has a palace in Somaliland he even funded the Sheikh hospital in Somaliland. The Agreement is there you just watch and see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this