Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Al shabaab attacks the largest Amisom headquarters in Mogadisho

Recommended Posts

Shabaab oo weerartay Xarunta AMISOM ee Xalanale ( SAWIRO)

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xarakada Al Shabaab ayaa duqeyn ku weerartay galabta xarunta ugu weyn ee ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyadoo duqeynta Al Shabaabna ay sababtay dhaawaca dad rayid ah.

 

Madfac ay ku weerareen Xarunta Xalane Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in uu ku dhacay afaafka hore ee Xaruntaasi halkaasi oo xiligaasi ay ku sugnaayeen dad Soomaali ah oo doonayay inay dawooyin ka qaataan.

 

Madfac ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen 4 ruux oo sedax ka mid ah ay yihiin Caruur da’yar kuwaasi oo ka agdhawaa goobta ay Ciidamada AMISOM ka bixiyaan dawooyinka loogu talagalay dad danyarta ah ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

 

Dhacadaasi kadib ayaa Sareeye guud Nathan Mugisha oo ah ninka ugu sareeya ee ciidamada AMISOM waxaa uu si kulul u dhaleeceeyay weerarka lagu soo qaaday xaruntooda islamarkaana ay ku dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana intaasi uu ku daray in weerarkaasi uu u dhacay si fuleynimo ah.

 

Nathan Mugisha ayaa sidoo kale ku tilmaamay weerarkaasi in uu ahaa mid loogu talagalay in is hortaag lagu sameeyo taageerida iyo wax u qabashada dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed kuwaasi oo AMISOM ay ku taageerto dawo lacag la’aan ah sida uu hadalka u dhigay.

 

“Waa arin laga naxo hadana laga xanuunsado, waa mid ka fog ilaalinta xaquuqda aadanaha sidaasi daraateed, waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in aysan dhaq jalaq u siin cadaadiska iyo dhibaatooyinka ay u geysanayaan kooxaha dhibaatada ka wada dalka Soomaaliya, AMISOM sidaasi kuma joojin doonto howlaheeda dhinaca caafimaadka ee ay ku taageerto dad Soomaaliyeed” sidaasi ayuu ku yiri warsaxaafadeed ka soo baxay AMISOM Nathan Magisha.

 

War saxaafadeedka ayaa lagu soo gaba gabeeyay in weerarku uu qeyb ka ahaa weeraro dhowr ah oo horey sidaan oo kale ay u fuliyeen Xarakada Al Shabaab oo ay ku tilmaameen kuwa aan ogaleyn nabada Soomaaliya kuwaasi oo Mugisha uu ku sheegay inay ka soo horjeedaan in dadka ay taageero ka helaan AMISOM.

 

AL Shabaab ayaa horay shacabka Soomaaliyeed uga digay inay daawooyin u raadsadaan goobaha ay ku suganyihiin Ciidamada AMISOM, maadaama sida ay sheegeen daawooyinka AMISOM laga qaadayo cuduro dilaa ah walow arinkaasi markii dambe ay beeniyeen saraakiisha AMISOM.

 

Dagaalada AL Shabaab ay magaalada Muqdisho kula galaan ciidamada AMISOM iyo dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ku dhawacma oo ku naafooba dad badan oo rayid ah kuwaasi oo Al Shabaab aanay jirin caawinaad ay u fidiyaan halka dowladda KMG oo iyadu sheegta inay matasho shacabka Soomaaliyeedna lagu eedeeyo inay gadato daawooyinka ay u soo dhiibaan wadamada shisheeye, waxaana labaduba markii ay dadka rayidka ah ku dhintaan dagaalada u dhaxeeya ay kala sheegteen guulo ay ku faanaan.

 

Hoos ka daawo Sawirada dadka ku dhaawacmay Madafaca Al Shabaab iyo ciidamo ka tirsan AMISOM oo daaweyneya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ wa runta dad rayid ah oo masaakin oo shacab ah uun ba wax ku noqda haday weeraraan Alshabaab xarunta amisom,,, Amisom na xabbada ay so riidaan shacabkay ku dhacda sabab iyaguna meel uun bey madfaca la dhacan.unfortunately The residents of Mogadishu are caught in between this war of Alshabaab and Amisom

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this