General Duke Posted December 29, 2010 Wasiiradii Caafimaada DKMG oo musuq maasuqay daawooyin Muqdisho(Sh. M. Network) Wasiiradii soo maray wasaarada Caafimaadka dowladda KMG Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay shaqaalaha wasaaradaasi mushaar ahaan u siinjireen daawooyin ay u soo dhiibeen wadamada shisheeye ee loogu talagalay dadka danyarta ah si ay uga iibsadaan goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka dowladda KMG Soomaaliya oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa Idaacada Shabelle u xaqiijiyey in la iibsado dawooyinka wasaarada Caafimaadka ay u soo marsiiyaan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya ee dawooyinka gar gaarka ah ugu deeqa Shacabka Soomaaliya ee ku dhibaateebooba dagaalada mudada dheer ka soconaya Magaalada Muqdisho. Waxaa ay sheegeen shaqalahaani ka tirsan wasaarada caafimaadka in laga soo bilaabo xukuumadii Prof. Cali Max’ed Geedi wasiiradii kala duwanaa iyo shaqaalihii soo maray Wasaaradaasi ay ka iibsan jireen dawooyinkaasi shirkado iibiya daawooyinka oo xariir la leh xarumaha caafimaadka ee dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Isbitaalada waaweyn ee Magaalada Muqdisho. Warar si hoose ay u heshay Shabelle ayaa sheegaya in Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Mushaarkooda loogu badalo daawooyin si ay uga iibsadaan isbitaalada Magaalada Muqdisho iyo goobaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay, waxaana sidoo kale la sheegay in wasaarada Caafimaadka aysan si wanaagsan u gaarsiin shacabka Soomaaliyeed dawooyinka deeqda ah ee loogu soo dhiibo. Shaqaalaha ka tirsan Wasaarada Caafimaadka ee xogtaani ay ka heshay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in Wasiirka cusub ee Wasaaradda caafimaadka ee Xukuumada Farmaajo uu waxoogaa daawooyin ah gaarsiiyay isbitaalo kuyaala Magaalada Muqdisho, walow aysan shaacin wali in mushaar uu u bilaabay wasiirkaasi iyadoo aan la ogeyn in wasiirkaani uu wax ka badli doono eedeynta loo jeediyay masuuliyiintii madaxda ka soo noqday wasaarada caafimaadka. Arintaani ayaa qeyb ka ah musuq maasuqa hantida shacabka Soomaaliyeed ee lagu eedeynayo hay’adaha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana wax lala yaabo ah in dawooyinkii deeqda loogu soo dhiibay Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka faraha ay heystaan lagu iibsado suuqayada Magaalada Muqdisho xili isbitaalada waaweyn ee Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen dad qaba dhaawacyo cuduro kala duwan kuwaasi oo aan awoodin inay iska bixiyaan qarashaadka daawooyinka. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 29, 2010 Mamulka dekadda oo cuuryaamiyay labo wakaaladood oo muhiim ah. Muqdisho(Sh. M. Network) Maamulka dekadda Magaalada Muqdisho ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa cuuryaamiyay oo shaqaladooda ka hortaagan labo wakaaladood oo muhiim u ah howlaha dekada weyn ee Magaalada Muqdisho si ay u qariyaa musuq maasuqa ka jira dekadda Muqdisho. Xili maalmihii u dambeeyay ay soo ifbaxayeen wax isdaba marin badan oo ka jirta dekadda weyne ee Magaalada Muqdisho ayaa baaritaano dheeraad ah oo ay sameysay Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa ay ku ogaatay in Maamulka dekada Muqdisho uu cuuryaamiyay labo wakaaladood oo muhiim u ahaa howlaha dekadda Magaalada Muqdisho. Labadood wakaaladooda oo kala ah Wakaalada dekadaha Soomaaliyeed iyo Wakaalada howlaha Maraakiibta iyo gaadiidka badda oo hoostaga Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo dekadaha ayaan shaqeyn 4-tii sano ee dowladda KMG Soomaaliya ay gacanta ku heysay dekada weyn ee Magaalada. Wakaalada dekadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa hoosyimaada, ku dhawaad 5 dekadood oo kuyaala gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay mid yihiin Dekadaha Boosaaso, Barbar, Kismaayo iyo Xamar waxaana wakaaladaasi howlgalideeda hortaagan Maamulka dekada ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale wakaalada labaad ee la cuuryaamiyay ee howlaha Maraakiibta Soomaaliyeed ayaa shaqadeedu waxa ay tahay in ay qabato inta badan howlaha dekada Muqdisho waxaa shaqadeeda ka mid ah 1. Waa dhex dhexaadiyaha Dekadda, Ganacsatada yar yar iyo kuwa waawayn waxayna dowladda Wakiil ugu tahay gaadiidka badeed kasta oo kusoo xirta Dekada ama maraya biyaha Soomaaliya. 2. Waa Hay’adda kaliya ee Markabka kala wareegta Warqadda Xamuulka cadaynaysa (Manifest) iyo Documentiga cadaynaya badeecadad gaanacsata (Bill loading). 3. Waa Hay’adda lasoo wareegtay xogta Markabka kana soo bixisa Form (Arrival form). 4. Waa Hay’adda samaysa (Free Paratico) oo ah fuulidda Markabka oo ay lasamaynayaan (A) Immigration-ka (B) Caafimaadka iyo kuwa la mid ah. Kuwaasi waxaa fasax siinaya Wakaaladda howlaga Maraakiibta, si ay usoo hubiyaan sharciga shaqaalaha Markabka (Crue) iyo Caafimaadka, Badeecada iyo shaqaalaha saaran Maraakiibta. 5. Dekadda waxay qaabilsan tahay dajinta iyo raridda Badeecada (Export and Import), waxaana amarka siiya Wakaaladda howlaha Maraakiibta. 6. Soo xirista iyo furista Maraakiibta kusoo xerata Dekadda waxaa u xilsaaran Wakaaladda howlaha Maraakiibta. Labada wakaaladood ee la cuuryaamiyay ayaa waxaa tiro ahaan ka shaqeeya in ka badan 30 ruux oo qaarkood wakaaladahaasi ka howlgalaiyay ku dhawaad 40 sano kuwaasi oo aan qaadan wax mushaaraad ah 4-tii bilood ee ugu dambeysay, waxaana horay u jiray amar wasiiraka dekadaha uu siiyay maareeyaha dekada in kunooyinka la siiyo dhaqaalaha dekadda inkastoo uu ka dhaga adeegay amarkaasi. Sababta ka dambaysa in ay shaqay wayo Wakaaladdaan ayaa waxaa lagu sababaynayaa in Maamuladii kala duwanaa ee Dekadda soo maray ay u arkayeen Wakaaladdaasi in ay la samaynayso la xisaabtan, maadaama Wakaaladdu ay sidoo kale la xisaabtanka Maamulka ee dhaqaalaha kasoo xarooda Dekadda Muqdsiho. Wakaaladda gaadiidka badda ee loo yaqaano howlaha Maraakiibta, waa barta laga dheeho habsami socodka howlaha Dekadda la’aanteedana waa waxa maanta Dekadda ka taagan iyo wax kasii xun taasi oo loo baahan yahay in ay ku buraarugto Xukuumad Ra’iisul wasaare Farmaajo oo la baxday Tayo. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 29, 2010 Maamulka Gobolka Banaadir oo u hanjabay Shabelle. Muqdisho:(Sh. M. Network) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hanjabaad u jeediyay Shaqaalaha iyo Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyagoo dhinaca kale ku eedeeyay Shabelle inay la shaqeyso Xarakada Al Shabaab maalmaha soo socdna ay xiri doonaan. Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cusmaan oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn shirkiisa jaraa’id waxaa uu uga hadlay warbixin dhawaan ay deysay Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo aheeyd in lagu takri falo dhaqaalaha ka soo xarooda dekada Magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dhaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir ka soo gaara dekada Magaalada Muqdisho. Waxaa uu beeniyay C/kaafi in Maamulka gobolka Banaadir uu ku takri falay Dhaqaalaha kaga yimaada dekadda Magaalada Muqdisho, isagoo carabka ku dhiftay in maamulka gobolka Banaadir Shabelle ay la tiigsan doonaan sharciga waxaana uu ku hanjabay in hadii ay cadeyn keeni weyso Shabelle uu talaabo ka qaadi doono Maamulka Gobolka Banaadir. Isagoo hadalkiisa sii watta ayaa Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu Shabelle ku eedeeyay inay xariir la leedahay Xarakada Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in Maalmaha soo socda ay xiri doonaan Idaacada Shabelle sida uu ku hanjabay. C/kaafi oo shirkiisa uu ka muuqaday sida uu uga xunyahay iftiinka Shabelle ay ku ifisay in aan waxba lagu qaban dhaqaalaha kaga yimaada Mamulka gobolka Banaadir dekadda Magaalada Muqdisho, ayaa ugu horeyn qiray in boqolkiiba 15 ay ka helaan dekada taasi oo uu sheegay inay ku dhacdo bangiga dhexe walow uusan carab baabin howsha ay dadweynaha ugu qabtaan iyo waxyaabihii ay ku qabteen lacagtaasi mudadii ay dhuranayeen. Isagoo wali mar marsiiyo u raadiynaya xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir lacagta uu lunsado Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu eedeeyay oo hadalkiisa waxba kama jiraan ku tilmaamay gudoomiyaha degmada Shibis ee dowladda KMG Soomaaliya C/laahi Yabarow Haruur oo Shacabka reer Muqdisho xili uu la hadlayay Shabelle u cadeeyay musuq maasuqa lagu hayo dhaqaalaha soo gala Maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu ku andacooday C/kaafi in gudoomiyahaasi xilka mar hore laga qaaday walow aysan jirin goob looga qaaday xilkaasi oo la shaaciyay. Shabelle oo kaliya uguma uusan hanjabin in uu xirayo Xoghayaha Maamulka gobolka Banaadir hase ahaatee waxaa uu caradiisa sidoo kale kala dul dhacay hoteelada kuyaala Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay inay xiri doonaan hadii lagu qabtaa shir uusan ka warqabin Maamulka gobolka Banaadir. Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cusmaan waxaa uu horay go’aan aan laga fiirsan uga qaatay hay’ado samafal oo ka howlgali jiray Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay xariir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab, isagoo sidoo kale Idaacado kuyaala Magaalada Muqdisho isku dayay in uu xiro walow arimahaasi oo dhan markii dambe uu raali galin ka bixiyay gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir oo tilmaamay in hadalada xoghayaha guud ay yihiin kuwa isaga u gaar ah. Waxa arin lala yaabo ah in shalay xildhibaan ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya uu Shabelle ku eedeeyay inay xariir la leedahay Kaniisado kuyaala Caalamka halka maantana Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya uu Shabelle ku eedeynayo inay la shaqeyso Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee hadalada masuuliyiintaani ayaa imaanaya xili Shabelle ay maalinba maalinta ka dambeysa shaacineyso warbixino ka hadlaya halka ay ku baxaan lacagta kasoo xaroota ilaha dhaqaale ee dowladda KMG ay mamusho. Waa hanjabaadii sedaxaad oo mudo kayar hal isbuuc loo jeedinayo Shaqaalaha iyo maamulka Shabakadda Warbahinta Shabelle wixii ka dambeeyay markii ay biihisay Shabelle warar sheegaya in jeebabka lagu shubto dhaqaalaha ka soo xarooda dekadda Muqdisho. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 29, 2010 waa layska qabanaa nabadiidkan 20 sano laga joogi waayay.............. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted December 29, 2010 Oba yaa layska qabanayaa ma adiga iyo Maxamed dheere misa Shabele. Qabiil ahaan Shabele hadii aad uga soo hor jeedid adinkana idaacad samaysta yaa la yoon badinin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 29, 2010 anigu qabiil kuma diidin ee xumaanta aan ku diiday fahan waliba waa reer abtigey, idaacadan oo dhaheyso lacag ayey lunsadeen shariifka qabiilkiisa waxey xaruntooda tahay dhismo dowladdu leedahay waliba waa wasaarada cirka iyo dhulka waxey ka gateen Cabdi nuure siyaad, eedeynta ay wadaan waa mid bilaa caddeyn waana gaf weyn in dowladda iyo maamulka dad ka tirsan lagu eedeyo wax aysan uu heyn caddeyn waana sharci darro, hadii wadamadan galbeedka arimahan ka dhici laheyd maxkamad ayaa laysla tagi lahaa. marka shabeelle waxey warkooda sii badinayaan colaado faa'ido maleh, waxan leeyahay ha iska dhafeen dhibaatada oo nabadda ka shaqeeya, dalkeena waxa hortaal caqabado farabadan marka dan inooma aha arimaha ay wado shabeelle. ee marna qabiil kuma diidin shabeelle, anigu kaliya qaranimo iyo nabad in laga hirgeliyo dalkeena ayaan doonaya oo masaakiinta daadsan daafaha magaalada muqdisho guryahooda kuso noqdaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted December 29, 2010 Anigu qaladkooda difaaci maayo laakin waxa reerkina kaliya ka qaylisiiyay baan garan la ahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 29, 2010 sxb waxa reerka ka qeylisiyay waxa waaye iyaga kaliya ayaa laga beenabuurana oo lagu taagan yahay, tilaabo in laga qaado waa waa shaqsiyaad cadifaadi ka buuxdo oo qarandiid ah oo walaalaha iskugu diraaya waxaan meeshaba oolin, waxan after 20 yrs in laisku qabsada ma haboona waa inaan dalkeena dib uu dhisano oo aduunka wax la qeybsano!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted December 29, 2010 Reer ma hogaaminayo qaran jacely baad noqotay shalay markuu ina Yeey hogaaminayey maxaad ahayd. 20 sano waxa xamar ku xaarayey Muse, Ali mahdi, M/dheere Salaad qayliyoow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 29, 2010 20 sano ali mahdi kuma xaarin ee kooyto aya ku xartay kow dheh war kale amaa ii heeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted December 29, 2010 Reer markuu hogaaminayo qaran jacely baad noqotay shalay markuu ina Yeey hogaaminayey maxaad ahayd. 20 sano waxa xamar ku xaarayey Muse, Ali mahdi, M/dheere Salaad qayliyoow. Sorry Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 29, 2010 looooooool, marku ina yey ka talinaye dalka maxaan uu tageeri waaye ina adeerkey Geeddi oo isna PM ahaay??? deeganada aan kaso jeedo nabad ay aheyd xiligaas maxaan uu taageeri waaye? sow xaqdaraddi kuma diidin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted December 29, 2010 Shalay waxaad lahayd M/dheere geesi waaye iyo wax lamida. malaa xaqa iyo xaqdarada ma kala taqaanid. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 29, 2010 sxb Maxamed dheere geesi waaye ninkii mucaarid iyo ninkii tageersanba wa ogyahay.. in laga raayo waa adagtahay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted December 29, 2010 Oba marka somalia nabada aan radiyaa aad leedahay maxay tahay haduu M/dheere geesigaada yahay. Mida kale M/dhere iyo geesinimo kala dheere asagaa yiri " aryaa AMASOM taangidaan Xamar ku joognaa" Quote Share this post Link to post Share on other sites