wyre Posted December 29, 2010 Ilaa saaka markii uu toosay dhiig baa afka uga dhadhamayey. Markii hore wuxuu mooday in uu afka ka dhiigayo dhawr jeer ayuuna candhuuf iska soo muudiyey oo eegay dhiigse kuma uu arag, haddana waxaad mooddaa in uu xinjiro afka ku sito. Wuxuu ka fekeray goorta iyo waxa uu dareenkaasi ka soo raacay, wuuse xasuusan kari waayey. Wuxuu isku dayey in uu is illawsiiyo laakiin ma ahayn wax uu is illawsiin karo. Markii waagu guduutay socodkii uu soo bilaabay ayuu weli ku jiraa isaga oo beegsanaya tuulo u jirta gelinsocod dheer. Wuxuu ka soo jarmaaday cidla uu xalay u hoyday halkaas oo uu kaga degay gaadhi magaalo ka soo qaaday. Qorraxda oo la moodo intii shalay lagu ogaa in ay aad uga weyn tahay ayaa barta wejigiisa ku beegan ka soo kudday. Cabbaar ka dibna wuu ku indhodaraandaray, barqadiina dhidid badan ayey ka daadisay. Surwaal jiinis ah iyo shaadh madow waxaa u wehelisa funaanad uu awel shaadhka ka dul gashanaa imikase madaxa ugu duuban. Laba kabood oo uu qorijabka iyo qaniinyada halaqa kaga soo gaashaantay ayuu illan yahay. Garabkana waxaa u sudhan shandad aan weynayn oo ay alaab yari ugu jirto. Imika markii ay cadceeddu kululaatay shaadhkii badhannada wuu u furay oo neecawdu waxay ku dhacaysaa garan cad. Qalbigiisa farxad baa ka buuxda, iyo filasho wanaagsan. Xataa xalay markii uu cidlada joogay wuu faraxsanaa. Degaanka u marayo daawashadiisa wuu ku farxayaa. Aad buu ugu farxayaa. In kasta oo uu muddo afar sannadood ah ka maqnaa geed geed ayuu u garanayaa. Waa dhulkiisii dhalasho iyo dhallaannimo. Hilowga dalka kuu galaa kama yara ka dadka kuu gala. Jeex walba, ban walba, taago walba, godan walba, geed iyo duddun walba oo ay indhihiisu arkaan haddii ay qof yihiin laabta ayuu ku qaban lahaa oo dhabannada ka dhunkan lahaa. Xilligu waa gu dambeed ay dhibicda roobku jeesatay, doogguse weli qof gaaban wuu qarinayaa, dhirtuna caleen ayey la ciiraysaa. Xareeddii dhowaan gelgelimaha jiiftay imika waxay ku dambaysaa balliyada. Duunyadu dabjoog iyo duurjoogba waa ay hamuungoysay oo inta ay daaqayso waxaa ka badan inta ay fadhido ama laacdamayso. Siddeed iyo labaatanka dayrood ee uu jiro inta badan dhulka wuu ka maqnaa, laakiin waa dhulkiisii. Waxaa ka buuxda rayn rayn. Sidaas oo uu u niyadsan yahay waxaa jira dareen dhiillo oo marmar soo weeraraya. Waa walaalkii oo intii uu isagu maqnaa nin ay isku degmo yihiin qudha ka jaray. Laba sano iyo dheeraad baa dhacdadaas laga joogaa, laakiin dilku ma aha waxyaalaha sida fudud ku duugooba. Waxbarasho imika u soo dhammaatay ayuu isagu markaa dalka Masar ugu maqnaa, markii uu dhagartaas maqlayna aad buu uga xumaaday. In kasta oo mashaqada wadahadal lagu qaboojiyey haddana wuu ka welwel qabaa nolosha walaalkii iyo ragga kale ee xigtada ah. Wuuse og yahay ilaa haatan in la nabad qabo. Maanta uma baahna in uu waxaas ka fekero waayo wuu faraxsan yahay. Waxaa ka buuxa dareenno iyo fikrado kale. Wuxuu ku raaxaysanayaa dhulka iyo waxa dul saaran ee uu daawashadooda indhaha iyo nafta ku quudinayo. Wuxuu ku liibaanayaa udgoonka kala duwan ee ubaxyada, xabagaha iyo doogga ka soo baxaya ee sankiisa ku soo ururaya dabadeed sambabbada u gudbaya haddana jidhka oo dhan iyo nafta oo dhan ku faafaya. Codadka shimbiraha, cida iyo guuxa xoolaha, foodhida cambuulaha ay dabayshu afuufayso, jiiqda laamaha isxoqaya, iyo shalalaxda doogga iyo caleenta ay laydhu cayaarsiinayso ayaa kaga filan in uu hoog walba oo dunida ka jira illaawo. Marba geed ayuu midho ka tiigsanayaa ama nicmo kale ayuu ku foororsanayaa. Waa socdaal haddana waa tamashle. Dhulku waa dhulkii. Laakiin dhiiggan baas ee afka ka dhadhamayaa waa maxay?! Geed aad u weyn oo qararro ah ayuu hortiisa ka arkay kuna farxay. Waa geed caan ah. Wuxuu dhinacyada u kala bixiyey laamo aad u laxaad weyn oo ay mid waliba kelideed geed gooni ah noqon kari lahayd. Jirridda aadka u ballaadhani dhexda ayey ka dalooshaa oo waxaa gala biyo badan oo muddo dheer roobka ka dib laga cabbo lagana dhaansado. Jirridda dhirta ee dalooshanta biyaha galaa waa moqor waxaana lagu soo nuugaa dhuun, laakiin run ahaantii kan moqor laguma sheegi karo, waayo weynaan inta uu ka qabo waxaa la darsadaa weelkii la doono. Biyahaas baaxaddooda darteed dadka qaar waxayba ku sheegaan biyo ay xididdadu dhusunka ka soo qaadaan. Geedku waa kii uu yaqaanney. Markii uu gaadhay si gacaltooyo leh ayuu u yara dhirdhirbaaxay cabbaarna calaacalaha ku cadaadiyey oo daaddaawaday. Haddii uu la hadlo malaha wuu afgaran lahaa. Biyihii ayuu gacmaha dardarsaday oo dhiiggii afka uga dhadhamayey kaga luqluqday dabadeed cabbay. Waxay ahaayeen biyo qabow oo nadiif ah oo jidhka iyo naftaba qaboojinaya. Laakiin isla markii uu ka dhaqaaqay dhadhankii dhiigga ahaa afkiisa wuu ku soo noqday. Waar haddaba balaayadani waa maxay?! Wuxuu ku soo baxay adhi badan oo ay intiisa dheregta la jiiftaa ka badan tahay inta daaqaysa. Wuxuu ka dhex eegay cid la joogta markii uu arki waayeyna iska dhaafay. In yar ka dib waxaa ka soo hor baxay balli weyn oo buuxa. Balligu wuxuu ku dhex yaal il bannaan oo doog qariyey dhirtuna ku yar tahay. Biyaha balliga iyo doogga waxaa ku kala lingaxan diillin bacaad ah oo nadiif ah oo diirran oo ay biyuhu ka durkeen. Halkaa wuxuu ku arkay dhar dumar oo yaal, doogga ayuuna ku gabbaday oo eegmada ku daydayay bal cid meesha joogta. Markii uu cid arki waayey sida askari dagaal ku jira ayuu suxullada iyo jilbaha ku gurguurtay oo hore u durkay ilaa uu dharkii u jirsaday toban tallaabo oo keliya. Geed carmo ah oo humbulan ayuu hoostiisa sida diinka isku xabaalay labada indhoodna meel u bannaystay. Haa, gabadh dhallin yar ayaa biyaha ku jirta. Iyada oo baraadla ayey si deggan oo raaxo leh marba dhan u dabbaalanaysaa. Cabbaar ayuu halkii ka daawaday oo marka ay qaarka sare biyaha kala baxdaba eegmada kula suuxay. Haddii uu u tago oo istuso wuu og yahay dareenka aan wanaagsanayn ee ka dhalanaya. Waxay ku xukumaysaa in uu yahay nin aan anshax iyo dadnimo suubbanyn oo goor ay dagan tahay ka danaystay. Isagana taasi waxay ka dhigi lahayd bahal daciif ah. Maya, inantii iskama uu didin iskumana dirin. Ma qurux taa ka sarraysa oo uu arki lahaa baa jirta? Hadhow waxa uu ka helaa waa nasiibkii, imikase ma aha in uu iska didiyo iskuna diro. Run ahaantii waxii uu dabeecadda degaanka ilaa saaka qurux ka soo daawanayey tan ayuu ku illaaway. Ugu horrayn iyo ugu dambayn wuxuu si walba u daawaday laabteeda iyo labadeeda naas ee ugub, iyo qoorteeda, iyo garbaheeda, iyo dhabarkeeda, iyo dhabannadeeda, iyo timaheeda qoyan ee hoos ugu seexday. Labadiisa indhood libiqsan maayaan jeer ay dabayshu xanuunjiso. Wuxuu u tooghayaa oo heegan u yahay marka ay biyaha ka soo baxayso iyo qaarkeeda hoose. Wuu hubaa in aanay jirin wax ka wanaagsan oo uu maanta arki lahaa. Wuxuu bannaystay meel uu marka ay biyaha ka soo baxdo si buuxda jidhkeeda uga wada arki karo. Sawirro aanay quruxdoodu xaddi lahayn oo xubnaheeda hoose ku saabsan ayuu khayaaliga gashaday. Markii ay soo baxdayna sawirradii oo dhami dhakhso ayey u masaxmeen waxaana beddelay kuwo dhab ah oo ka sii qurux badan. Ma waxaa jira wax sidan u abuuran?! Ma qof bani aadam ah baa sidaas u eg?! Wuxuu ku sigtay in uu ku boodo oo isku duubo oo ku ooyo. Markii ay dharka gashatay inta uu indhaheeda iska eegay ayuu soo kacay isaga oo iska dhigaya in uu imika yimid. Laakiin dhar xidhashadeeda iyo imaatinkiisu sida ay isugu dhowaayeen darteed waa ay garatay waxa uu falay. Waa ay isu xanaajisay, markii uu hadal u bilaabayna huruuf ayey ugu jawaabtey. Isaga oo weli la hadlaya ayey ka dhaqaaqday oo dhankii adhiga aadday. In ay la sii joogto ayuu ku dadaalay kana codsaday laakiin dheg uma ay jalaqsiin. Waa ay xanaaqsanayd. Markii ay ka tagtay wuu cidlooday wuuna hiloobay. Dabadeed balligii ayuu isaguna kaga dabbaashay isla meeshii ay kaga dabbaalanaysey isaga oo maryahana dhigtay isla meeshii ay dhigatay. Taas wuxuu ka helay liibaan weyn. Wuxuu maleeyey iyaduna in ay sidiisii meel ka soo eegayso, dabadeed wuu qoslay dan kalese kama gelin. lasoco Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted December 29, 2010 Wuxuu ka fekeray inantan iyo Hibaaq tooda qurux badan. Hibaaq waa gabadh uu ilaa yaraantii jeclaa maantana guurkeeda u socdo. Waxaa isugu dambaysey afar sannadood hortood, wuxuuse hubaa dunida dumarka jooga in ay ugu qurux badan tahay. Mar kasta oo uu ka fekero, mar walbana wuu ka fekeraaye, quruxdeeda wuxuu ku lammaansadaa dabeecaddeedii macaanayd ee debecsanayd iyo sidii naxariista badnayd ee ay isaga ula dhaqmi jirtay. Markii uu balligii ka baxay ee socodkii sii watay wuxuu wadajir uga fekerayey gabadhii uu soo arkay iyo Hibaaqda uu ku socdo ee guursan doono. Isaga oo aan ku talogelin ayuu cod dheer ku qaaday heestii ”Damaq jacayl”. Haddii la maqli lahaa waxaa la moodi lahaa qof waalan. aan damaq jacayl dad israba warkood kaa daaddejee waxay ugu darrayd markii aan dul imid taan dunida rabay iyadoo doog dhex jiiftoo daawanaysa ubaxoo sow raaxo damacdayoo durba garayski furatayoo sii daysay timihii… Dhadhankii dhiigga ayuu mar kale dareemay aad buuna u necbaystay. Wuxuu ka fekeray markii uu gabadha daawanayey dhiiggu in uu u dhadhamayey iyo in kale, wuuse xasuusan waayey. Kollay ma uu dareensanayn. Cabbaar markii uu socday oo ay qorraxdu duhur sheegatay wuxuu ku soo baxay saddex doob oo geeljire ah oo geed hadhsanaya. Midkood ayaa bunduq safaysanaya, labada kalena jeegada ayey u jiifaan. Waxay siiyeen gaawe caano geel ah oo qabow, waana ay haybsadeen, isaguna wuu haybsaday. Markii uu ka tegi lahaa waxay u sheegeen in uu la cuno cawl ay disheen hilibkeeda oo u bislaanaya. Wuxuuse la yaabay iyagana weydiiyey hilibka ay ku soorayaan meesha uu ku bislaanayo, waayo wax raq muujinaya agtooda kuma uu arag. Laakiin markiiba labadii jeegada u jiifay ayaa kacay oo meel toban tallaabo u jirta ciidda kala xaadhay, god hilib ugu muufoobayey ayeyna *****lka ka rogeen. Hilibkii oo qiiq badani ka baxayo ayey ku soo dul gureen laamo hohobeed oo ay soo gooyeen, waxayna soo dhigeen halkii la fadhiyey. Wuxuu ahaa hilib macaan oo udgoon oo jilcay oo maraqu ka da’ayo. Laakiin isla markii uu nimanka ka tegay, ee dhadhankii hilibku afkiisa ka dhammaaday, waxaa ku soo noqday dhadhankii dhiigga. Waar balaayadani haddaba waa maxay?! Maskaxdiisu waxay oggolaatay oo aan marnaba ka baxayn Hibaaq. Afartii sano ee ay kala maqnaayeen xaalkeeda joogto ayuu ula socday, wuuna og yahay weli in ay isaga u joogto. Run ahaantii tacliinta uu muddada dheer ku maqnaa, noloshiisa magaalada iyo wax kasta oo kale iyada ayaa uga qiimi badan. Mar kale in uu arko ayaa wax walba uga weyn. Tuulada uu maanta ku abbaaran yahay ayuu ka ogaan doonaa reerkoodu halka uu deggan yahay. Casardheere ayuu tuuladii soo galay. Weli wuu faraxsan yahay, welise afka dhiig baa uga dhadhamaya. Maqaaxidii uu fadhiistay waxaa lala soo gaadhay bakeeri shaah ah oo rasiin ah oo kulul oo ay sonkorta iyo caddaysku ku badan yihiin. Bakeerigii oo faaruq ah haddana weli kulayl la qiiqaya ayuu hortiisa dhigay dabadeed dhidid badan oo ka soo qubtay iska masaxay. Ilaa markii uu hikibka ugaadha cunay aad buu u xaraaradaysnaa. Bakeeri kii hore la mid ah ayuu liqay dabadeed harraad ay biyuhu ka bi’in waayeen ayaa ka ba’ay, daalkiina wuu ka duulay. Inta uu shaaha cabbayo mooyee waqtiga kale oo dhan afkiisa dhiig baa ka dhadhamaya. Waar illayn balaayo! Ragga uu meesha ugu yimid badankooda wuu garanayaa. Wuxuu kale oo si fiican u garanayey nin markii uu isagu maqaaxida soo fadhiistay degdeg kadinka uga baxay. Waxay walaalo yihiin kii gacanta walaalkii ku baxay. Waxaa loo tilmaamay meesha reer walaalkii deggan yahay. Wuxuu kale oo ogaaday Hibaaq reerkooduna in ay halkaa ka dhow yihiin. Taas aad buu ugu farxay. Dabadeed goor ay casar gaab tahay ayuu carraabe u anbabaxay. Markii uu tuulada hagaag uga baxay, oo keligii meel bannaan sii socdo, ayey xabbadi diillinta dhabarka ka haleeshay. Dhankii qaraxa ayaa la wada eegay, waxaana la arkay isagii oo dib u soo ordaya aadna u cabaadaya afkana dhiig ka qubanayo. Neef geel ah mooyee wax sidaas u cabaada weli lama arag. Boorsadii yarayd ee garabka ugu jirtay iyo kiish uu gacanta ku laallaadinayey midba mar buu ka dhacay. Sidii uu u soo ordayey una cabaadayey ayaa xabbad kale laabta lagaga qaboojiyey. Dabadeed wuu istaagay, haddana qunyar labada jilib oo wada socda dhulka ku qotomiyay, haddana sidii qof sujuudaya wejiga dhulka ku horraysiiyay, dabadeed wuu wada qallibmay. Wuu sii yara kurbaday, dabadeed illayn wuu dhintaye wuu dhaqaaq daayey. Bal ha iska noolaadee may iska daayaan... End Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted December 29, 2010 Well written, too descriptive but it helped to give us a good picture. At some point i was wondering if the girl he met at the lake was Hibaq and that she become a lady now. Yaa qoray? Thanks for the read. Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted December 30, 2010 Waxaa qoray Ibraahim yuusuf axmed (howd) 2001 ayaan mar ku arkay web la yiraah afsomaali.com balse maalinki labaad nasiib wanaag waa la xidhay webka, magaca sheekadana waa kii ii gambiyay. anyway shalay ayaan luck ku helay anoo google iska baarayo Quote Share this post Link to post Share on other sites