Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Khilaafka Dekadda oo sii xoogeystay iyo idaacada shabeelle oo garab siineyso Xildhibaan Furux

Recommended Posts

Salaad Cali Jeelle "Idaacada Shabelle waxay qandaraas ka soo qaadataydagaal oogayaashii hore" Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiin ay idaacadaShabelle ku eedeysay in ay lunsadaan daqliga kasoo baxo dakadacaalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa hadlkaasi ku tilmaamaydacaayad raqiis oo aysan Shabelle u heysan cadeymo.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho gelinki danbe eeshalay ayuu xildhibaanku wax lala yaabo ku tilmaamay sababta uu SalaadJeelle u fara gelin karo howlaha Dekeda isaga oo ah xildhibaan.

 

"Aniga waxaan ahay xildhibaan aanan shaqo ku laheyn inuu fara geliyoDekeda, warka ay Shaballe sheegtayna waa wax iga yaabiyey oo runtiilaga rabo iyada in ay keento cadeyn, anaga hada baaritaan ayaan kuwadnaa Shabelle kaasoo ah baaritaan shaqsi ah, xukumada waan ugudbinay iyada ayaana laga rabaa in ay jawaab ka bixiso" ayuu yiriSalaad Cali Jeelle.

 

Xildhibaan Salaad Jeelle ayaa isku sifeeyey nin jecel dalka iyo dowladnimada Soomaaliya, taasoo uu ku sababeeyey waxa ay Shabelle kuabaartay isaga.

 

"Shabelle waxay is dhacday Salaad Cali Jeele waa dowlad jecelyahay eesharaftiisa kala wiiqo, runtii Shabelle waa idaacad hada rabto in ayhuriso dagaal beeleedyo cusub taasoo dalka mar .Idaacada Shabelle ayaa wali sii wado dacaayada iyo aflagaadada madaxdadalka Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha dalka Soomaaliya ShariifSheekh Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Radio Shabelle oo dhawaanahan dib u soo cusboonaysiisay dagaal dhanka qabiilka ah ayaa waxaa ay weerar qaawan oo dhanka qabiilka ku qaaday madaxda dowladda Somaliya taasoo ay meel ka dhac ku tahay Hanaanka saxaafadeed ee Idaacaddaas. Radio Shabelle waxay sheegeysaa inay ka hadlayso cadaalad iyo lunsasho hantiyadeed oo ay lunsadeen madaxda maamulka gobolka Banadir iyo dowladda Somalia ayaa hadana waxaa muuqanaysa in Radio Shabelle ay iyada ay tahay tan ugu horeyso dhanka cadaalad daradida.

 

Idaacaddan ayaa waxaa ay dagan tahay guri dowladda ay leedahay gaar ahaan wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka iyadoo waliba ay la yaab tahay in gurigaas laga iibsaday oo si xoog ah uu ku haystay xilliyadii dagaalada sokeeyo Ninka lagu magacaabo Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal,waxaana ka iibsaday Cabdi Goo-gooye oo la baxay ama jecel in loogu yeero magaca ah Cabdi Maalik oo ah ninka leh Radio Shabelle.

 

 

 

Radio Shabelle waa idaacad inta badan dagaal kula jirta dowladda Somalia waxaana la xasuustaa in Dowladdii Prof. Cali Max’ed Geeddi ay ula dagaalami jirtay si ka daran tan Madaxweyen Sheekh Shariif iyadoo halkaas ay ka muuqato naceyb Qabiil.

 

 

 

Cabdi Goo-gooye ama Cabdi Suldaan oo ah ninka leh Idaacadda wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isagoo haatan dhex seexda Xarunta Idaacadda Shabelle ayaa wuxuu ka sheegay shirka shaqaalaha in si cad loola xisaabtamo dowladda Somalia taasoo shaqaalaha qaar ka yaabisay wuxuuna si gaar ah carabka ugu dhuftay Dekadda,Garoonka iyo mamulka Gobolka Banaadir isagoo sheegay in dhamaan goobahaas ay maamulaan dad isku qabiil ah,waxana la yaab ah in markii uu ka sheegayay hadalkaas shirka shaqaalaha uusan u meel dayin hadalkiisa waxaana goob joog ka ahaa shaqaalo qabiil ahaan kazoo jeeda qabiilka uu afka ku dhuftay.

 

 

 

 

 

Cabdi Maalik wuxuu kulan kula qaatay Hotel kamid ah hotelada Magaalada Muqdisho odayaal qabiil ahaan kazoo jeeda Beeshiisa waxaana kulankas ka dhex muuqday Furux oo ah xildhibaan ka tirsan dowladda Somalia kaasi oo isku dayay inuu lacag xoog ah ka qaato dekadda.

 

 

 

Si kastaba Radio Shabelle ayaa la ogaaday in aysan heysanin shatiga Ogolaanshaha warbaahineed ee wasaaradda Warfaafinta Somalia, waxaana dowladda Somalia looga fadhiyaa in ay amar cad kazoo saarto in laga saaro guriga ay dagan tahay Radio Shabelle oo ah guri dowladeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyadoo hada laga joogo mudo ka yar laba todobaad marki ururka

saxafiyiinta aan xuduuda laheyn ay Radio Shabelle u aqoonsatay idaacada ugu wanaagsan caalamka, ayey Shabelle waxa ay bilowday warar ka baxsan anshaxa saxaafada.

 

 

 

Radio Shabelle oo ay hada ka howlgalaan wariyaal ay tayadooda aad u hooseyso marka laga eego aqoontooda maadiga, diinta, saxaafada iyo waaya aragnimada saxaafadeed ayaa waxa ay caawa ka diyaariyeen madaxdweynaha iyo mas,uuliyiin kale maqaal ay ugu gafeen.

 

 

 

Warbixinta ay Shabelle ku aflagaadeysay madaxweynaha waxa cinwaankeedu ahaa “Dekeda Muqdisho oo isu badashay dekedii Ceelmacaan” waxaana biya dhaceedu uu ahaa in madaxwey-naha iyo rag kale oo ay ku jiraan xildhibaano ay cunaan lacagta kasoo xarooto Dekeda.

 

 

 

Waxa Shabelle ay ku eedeysay in lacagta kasoo xarooto %70 ay ku dhacdo jeebka madaxweyn-aha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale rag ay ka mid yihiin xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Cabdi Jiinoow Calasow oo ah meereeyihii hore ee dekeda iyo maareeyaha cusub Sayid

Cali.

 

 

 

Shabelle oo aanan daliil iyo xigasho midna u keenin warbixintan waxa ay tusaale usoo qaadatay xildhibaan Furux oo dhawaan Dekeda arbushay kaasoo doonayey in wax laga siiyo lacagta kasoo xarooto dekeda.

 

 

 

Idaacada Shabelle oo sanadihii 2004 ilaa iyo 2008 si aad ah uga shaqeyn jirtay danaha qabiilka uu kasoo jeedo milkiilaha idaacada ayaa hada warbixinta ay caawa sii deysay ku soo hadal qaaday in Dekeda loo maamulo hab beeleed gaar ahaana ay ku amar taagleeyaan madaxweynaha iyo jufada uu kasoo jeedo sida ay hadalka u dhigeen.

 

 

 

Maalinti Talaadada aheyd ee aanu kasoo gudubnay waxaa magaalada Muqdisho kasoo degay mil-kiilaha idaacada Shabelle C/malik Yusuf Maxamuud, waxaana mid ka mid ah wariyaasha Shabelle oo diiday in magaciisa la xuso uu ii sheegay in warbixintan uu amray in sidaasi loo diyaariyo agaasimaha.

 

 

 

Waxaa la xaqiijiyey in rag ka soo jeeda Beesha Habar gedir ee ay ka mid yihiin Milkiilaha Shabelle C/Maalik Yuusuf Maxamd, Xildhibaan Furux, C/qani Gabreeto, iyo rag kale oo soo jeeda Beeha Habar Gedir Todobaadkaan kulan ay ku qateen Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho , waxaana kulan beeledka foosha xun lagu dejiyey qorshayaal lagu sumcad dilayo Madaxweynaha Soomaaliya islamaraakana dib loogu soo celinayo coladahii beelo soomaaliyeed, waxaana ugu weynaa dariiqa loo marayo Idacada Shabelle ee magaalda Muqdisho.

 

 

 

Lama oga talaabada ay ka qaadan doonto dowlada hadalkaasi meel ka dhaca ku ah madaxwey-naha Sheekh Shariif, waxaana sida ay qabto qawaaniinta caalamiga ah mamnuuc ka ah saxaafada in ay wax ka sheegto shaqsi-yada madaxweyne ama mas,uul sare hadii aysan u heynin cadeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Gobolka Banaadir oo u hanjabay Shabelle.

 

Muqdisho:(Sh. M. Network) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hanjabaad u jeediyay Shaqaalaha iyo Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyagoo dhinaca kale ku eedeeyay Shabelle inay la shaqeyso Xarakada Al Shabaab maalmaha soo socdna ay xiri doonaan.

 

Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cusmaan oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn shirkiisa jaraa’id waxaa uu uga hadlay warbixin dhawaan ay deysay Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo aheeyd in lagu takri falo dhaqaalaha ka soo xarooda dekada Magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dhaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir ka soo gaara dekada Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa uu beeniyay C/kaafi in Maamulka gobolka Banaadir uu ku takri falay Dhaqaalaha kaga yimaada dekadda Magaalada Muqdisho, isagoo carabka ku dhiftay in maamulka gobolka Banaadir Shabelle ay la tiigsan doonaan sharciga waxaana uu ku hanjabay in hadii ay cadeyn keeni weyso Shabelle uu talaabo ka qaadi doono Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Isagoo hadalkiisa sii watta ayaa Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu Shabelle ku eedeeyay inay xariir la leedahay Xarakada Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in Maalmaha soo socda ay xiri doonaan Idaacada Shabelle sida uu ku hanjabay.

 

C/kaafi oo shirkiisa uu ka muuqaday sida uu uga xunyahay iftiinka Shabelle ay ku ifisay in aan waxba lagu qaban dhaqaalaha kaga yimaada Mamulka gobolka Banaadir dekadda Magaalada Muqdisho, ayaa ugu horeyn qiray in boqolkiiba 15 ay ka helaan dekada taasi oo uu sheegay inay ku dhacdo bangiga dhexe walow uusan carab baabin howsha ay dadweynaha ugu qabtaan iyo waxyaabihii ay ku qabteen lacagtaasi mudadii ay dhuranayeen.

 

Isagoo wali mar marsiiyo u raadiynaya xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir lacagta uu lunsado Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu eedeeyay oo hadalkiisa waxba kama jiraan ku tilmaamay gudoomiyaha degmada Shibis ee dowladda KMG Soomaaliya C/laahi Yabarow Haruur oo Shacabka reer Muqdisho xili uu la hadlayay Shabelle u cadeeyay musuq maasuqa lagu hayo dhaqaalaha soo gala Maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu ku andacooday C/kaafi in gudoomiyahaasi xilka mar hore laga qaaday walow aysan jirin goob looga qaaday xilkaasi oo la shaaciyay.

 

Shabelle oo kaliya uguma uusan hanjabin in uu xirayo Xoghayaha Maamulka gobolka Banaadir hase ahaatee waxaa uu caradiisa sidoo kale kala dul dhacay hoteelada kuyaala Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay inay xiri doonaan hadii lagu qabtaa shir uusan ka warqabin Maamulka gobolka Banaadir.

 

Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cusmaan waxaa uu horay go’aan aan laga fiirsan uga qaatay hay’ado samafal oo ka howlgali jiray Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay xariir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab, isagoo sidoo kale Idaacado kuyaala Magaalada Muqdisho isku dayay in uu xiro walow arimahaasi oo dhan markii dambe uu raali galin ka bixiyay gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir oo tilmaamay in hadalada xoghayaha guud ay yihiin kuwa isaga u gaar ah.

 

Waxa arin lala yaabo ah in shalay xildhibaan ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya uu Shabelle ku eedeeyay inay xariir la leedahay Kaniisado kuyaala Caalamka halka maantana Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya uu Shabelle ku eedeynayo inay la shaqeyso Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee hadalada masuuliyiintaani ayaa imaanaya xili Shabelle ay maalinba maalinta ka dambeysa shaacineyso warbixino ka hadlaya halka ay ku baxaan lacagta kasoo xaroota ilaha dhaqaale ee dowladda KMG ay mamusho.

 

Waa hanjabaadii sedaxaad oo mudo kayar hal isbuuc loo jeedinayo Shaqaalaha iyo maamulka Shabakadda Warbahinta Shabelle wixii ka dambeeyay markii ay biihisay Shabelle warar sheegaya in jeebabka lagu shubto dhaqaalaha ka soo xarooda dekadda Muqdisho.

 

http://www.shabelle.net/article.php?id=1445

Share this post


Link to post
Share on other sites

ninkan Furux iyo shabeelle in tilaabo laga qaado waaye, they can not even substantiate the allegations, cajiiiiiib intii horumar la gaari lahaa khilaaf iyo, gadaal lee lo socda,,,, war nabadiidkan ya inaga qabto waa dad iyaga la mid ah waxey dalkan ka degi weyse ee allow sahal amuuraha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this