Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Puntland Diaspora Forum Unites Local Development Agencies and Brings In Reform. PICS

Recommended Posts

Puntland Diaspora Forum Denmark oo qabatay Shirka Midaynta Ururada Samafalka geeya ee ka jira Denmark.

 

December 28, 2010 | 1 comment

 

 

Shirkii lagu midaynayay ee ururada ka dhisan wadankan Denmark islamarkaana geeya Deeqaha ama samafalka Wadanka Soomaliya gaar ahaan Puntland, ayaa waxaa maanta oo ah Isniin 27,12.2010 uu ka dhacay xaruunta ururada(foreningerneshus) ee magaalada Aarhus Denmark,shirkaan waxaa uu kow ka yahay shirar badan oo laqorsheeyay sedex bilood kahor 18.09.2010, taas oo lagu go’aansaday in lamideeyo ururada qalbi ahaan iyo waxqabadba, waxaa shirkaan iskugu yeeray dalada jaaliyada ee Puntland diaspora Forum Denmark, waxaa shirkaan waxaa si gaar ah loogu casuumay ururada degan gobolka weyn ee Jytland oo ah, kuwa ugu badan ee geeya qalabka waxbarasho iyo caafimaad, ayaa waxaa lagu talagalay in lagu dhiira geliyo geynta qalabka iyo *****lida baahida ka jirta wadanka, aas’ aaskana unoqan kara nolasha aadanaha.

 

Waxaa kaloo lagu soo bandhigay warbixinaddii ugu dambeeyay wadanka,meelaha wax laga dalban karo,fursadaha jira, iwm.

 

waxaa meesha kawada hadlay dadkii matalayay ururada goob jooga ahaa, ururkastana waxaa uu soo jeediyay aragtidiisa, sidoo kale hogaankii ururada ay usuuroobi weyday in ay goob joog ahaadaan madaama ay itooda badan xiligan ay kusugan yihiin wadankii oo ay howlo shaqo u tageen laakiinse waxay uga qeyb qaateen dhanka Mailka iyo telefoonka.

 

Waxaa jiray qodobada qornaa kuwii ugu horeeyay ee laysku raacay iyadoo dib loo dhigay inta kale ee laysla gartay in lasiiyo waqti kufilan. iyadoo islamarkaana lagu heshiiyay arimaha hoose oo ah,

 

-in aan lageyn wadanka qalabka iyo alaabta dhibka u keenaya wadanka sida qalbka electronic-ga, bay’ ada dhibaatada ku haya wadanka.

 

- in markasta qalabka la qaadayo lagu diso baahida ka jirta wadanka, islamarkaana la wargeliyo Dowlada Puntland lana weydiiyo baahida ugu daran.

 

-in Lagu wareejiyo Hay’adaha ama wasaaradaha Dowlada, qalabka.

 

-in la abaalmariyo bilad geesinimana lasiiyo, ururka markaas ugu badan ee dadka wax tara xitaa haddii uu jiro qof shaqsi ahaan isu xilqaamo.

 

-In gacan laga geysto abaaraha dowlada ay sheegtay, islamarkaana si deg deg ah loo qabto shir gaar u ah Gar gaarka abaaraha, kaas oo lagu balamay in todabaadkan la shaaciyo xiliga iyo goobta.

 

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in shirkaan kiisa labaad la qabto haddii alle uu idmo mudo sedex bilood gudahooda.

 

Shirkaas oo ay soo abaabuleen Ururka Puntland Diaspora Forum Denmark.

 

Wixii xog oo intaa dheer kala xiriir

 

Xoghayaha PDFD xiriirka dibada iyo gudaha

Abdulmalik M.Farah gaas +4528668897

 

Shirkii-PDFD-27.dec.jpg

 

khalif-iyo-bardacad.jpg

 

shirwac-iyo-khalif.jpg

 

sicid-burburshe-iyo-m.aa_.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this