Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ciidamadda Maxamed Dheere oo aagaga waqooyiga ee magaaladda Muqdisho laga saari waayay

Recommended Posts

Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo ciidamo u daacad ah ay ku sugan yihiin waqooyiga magaaladda Muqdisho, gaar ahaan degmada Boondheere ayaa waxaa weeraro qorsheysan kusoo qaaday ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

 

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay weeraro si-weyn loo-soo qorsheeyay ay kusoo qaadeen aagaga ay ciidamadda Maxamed Dheere ay kaga sugan yihiin degmada Boondheere, hase ahaatee ciidamadda Maxamed Dheere ayaa jilbaha dhulka ku aastay, taasoo keentay in'ay dib u gurtaan ciidamadii Xarakada Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

 

Ciidamadda Maxamed Dheere oo inta badan dagaaladda ka dhaca waqooyiga magaaladda Muqdisho si-weyn u dagaalama ayaa xalay diiday in'ay iskaga soo baxaan aagaga dagaal, kadib markii weeraro qorsheysan oo aad u xooganaa ay kusoo qaadeen ciidamadda taabacsan Al Shabaab, iyadoo ay markii dambe dib u gurteen ciidamdda Xarakada Al Shabaab, kadib markii ay jiiri kari waayeen ciidamadda Maxamed dheere.

 

Maxamed Dheere oo si-weyn ula dagaalama ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa xilliyadii ugu dambeysay laga waayay dhanka warbaahinta, taasoo aan la'ogeyn sababta keentay, balse wuxuu wacad uu ku maray in uu xureyn doono waqooyiga magaaladda Muqdisho, bacdamaa uu deegaan ahaan uu kasoo jeedo.

 

Dagaaladdii cuslaa ee xalay ka dhacay degmooyinka Boondheere ayaysan ka hadlin Xarakada Al Shabaab, balse sarkaal sare oo u hadlay dowladda ayaa sheegay in'ay guulo ka gaareen ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo weeraro kulul kusoo qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wu ku saxanyahay inu difaaco degaankisa xaqna wa u leeyahay laakin history wanaagsan sa uma leh Maxammad dhere laakin qof walba jaanis labaad wa heli kara oo saxo qaladkisi hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa sax inuu history fiican laheyn laakin markey noqoto in deeganadiisa maamulo waa nin ka bixi karo, mar uu jowhar guddomiye ka ahaa amaanka iyo nabadda uu ka hirgeliyay waala yaabe, odaygu waa nin maamul yaqaan...

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba maxammad dheere hadu dad u amini karo ka bar bar dagaalamo wa guuleysan kara laakin wa inu isku ilaaliyo dadka musuqmasaqa iyo dadki berigi hore ay wada socon jireen if u know what i mean waan xasuusta berigi uu warlordki weyna cabdilahi yusuf u keeney jawhar u ku sheegey Cabdilahi yusuf oday ciyaala suuq ah ooh ka so jeeda beelaha Mamuulka budhcad badeedka oo xita joodarigii ka xaday yaalay looool Dhere is a funny lad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this