oba hiloowlow Posted December 28, 2010 Mudane Salaad Cali Jeelle oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee xukuumadda kmg ee Soomaaliya ayaa si kulul ugu hanjabay Idaacadda Shabeelle oo sanadkaan noqotay Idaacadda ugu wanaagsan sanadka 2010-ka. Salaad Cali Jeelle oo shir jaraa'id u qabtay bahda Saxaafadda ayaa wuxuu sheegay in marka hore Idaacadda Shabeelle aysan amar u qabin in'ay kaa hawl-gasho gudaha dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay in uu la-tiigsan doono sharciga. Mudane Jeelle ayaa tibaaxay in Idaacadda Shabeelle ay ku shaqeyso bilaa sharci,taasoo ay u dheer tahay buu yiri bilaa nidaam, waxaana waajib ah buu yiri in la-marsiiyo sharciga, isagoo intaasi ku daray in uu maxkamad la-kori doono Idaacadda Shabeelle. Sidoo kale Salaad Cali Jeelle oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee dowladda Somaliya ayaa wasaaradda warfaafinta ee dowladda Soomaaliya uu ka codsaday in Idaacadda Shabeelle lagu sameeyo baaritaano kala duwan, si loo-ogaado buu yiri waxa ay tahay iyo cidda ee la-shaqeeyo, isagoo si qaylo leh u yiri “Waxay la-shaqeysaa kaniisadaha caalamka ku yaalla. Hadalkaan kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle ayaa wuxuu kusoo aadaayaa xilli Shabelle Media Network ay warbixin ka diyaarisay masuq maasuqa ka taagan dekadda magaaladda Muqdisho, taasoo dhalisay in beelo kamid ah beelaha ku xoogan magaaladda Muqdisho ay ka caroodaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted December 28, 2010 Beesha tunka weyn ee uu ka dhashay furux oo kamid ah beelaha ku xoogan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Idaacadda Shabeelle ay tahay Idaacad lama taabtaan ah, iyadoo ka degtay hadalkii kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle. Beeshaasi ayaa sheegtay in hadalka kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle uusan waxba u dhimi kareyn Idaacadda Shabeelle, waayo bay tiri saxaafaddu malaha saaxiib joogto ah, isla-markaana Salaad Cali Jeellea ayaa waxay ugu baaqday in uu raali gelin ka bixiyo, hanjabaadii uu u jeediyay Shabakadda Warbaahinta ee Shabeelle. C/Khani Suldaan oo kamid ah odayaasha beeshaasi ee ku sugan magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in'ay diyaar u yihiin daafacidda Idaacadda Shabeelle, isagoo ka dhawaajiyay in Idaacadda Shabeelle ay tahay mid lama taabtaan ah. Sidoo kale wuxuu sheegay ragga u hanjabaaya Idaacadda Shabeelle haddii aysan raali gelin ka bixin hanjabaadaha kasoo yeeray, in'ay ku qabsan doonaan hadalkaasi, isagoo sheegay in Idaacadda Shabeelle ay tahay warbaahin, warbaahintuna aysan laheyn saaxiib joogto ah. Dhanka kale wuxuu sheegay in Beeshaasi ay diyaar u tahay in Idaacadda Shabeelle ay u sameyso ilaalo wanaagsan oo aad u tababaran, si'ay uga difaacaan qatar kasta oo soo wejihi karta. Shalay ahay ahayd, kadib markii Mudane Salaad Cali Jeelle uu ku hanjabay in ka shakhsi ahaan uu talaabo uga qaadi doono Idaacadda Shabeelle oo ah Idaacadda ugu wanaagsan caalamka sanadka 2010-ka. Quote Share this post Link to post Share on other sites