Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland gabiley province police commander sacked

Recommended Posts

Taliyaha Booliska Gobolka Gabiley oo Xilkii laga Qaaday loona Beddelay Gobolka Sool iyo Dareenka ku Xeeran Arintaasi.

20101227085631.jpg

 

Maamulka Gobolka ayaa maalmahanba eeda arintaasi dusha ka saarayay Ciidanka Booliska

 

Hargeisa (Gabiley News)- Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley Gen.Maxamed Faarax Nuur ayaa manta xilkii laga Qaaday loona badalay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Sool.

 

Warkan oo illaa shalay dadwaynaha Gobolka Gabiley aad u hadal hayaan ayaa la sheegay in uu la xidhiidho Hawl galo lagu doonayay in lagu qabqabto masuuliyiin Hanti dhawrku baadhis ku hayay oo Gabiley ku sugnaa, kuwaasi oo la sheegay inay baxsadeen.

 

Maamulka Gobolka ayaa maalmahanba eeda arintaasi dusha ka saarayay Ciidanka Booliska in ay ka gaabiyeen qabashadda ragaasi.

Taliyaha Booliska ee Xilka laga qaaday Maxamed Faarax oo Gabiley News Khadka Telephone-ka kula xidhiidhay ayaa sheegay in ay jirto arintaasi loona keenay taarka beddel-ka ah loona beddalay Gobolka Sool.

Taliyaha oo aanu wax ka waydiinay eedayn loo soo jeedinayo inay ka gaabiyeen qabashadda ragii hantidhawrku baadhista ku hayay oo la sheegay inay baxsadeen ayaa waxa uu sheegay inay in ka hor intii aan waaranku soo gaadhin ciidanka Booliska ay so xaqijiyen Ragii la doonayay in la qabqabto ka dibna ay baxsadeen isaga oo xusay in Galinkii horeba sheekadu suuqa ku jirtay balse waaranku afartii galabnimo soo gaadhay, hawshoodana guteen oo ay sameeyeen hawl gal ciidan oo lagu baadi goobayo nimankaasi.

 

Taliye maxamed Faarax ayaa sheegay Ciidanku Guteen Waajibaadkooda shaqo ee arintaasi balse ay jirtay siyaasad kale oo uu maamulka Gabiley ka lahaa arintaasi, taasi uu xusay inay badalkiisa dabada ka riixayaan Maamulka Gobolku.

 

Badalka Taliyaha Ciidanka Booliska Gabiley ayaa ku soo beegmay Wakhti ay Xaaladda Gobolku aad u liidato, Khilaaf Xooganna hadheeyay Maamulka Gobolka iyo Maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley, kuwaasi oo maalmihii ugu danbeeyay aad looga dareemayo Gobolka Gabiley

 

 

Dawladda Dhexe ayaan illaa hadda ka hadal khilaafka Gobolka ka taagan iyo Ismaandhaafka maamul ee masuuliyiinta ka dhexeeya taasi oo Ragaadin karta, dhibaatona soo gaadhsiin karta habsami u socodkii hawlihii qaranka loo hayay.

 

Xukuumadda Cusub ee kulmiye ayaa lagu eedeeyaa inay ka dhaga adaygto khilaafyadda maamul ee ka dhaca Gobolka Gabiley, gacanta ugu wayna ay kula jiraan Arimaha Khilaafka keenay, iyadda oo ay markhaati ka tahay kala jabka dumarkii Xisbiga kulmiye oo laba urur kala samaystay Xalkooda illaa hadda la gaadhi laayahay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

SOMALIA ONLINE, correct. Why are you posting news from villages in a secessionist region? Aren't you a different country?

 

Would you post this news on SudanOnline or LebanonOnline? If not, then why do you post it on SomaliaOnline?

Share this post


Link to post
Share on other sites

police commander sacked

 

Xilkii laga Qaaday loona Beddelay Gobolka Sool

Which one is difficult for u ,,, the English or the Somali language ?? ,,, :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this