Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Xasan Daahir Aweys ‘’ Waxaan dagaalka sii wadeynaa inagoo hal Amiir leh,

Recommended Posts

Sh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Masuuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay saxaafadda tan iyo markii Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab ay si rasmi ah u midoobeen, isagoona xusay in hogaamiyeyaashoodii, ciidamadoodii iyo dhamaan xubnihii Xisbiga ay toos ugu daba fayleen Hogaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayna sidaasi ku sii wadayaan ''Jihaadka''.

 

Sh Xasan Daahir Aweys oo qudbad dheer ka jeediyay munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacay Beerta Sheekh Zayid ee degmada Afgooye ayna ka qeybgaleen Masuuliyiin kale oo ka mid ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sida Afhayeenka Sh Cali Dheere, Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf, Sheekh Max’ed Abu Muslim, Sheekh Max’ed Dul-yadeyn iyo waxgarad kala duwan iyo ganacsato caan ka ah magaalada Muqdisho.

 

 

Munaasabaddaasi ayaa lagu maamuusayay midnimada Mujaahidinta Somaliya waxaana uu hadalkii uu jeediyay Sh Xasan Daahir ka mid ahaa in Islaamku uu midnimada waajibiyay, isagoona xusay in Khaliifkii Cumar Binul Khaddaab oo Hogaaminta ciidanka ka badalay Khaalid Bin Walid xilli dagaal lagu jiro oo uu u dhiibay Abu Cubeyda, Khaalidna sidaasi isagoo Amiir loo yahay kaga mid noqday Ciidamadii Muslimiinta oo dagaalkii sii waday, arrinkaasina uu muujinayo sida Muslimiintu ay mid u yihiin diinta, ayna Amiirnimada u xushmeeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

mAANta waxaa baaba'ay magacii xizbul islaam, berrina waxeynu sugi in uu baaba'o alshabaab, dadkow iska dulqaata xaqii baa dillaaci rabee

Share this post


Link to post
Share on other sites

wyre;683406 wrote:
mAANta waxaa baaba'ay magacii xizbul islaam, berrina waxeynu sugi in uu baaba'o alshabaab, dadkow iska dulqaata xaqii baa dillaaci rabee

saas waaye bro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sh. Xasan Daahir oo Wareysi siiyay VOA

Sh. Xasan Daahir ayaa ka hadlay ku-biirintaanka Shabaab, isagoo beeniyay in ururkiisu is-dhiibay kaddib markii laga itaal-roonaaday.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys, hoggaamiyihii hore ee Xisbul-Islaam ayaa soo dhaweeyay midowga uu ururkiisu la midoobay kooxda Al-Shabaab. Xasan Daahir oo wareysi khaas ah siiyay VOA ayaa sheegay in in muddo ahba ay wadeen sidii loo mideyn lahaa labadan urur oo uu sheegay inay isku hadaf yihiin.

Sh. Xasan Daahir Aweys, wuxuu iska fogeeyay in ururkiisa laga itaal-roonaaday oo ay isku dhiibeen kooxda Al-shabaab.

Sheekh Xasan Daahir, wuxuu kaloo sheegay inuu taageersan yahay qorshaha ay Shabaabku ku doonayaan inay kula midoobaan waxay ugu yeedheen mujaahdiinta ka dagaallamaysa dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

Sheekh Xasan Daahir, wuxuu sheegay in dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya uu yahay mid ay ku qasban yihiin oo ay ku doonayaa inay isaga xoreynayaan wuxuu ugu yeedhay cadow dibedda ah oo doonaya inuu Somalia gumeysto, wuxuuna ugu danbeyn hoosta ka xariiqay inay dagaalka sii wadayaan tan iyo inta ay cadowgaasi ka guuleysanayaan.

 

http://www.voanews.com/somali/news/Sh-xasan-daahir-oo-wareysi-siiyay-voa-112606569.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

RBC waxay tiri! lol

 

Qorshe Weerar ah oo ku Wajahan Kismaayo [Warar Hordhac ah oo Soo Baxay]

 

Sida ay noo sheegeen ilaha wararkan na siiyey magaalada Kismaayo ayaa ah meel istiraatiiji u ah ciidamada, waxaana ayleedahay deked hadda ay maamusho xarakada Al Shabaab, sidaasi darteed waxay DKMG dooneysaa in la horitaago dhaqaalaha Shabaab ay ku wadaan dagaaalada kaasoo xoogiisa ka yimaada dekeda Kismaayo.

Amisom oo qayb weyn kuleh qorshaha duulaanka ayaa sida la sheegayo waxay codsi u dirsatay ciidamada Midowga Europe ee maraakiibtooda dagaalka ku suganyihiin xeebaha Soomaaliya ay ay gacanuga siiyaan duulaanka dhinaca xeebta si ay u fududaato in ciidamo dhinaca xeebta ay ka galaan Kismaayo iyo magaalooyinka ku teedsan xeebta.

Sidoo kale saraakiishan xogwaranka aanu ka helnay waxay cadeeyeen in Al Shabaab hubkeeda xoogiisa aanu oolin gobolada koonfureed marka laga reebo magaalada Kismaayo oo xoogaa ciidamo ka joogaan balse hubka iyo ciidanka Shabaabka ayaa intiisa badan waxay ku sugan yihiin Muqdisho iyo gobolada dhexe oo ay dagaalo ugula jiraan Ahlu Sunna. Sidaasi awgeed waxaa saraakiishu sheegayaan inay fududahay duulaanka Kismaayo lagu qaadayo

http://www.raxanreeb.com/?p=76212

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this