General Duke Posted December 27, 2010 CabdiShakuur Mire Aaden: Dawladda la soo dhisayo ma aha in laga doono Muqdisho – “Danta aan leenahay ka sugi meyno Muqdisho, 20 sano kaddib looma luga xirnaan karo loomana jilba xirnaan karo in la yiraahdo Muqdisho. Waayo iyaga maxayba hayaan waa 4 kiilo mitir. Taasi waa hawaawirka beenta ah ee dhibka ku ah ummadda Soomaaliyeed in dawlad aan dhawr kiilomitiri xakumin la yiraahdo waa dawlad.” …” maamulka TFG waa maamul dadka Soomaaliyeed loo sameeyey, wax laguu sameeyeyna kuma matalo,”…. ”Waana in caasumadda laga raro Muqdisho…” Sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee Puntland, CabdiShakuur Mire Aaden oo magaalada Jabuuti waraysi ku siiyey SomaliTalk.com: CabdiShakuur Mire Aaden, oo magaalada Jabuuti kaga qayb galay kulan ay yeesheen ururka Maskax-Maalka Soomaaliyeed (PEN) oo aan waraysi la yeelanay ayaan wax ka weydiiney qoraaladii iyo buugaagtii uu qoray iyo arrimo siyaasadeed oo la xiriira DFKMG, Puntland iyo Somaliland iyo sida uu u arko xalka Soomaaliya oo uu sheegay waa in ay ugu horayso in aan xalka laga raadin Muqdisho. C/shakuur Mire waxa rumaysan yahay in xalka Soomaaliya uu ku jiro nidaamka Federaaliisma, iyo in caasumadda Soomaaliya laga wareejiyo Muqdisho. Wasiir ku xigeenku waxa uu hadalka ku adkeeyey in Puntland aysan doonayn in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Yaan ka goosaanaa, yaanse u goosanaa, Soomaalinimada ka goosan meyno.” Waxana uu yiri “Soomaalinimada waxaa laga diidan yahay waa Muqdisho.” … “Soomaaliya halka ay ka jirran tahay oo ka soo kaban la’dahay waa Muqdisho,” ayuu yiri. “Soomaalinimadu waxay ka dhowdahay Hargeysa, ee Muqdisho kama dhawa. Meesha wax laga raadinayo in Soomaaliya dawlad noqoto, in ay horumarto, in caqligii soo noqdo, ma aha in aan Muqdisho ka raadino, dad gaar ahna riixi maayo, waa in laga doonaa Baydhabo, Kismaayo, Hargaysa, Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo laga doonaa, ee ma aha in Muqdisho laga doono, labaatan sano ayaa lagu hungoobay, oo waxba ka soo bixi waayeen, in garashada, Soomaalinimada iyo soo noqoshada Soomaalinimada, iyo sharaftii maha in laga doono Muqdisho, ee waa in laga doono magaalooyinka kale.” “Waxaan kuu sheegayaa, oo ku celinayaa markale, in Soomaaliya nabadeeda aan laga sugin Muqdisho, oo aan laga soo bilaabin Muqdisho, dadka siyaasadda u horseeda ee Muqdisho ayagaa diidey, Soomaaliya halka ay ka socon la’dahayna waa inta la leeyahay Soomaaliya waa Muqdisho, Muqdishona waa Soomaaliya,” ayuu yiri C/shakuur Mire. C/Shakuur Mire oo Waraysi siinayey Maxamed ALLMAN, SomaliTalk jabuuti Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud ee Puntland waxa kale oo uu xusay in Maamulka Galmudug uusan ahayn maamul “base” leh oo sida Puntland oo kale u dhisan. Waxana uu tilmaamay in maamulka Galmudug uu yahay “Qayb ka mid ah magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Hobyo.” Waxana uu xusay in Soomaaliya ay ku soo bateen waxa loogu yeero maamul samaysi oo laab la kac ah, waa sida Jabhabadihii Soomaaliya ka samaysmay, ee la wada baxay S-ta, ayuu yiri. Waxana uu si xooggan ugu dooday in xalka Soomaaliya uu yahay nidaamka Federaaliisamka. Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha ay isku hayaan Puntland iyo Soomaaliland in ay ku dhamaysanayaan wada hadal oo aysan ku dhamaysanayn dagaal. Waxana uu sheegay in la adeegsanayo caqliga. C/shakuur Mire Aaden, Jabuuti Dec 2010 Waxa uu xusay dad hore looga celiyey Puntland isagoo sheegay in kumaanaan qof oo koonfurta Soomaaliya ka soo barakacay ay ku nool yihiin Puntland, waxaase la celiyey dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 15 jir ilaa 30-jir oo looga shakiyey in ay tababar yihiin, ayuu yiri. Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd in heshiisyada ay gelayaan ay u soo maraan Dawladda Federaalka iyo in kale, waxa uu yiri “Danta aan leenahay ka sugi meyno Muqdisho, 20 sano kaddib looma luga xirnaan karo loomana jilba xirnaan karo in la yiraahdo Muqdisho. Waayo iyaga maxayba hayaan waa 4 kiilo mitir. Taasi waa hawaawirka beenta ah ee dhibka ku ah ummadda Soomaaliyeed in dawlad aan dhawr kiilomitiri xakumin la yiraahdo waa dawlad.” C/shakuur Mire Aaden waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Muqdisho laga raro caasimadda Soomaaliya. Soomaaliya soo noqoshadeeda Muqdisho waxaa uga dhow Hargeysa oo ay joogaan dad Soomaaliyeed oo dhahaya Soomaaliya ayaan ka go’nay, marka ma aha in waqti badan lagu lumiyo Muqdisho iyo dadka jooga. Balse waxaa weeye si Soomaaliya loo helo waa in waqti lagu lumiyo Hargeysa iyo dadka jooga ee dhehaya waanu ka goosanay,” ayuu yiri. “Maamulka Somaliland waxaa samaystay dadka Somaliland, maamulka Puntland waxaa samaystay dadka Puntland. Laakiin maamulka TFG waa maamul dadka Soomaaliyeed loo sameeyey, wax laguu sameeyeyna kuma matalo,” ayuu yiri. C/shakuur Mire Aaden oo hore u ahaan jirey wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland, haddana ah Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee Puntland, oo ka hadlaayey Saxaafadda iyo Puntland ayaa yiri “hadda ma jiro hal weriye oo ku xiran Puntland.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 27, 2010 http://somalitalkradio.com/cod/cshakuur_mire1.mp3 Audio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 27, 2010 Duke what is your opinion on this Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdirazak_PTL Posted December 28, 2010 He is totally correct. Mogadishu wa laga khasaray Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 28, 2010 Imikaad ogaatay ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qodax Qorax Posted December 28, 2010 Duke wants to make Galkacyo the new capital. We all know how united and peace loving those people are. Quote Share this post Link to post Share on other sites