Sign in to follow this  
General Duke

Its time to move the Capital from Mogadishu

Recommended Posts

CabdiShakuur Mire Aaden: Dawladda la soo dhisayo ma aha in laga doono Muqdisho –

 

“Danta aan leenahay ka sugi meyno Muqdisho, 20 sano kaddib looma luga xirnaan karo loomana jilba xirnaan karo in la yiraahdo Muqdisho. Waayo iyaga maxayba hayaan waa 4 kiilo mitir. Taasi waa hawaawirka beenta ah ee dhibka ku ah ummadda Soomaaliyeed in dawlad aan dhawr kiilomitiri xakumin la yiraahdo waa dawlad.” …” maamulka TFG waa maamul dadka Soomaaliyeed loo sameeyey, wax laguu sameeyeyna kuma matalo,”…. ”Waana in caasumadda laga raro Muqdisho…” Sidaas waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee Puntland, CabdiShakuur Mire Aaden oo magaalada Jabuuti waraysi ku siiyey SomaliTalk.com:

 

CabdiShakuur Mire Aaden, oo magaalada Jabuuti kaga qayb galay kulan ay yeesheen ururka Maskax-Maalka Soomaaliyeed (PEN) oo aan waraysi la yeelanay ayaan wax ka weydiiney qoraaladii iyo buugaagtii uu qoray iyo arrimo siyaasadeed oo la xiriira DFKMG, Puntland iyo Somaliland iyo sida uu u arko xalka Soomaaliya oo uu sheegay waa in ay ugu horayso in aan xalka laga raadin Muqdisho.

 

C/shakuur Mire waxa rumaysan yahay in xalka Soomaaliya uu ku jiro nidaamka Federaaliisma, iyo in caasumadda Soomaaliya laga wareejiyo Muqdisho.

 

Wasiir ku xigeenku waxa uu hadalka ku adkeeyey in Puntland aysan doonayn in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Yaan ka goosaanaa, yaanse u goosanaa, Soomaalinimada ka goosan meyno.”

 

Waxana uu yiri “Soomaalinimada waxaa laga diidan yahay waa Muqdisho.” … “Soomaaliya halka ay ka jirran tahay oo ka soo kaban la’dahay waa Muqdisho,” ayuu yiri.

 

“Soomaalinimadu waxay ka dhowdahay Hargeysa, ee Muqdisho kama dhawa. Meesha wax laga raadinayo in Soomaaliya dawlad noqoto, in ay horumarto, in caqligii soo noqdo, ma aha in aan Muqdisho ka raadino, dad gaar ahna riixi maayo, waa in laga doonaa Baydhabo, Kismaayo, Hargaysa, Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo laga doonaa, ee ma aha in Muqdisho laga doono, labaatan sano ayaa lagu hungoobay, oo waxba ka soo bixi waayeen, in garashada, Soomaalinimada iyo soo noqoshada Soomaalinimada, iyo sharaftii maha in laga doono Muqdisho, ee waa in laga doono magaalooyinka kale.”

 

“Waxaan kuu sheegayaa, oo ku celinayaa markale, in Soomaaliya nabadeeda aan laga sugin Muqdisho, oo aan laga soo bilaabin Muqdisho, dadka siyaasadda u horseeda ee Muqdisho ayagaa diidey, Soomaaliya halka ay ka socon la’dahayna waa inta la leeyahay Soomaaliya waa Muqdisho, Muqdishona waa Soomaaliya,” ayuu yiri C/shakuur Mire.

 

 

C/Shakuur Mire oo Waraysi siinayey Maxamed ALLMAN, SomaliTalk jabuuti

 

Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud ee Puntland waxa kale oo uu xusay in Maamulka Galmudug uusan ahayn maamul “base” leh oo sida Puntland oo kale u dhisan. Waxana uu tilmaamay in maamulka Galmudug uu yahay “Qayb ka mid ah magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Hobyo.” Waxana uu xusay in Soomaaliya ay ku soo bateen waxa loogu yeero maamul samaysi oo laab la kac ah, waa sida Jabhabadihii Soomaaliya ka samaysmay, ee la wada baxay S-ta, ayuu yiri.

 

Waxana uu si xooggan ugu dooday in xalka Soomaaliya uu yahay nidaamka Federaaliisamka.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha ay isku hayaan Puntland iyo Soomaaliland in ay ku dhamaysanayaan wada hadal oo aysan ku dhamaysanayn dagaal. Waxana uu sheegay in la adeegsanayo caqliga.

 

 

C/shakuur Mire Aaden, Jabuuti Dec 2010

 

Waxa uu xusay dad hore looga celiyey Puntland isagoo sheegay in kumaanaan qof oo koonfurta Soomaaliya ka soo barakacay ay ku nool yihiin Puntland, waxaase la celiyey dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 15 jir ilaa 30-jir oo looga shakiyey in ay tababar yihiin, ayuu yiri.

 

Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd in heshiisyada ay gelayaan ay u soo maraan Dawladda Federaalka iyo in kale, waxa uu yiri “Danta aan leenahay ka sugi meyno Muqdisho, 20 sano kaddib looma luga xirnaan karo loomana jilba xirnaan karo in la yiraahdo Muqdisho. Waayo iyaga maxayba hayaan waa 4 kiilo mitir. Taasi waa hawaawirka beenta ah ee dhibka ku ah ummadda Soomaaliyeed in dawlad aan dhawr kiilomitiri xakumin la yiraahdo waa dawlad.”

 

C/shakuur Mire Aaden waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Muqdisho laga raro caasimadda Soomaaliya. Soomaaliya soo noqoshadeeda Muqdisho waxaa uga dhow Hargeysa oo ay joogaan dad Soomaaliyeed oo dhahaya Soomaaliya ayaan ka go’nay, marka ma aha in waqti badan lagu lumiyo Muqdisho iyo dadka jooga. Balse waxaa weeye si Soomaaliya loo helo waa in waqti lagu lumiyo Hargeysa iyo dadka jooga ee dhehaya waanu ka goosanay,” ayuu yiri.

 

“Maamulka Somaliland waxaa samaystay dadka Somaliland, maamulka Puntland waxaa samaystay dadka Puntland. Laakiin maamulka TFG waa maamul dadka Soomaaliyeed loo sameeyey, wax laguu sameeyeyna kuma matalo,” ayuu yiri.

 

C/shakuur Mire Aaden oo hore u ahaan jirey wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland, haddana ah Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud ee Puntland, oo ka hadlaayey Saxaafadda iyo Puntland ayaa yiri “hadda ma jiro hal weriye oo ku xiran Puntland.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this