Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president receives delegation of Yemen Parliament

Recommended Posts

Wefti Baarlamaanka Dalka Yaman ka Socda oo Markii ugu Horeesay Somaliland Yimaada

Hargeysa/ToggaHerer

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta xafiiskiisa kulan kula ayeeshay wafti uu hoggaaminayao xubin ka mid ah Baarlamaanka Dalka Yaman , Mudane Saalax Ismaaciil Abul Caatil oo booqosho saddex maalmood ah ku joogay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Kulankaas oo ay albaabadu u xidhanaayeen ayaa ka dib markii ay ka soo baxeen waxaa warbahinta qaar ka mid ah u waramay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Mudane C/Casiis Maxamed Samaale oo sheegay in ujeedada ay weftiga iyo madaxweynuhu ka wada hadleen la xidhiidhay sii xoojinta Cilaaqaadka labada dal ay wadaagaan ee dhinacyada nabadgalayada iyo ganacsiga.

 

waxa kale oo uu xusay in uu Madaxweynuhu Mudane Siilaanyo uu u gudbiyaay waraaq fariin ah Madaxweynaha Dalka Yaman Mudane Cali Cabdala Saalax. waa sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu Mudane Samaale, waxaana uu hadalkiisa ku daray in Mudane Saalax Abul Caatil isna uu soo gaaadhsiiyay Madaxweyanaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo salaan uu uga siday maxadweyanaha Dalka Yaman .

 

Waftigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyaay ee noociisa ah ee ka socda Baarlamaanka Dalka Yaman oo safar ku yimaada dalka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Xarunta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefti Ka Socda Baarlamaanka Dalka Yemen Oo Booqasho Saddex Maalmood Ah Ku Jooga Caasimada Hargeysa.

 

Hargeysa (Ramaas) Dec, 27. 2010- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo], ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka dalka Yemen oo booqasho saddex maalmood ah ku jooga magaalada Hargeysa.

 

Qaabilaadan uu u sameeyey Madaxweyne Siilaanyo Xildhibaan Saalax Ismaaciil Abu Caadil oo isagu hogaaminaya wefti ka socda dalka Yemen, ayaa markii uu kulanku dhammaaday, waxa warbaahinta uga waramay waxyaabihii ay Xildhibaanka iyo Madaxweynaha Somaliland ka wada hadleen Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Md Cabdicasiis Maxamed Samaalle, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen xidhiidhka labada dalka dhexeeya sidii loo sii xoogin lahaa.

 

Md Samaalle waxaa uu sheegay in weftiga uu Madaxweynaha Somaliland uu fariin qoraal ah ugu dhiibay Madaxweynaha Jamhuuriyada Yemen Cali Cabdelle Saalax.

 

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha Somaliland ka gudoomay Xildhibaan Saalax Ismaaciil Abu Caadil salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Yemen.

 

Weftigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ka socda baarlamaanka dalka Yemen ee booqasho ku yimaada Somaliland.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this