Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Ministry of Health brings more foreign Doctors to treat local population

Recommended Posts

Garoowe:Takhaatiir Ajinabi ah oo Barnaamijyo Caafimaad oo Culus kawada Maamulka Isbitaalka guud ee Garoowe...(Warbixin).

 

Garoowe:(Allpuntland)-Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland kusugnaa Wafti Takhaatiir ah oo ay Wasaarada Caafimaadka ee Puntland ku casuntay gudaha Puntland kuwaas oo kamid ahaa Waftigii Turkhish-ka ahaa ee Horey dalka u yimid balse waqtigaas ka dib dhacay,Waxaana ay Takhaatiirtani howlo culus oo dardarleh kawadaan isbitaalka Guud ee Garoowe.

 

Takhaatiirtan oo isugujira kuwa Daweeya Cudurada Haweenka Iyo Cuduro ay kamidyihiin kuwa ku dhaca qeybaha jirka ee Muhiimka ah gaar ahaan Dhegaha,Sanka,Afka & meelo kale ayaa Maalmihii lasoo dhaafay qaabilay Boqolaal Dadweyne ah kuwaas oo ka sheeganayey Cuduro kaladuwan,waxaana ay sidoo kale ay qaliimo kusumeeyeen dad ay Xaaladoodu liidatay.

 

Agaasimaha Isbitaalka Guud ee gobolka Nugaal Maxamed Jaamac Xirsi ayaa APL u sheegey in Takhaatiirtan oo baahiyo waaweyn loo qabay ay qabteen Shaqooyin culus oo u badnaa eegis & Talo siin dhanka barnaamijyada Caafimaad ee Quseeya ah,waxaana uu sidoo kale sheegey in ay jiraan dad ay Xaaladoodu liidatay oo ay Takhaatiirtu u sameeyeen Qaliimo Caafimaad oo deg deg ah.

 

Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu sheegey in Takhaatiirtan oo mudadii loogu talagalay waqti horeleh ku darsaday ay intabadan maalinkii shaqaynayaan,isagoo sheegey inay jiraan Dad badan oo Qaliimo kaladuwan loo samaynayo kuwaas oo Qaliimahoodu ay bilaabmayaan Maalmaha soo socda,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in ay Takhaatiirtani qabtaan Adeegyo Caafimaad oo Muhiim ah oo aysan bulshadu helin mudo dheer.

 

Dhinaca kale Maxamed Jaamac Xirsi Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Garoowe wuxuu sheegey in Isbitaalka guud ee gobolka Nugaal ay shaqadiisu u socoto si habsami leh islamarkaasna ay socodaan Dhamaan qeybaha kaladuwan ee Isbitaalku ka koobanyahay gaar ahaana qeybta Bukaan socod eegtada,Qeybta Jiifka,Qeybta Sheybaarka,Qeybta Xaalada deg deg ah Iyo Qeybo kale oo ay habacsanaani kajiri jirtay balse maamulka cusub ee Isbitaalka garoowe ay waxbadan ka badaleen.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this