Somalina Posted December 27, 2010 Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku dhaliilay beesha caalamka habka ay ula dhaqmaan Soomaaliya. Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiis ay dowladda KMG ah la gashay shirkad ajnabi ah, heshiiskii xukuumaddiisu ay magaalada Gaalkacayo kula saxiixatay Puntland, caqabadihii dhanka amniga ee ka horyimid dowladda KMG ah xilligii uu ra’iisal wasaaraha ahaa, sababihii keenay iscasilaaddiisa, iyo arrimo kale oo badan. Mr. Sharmaarke oo haatan ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayuu ugu baaqay beesha caalamka inay taageero siiyaan xukuumadda hadda jirta si loo qabto ayuu yiri hawlo badan ka hor intuusan dhammaanin wakhtiga KMG ah ee dowladda oo ku eg bisha August ee sanadka soo socda. http://www.voanews.com/somali/news/Sharmaarke-oo-VOA-da-Siiyay-Wareysi-Dhinacyo-Badan-Ka-Hadlaya-112490869.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 30, 2010 Baarlamaanka oo Dalbaday in la joojiyo Heshiisyada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Farmaajo ka codsaday inay joojiso heshiisyada lala galay shirkaddaha caalamiga ah ilaa inta laga sameynayo baadhitaanno rasmi ah oo la xiriirra heshiisyadaasi. Baarlamaanka ayaa hadalkan u sheegay R/Wasaare Farmaajo kaddib markii uu baarlamaanka hortagay si uu sharaxaad uga bixiyo heshiisyada xukuumaddu la gashay ilaa 6 shirkadood oo ajanabi ah oo ay ka mid yihiin Saracen iyo Black Water. Farmaajo, wuxuu baarlamaanka u soo bandhigay warqad uu ra'iisul-wasaarihii hore Cumar C/rashiid Sharma'arke u qoray shirkadda Saracen International, taasoo qeexaysa sida ay xukuumaddii hore u ogolaatay inay heshiis lagasho shirkadda Saracen. Ra'iisul-wasaare Farmaajo ayaa gaba-gabadii kulankaasi ka dalbaday baarlamaanka inay siiyaan 4 toddobaad oo uu macluumaad rasmi ah ku uruurinayo si uu baarlamaanka faahfaahin rasmi ah uga siiyo heshiisyada la galay iyo wali cidda sida rasmiga ah u saxiixday. Baarlamaanka ayaa ka ogolaaday codsigaasi. VOA Quote Share this post Link to post Share on other sites