oba hiloowlow Posted December 27, 2010 Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareegyo muhiim ah oo ku dhaw dhaw xafiiska ra'isulwasaaraha, waxaa ka socoto Maxkamadaha kala duwan ee dowlada KMGS dacwad ka dhan ah xildhibaan Furux. Xildhibaankan ayaa ku eedeysan in uu is hortaagay howlaha dekeda caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho isaga oo isticmaalaya ciidamo daacad u ah kuwaasi oo hubkooda la galay dekeda. Wararka waxa ay sheegayaan in maxkamadeynta Mr Furux ay dalbadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya kuwaasi oo ka yeeshay fadhi gaar ah oo aanan saxaafada la ogeysiin. Ra'isulwasaaraha Somalia Maxamed C/lahi Farmaajo ayaa ka codsaday Maxkamada Sare in ay di deg deh ah ku bilowdo dacwada xildhibaankan sii loo marsiiyo cadaalada. Golaha wasiirada waxa ay isku raaceen in hadii aanan maxkamad lasoo taagin xildhibaan Furux ay ku daysan doonaan xildhibaano ama saraakiil kale oo ka tirsan dowlada kuwaasi oo iyana dhici karto in ay arbushaan howlaha dekada ama garoonka. Furux ayaa todobaadki hore is hortaagay howlaga dekeda caalamiga ah ee Muqdisho isaga oo doonayey in lacago baad ah laga siiyo dekeda Muqdisho oo uu xoog ku heysan jiray xiligii hogaamiye kooxeedyada. Quote Share this post Link to post Share on other sites