Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dardaarankii Abwaankii weynaa allaha u naxariistee Xaaji xuseen Owfaarax Dubad

Recommended Posts

Fanaanka weyn ahna Laxamiistaha Daa'uud Cali Masxaf iyo Wiilka uu dhalay ee Saciid Daa'uud Cali Masxaf ayaa markii ugu horeysay si wada jir ah u soo bandhigay heestii SAXAFI ee uu curiyey Abwaankii weynaa allaha u naxariistee Xaaji xuseen Owfaarax Dubad waqti yar ka hor geeridiisa, waxaana erayada heestaasi laga helay barkintiisa laabteeda ka dib markii la aasay bartamihii sagaashameeyadii.

 

 

Erayada Heestaan ayaa waxa uu abwaanka kaga jawaabayey codsiyo la xiriira in uu dalka isaga soo baxo isla markaana uu ka mid noqdo fanaaniintii xeryaha qaxootiga ku jiray, waxa uuna heestan ku muujiyey in uusan xamar marna ka baxeyninbaxeynin oo uu ku dhimanayo waxaana erayada heesta ka mid ah :

 

INTA XIDIDKA DHIIGIYO XINJIRAHA WADNAHA IYO XUDUNTA IYO BEERKIYO XUBNAHA WADA SHAQEEYIYO XABADKU II FAYOWYAHAY. XARUNTII MIDNIMADAAY WAA XAAL ADUUNYEE XAMAR OON XABAAL IYO XAYI NOOL MID UUN NOQON XAGNA UMA BAXAAN AHAY. XABAD KAMA TAGAAN AHAY XAADIR SUXUFIYAAN AHAY XADNA KAMA BAQAAN AHAY XIKMAD URURIYAAN AHAY XOGHEYNTII WARKAAN AHAY.

 

 

Heestan waxaa laxameeyey markii ugu horeysana qaaday Fanaanka Daa'uud Cali Masxaf, waxaana dhowr sano ka hor mar kale qaaday wiilkiisa Saciid, iyada oo iminkana xili ay Jabuuti ku kulmeena ay si wada jir ay u soo qaadeen isla heestii.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this