Sign in to follow this  
Somalina

Gudoomiyaha gobolka Bari oo raaligalin ka bixiyay khalad uu ka galay beelaha DG

Recommended Posts

Somalina   

Axad, 26, Dec, 2010 (HOL)-Gudoomiyaha gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa maanta sheegay in uu raali galin ka bixinayo hadal dhawaantan uu warbaahinta siiyay ,kaasi oo ahaa in qaraxyada Bosaaso ka dhaca ay ka danbeeyaan dad ka soo jeeda beelaha D&G.

 

Hadalkan raali galinta ah ayuu ka sheegay gudoomiyaha shir maanta ka dhacay guriga gobolka oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beellaha D&G ee ku ganacsada magaalada Bosaaso

 

"Waxaan beelaha walaalaheen ah ka raali galinayaa hadalkaasi meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadba,anigoon ula jeedin wax isir saar ah ayuu iga dhacay"ayuu yiri gudoomiyaha oo maanta warbaahinta la hadlay

 

Gudoomiyaha ayaa xusay in warkii uu warbaahinta ka sii daayay uu ahaa mid si khaldan ku soo gaaray ,isla markaana waxaa odayaasha dhaqanka beelaha D&G ee Bosaaso uu ka codsaday in maamulkooda ay amniga kala shaqeeyaan.

 

Afhayeenka labada beelood ayaa sheegay in gudoomiyaha ay ka gudoomieen raaligalinta uu bixiyay ,waxaana ay xuseen in maamulka ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan oo la xiriira amniga iyo kor u qaadista bilicda degmada.

 

"Anigoo ku hadlaya magaca beelaha D&G ee gobolka Bari, waxaan gudoomiyaha ka ogolaanay raaligalinta qiimaha badan ee arintaa uu ka bixiyay" ayuu yiri afhayeenka oo shirka ka hadlay.

 

Dhawaan ayey ahayd markii gudoomiyaha gobolka Bari uu sheegay in rag Boliska Bosaaso ay toogteen oo labo ahaa ay ka soo jeedaan beelaha D&G,waxaana maanta meesha ka baxay khilaafkii labada dhinac dhex yaalay

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

wa dhibaato hadaad wadankaagi iyo dalkaagi aad ku noqotid second class citizen, dadkani wa dad dalkoodi jooga oo muwaadinin ah mahana in la masabido good on the gudoomiyaha gobolka bari inu qirtay qaladkisi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this