Somalina Posted December 26, 2010 Axad, 26, Dec, 2010 (HOL)-Gudoomiyaha gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa maanta sheegay in uu raali galin ka bixinayo hadal dhawaantan uu warbaahinta siiyay ,kaasi oo ahaa in qaraxyada Bosaaso ka dhaca ay ka danbeeyaan dad ka soo jeeda beelaha D&G. Hadalkan raali galinta ah ayuu ka sheegay gudoomiyaha shir maanta ka dhacay guriga gobolka oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beellaha D&G ee ku ganacsada magaalada Bosaaso "Waxaan beelaha walaalaheen ah ka raali galinayaa hadalkaasi meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadba,anigoon ula jeedin wax isir saar ah ayuu iga dhacay"ayuu yiri gudoomiyaha oo maanta warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha ayaa xusay in warkii uu warbaahinta ka sii daayay uu ahaa mid si khaldan ku soo gaaray ,isla markaana waxaa odayaasha dhaqanka beelaha D&G ee Bosaaso uu ka codsaday in maamulkooda ay amniga kala shaqeeyaan. Afhayeenka labada beelood ayaa sheegay in gudoomiyaha ay ka gudoomieen raaligalinta uu bixiyay ,waxaana ay xuseen in maamulka ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan oo la xiriira amniga iyo kor u qaadista bilicda degmada. "Anigoo ku hadlaya magaca beelaha D&G ee gobolka Bari, waxaan gudoomiyaha ka ogolaanay raaligalinta qiimaha badan ee arintaa uu ka bixiyay" ayuu yiri afhayeenka oo shirka ka hadlay. Dhawaan ayey ahayd markii gudoomiyaha gobolka Bari uu sheegay in rag Boliska Bosaaso ay toogteen oo labo ahaa ay ka soo jeedaan beelaha D&G,waxaana maanta meesha ka baxay khilaafkii labada dhinac dhex yaalay Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online boston@hiiraan.com Boosaaso, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 26, 2010 It takes a big man to admit when he's made a mistake, so shaqo fiican all in all. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 26, 2010 wa dhibaato hadaad wadankaagi iyo dalkaagi aad ku noqotid second class citizen, dadkani wa dad dalkoodi jooga oo muwaadinin ah mahana in la masabido good on the gudoomiyaha gobolka bari inu qirtay qaladkisi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 26, 2010 Reer Gabileyba soo second class citizens ma aha? I applaude gudoomiyaha inuu raali geliyey beesha uu gafka ka galay. Kudos to him. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 26, 2010 sidee awoow maan fahmin Quote Share this post Link to post Share on other sites