Sign in to follow this  
Saalax

Madaxda Buuhoodle ee taageerta Puntland oo cabsi weyn ka muujiyey in Ciidamada Somaliland la wareega

Recommended Posts

Saalax   

Madaxda Buuhoodle ee taageerta Puntland oo cabsi weyn ka muujiyey in Ciidamada Somaliland la wareegaan Buuhoodle.

 

2vdrb0y.jpg

 

 

Buuhoodle/ToggaHerer

 

Gudoomiye K/xigeenka Gobolka Cayn ee Dhinaca Maamulka Puntland Maxamud Sh Cumar

 

Mas’uuliyiinta maamulka buuhoodle ee Taageera Puntland ayaa shaaciyey cabsi ay ka qabaan in Dawlada Somaliland ay la wareegto gacan ku heynta degmada Buuhoodle oo gobolka Koonfurta Bari Togdheer Ku yaal oo ah deegmo ka tirsan Somaliland.

 

Maxamud Sh Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo dhab ah oo qeexaya in Somaliland ay qorsheyneyso in ay la wareegto gacan ku heynta degmada Buuhoodle, waxaanu sheegay in ay arkeen ciidamo farabadan oo ka socda Dawlada Somaliland kuwaasi oo soo dhoobtey degmooyinka ku hareeereysan degmada Buuhoodle.

 

Waxaanu sheegay in degmada Widh Widh iyo deegaanka Meygaagle ay soo dhoobtey Somaliland ciidamo farabadan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo dadka deegaanku ku sheegeen in ay u socdaan kala dhexgalista maleeshiyo beeleed ku diriray deegaanka Kalshaale, hase ahaatee waxaa warkaasi beeniyay kuna sheegay in ciidamadaasi ay ku socdaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen degmada Buuhoodle Maxamud Sh Cumar.

 

Ninkan ayaa sheegay kuna dhaliilay Puntland inay san u soo jeedin wax ka qabashada Buuhoodle , isla markaana Puntland ay iska indho tirtay sidii ay wax ugu qaban lahayd shacabka ku nool Buuhoodle.

 

Baashe Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this