Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Wafdigaii Dowladdu u dirtay Colaadaha Mudug oo maanta Muqdisho soo gaaray

Recommended Posts

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah C/wali Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Mudug ayaa maanta ku soo laabtay magaallada Muqdisho kaddib markii ay soo qaboojiyeen dagaal beeleedyo ka socday halkaasi.

 

Mudane C/wali Maxamed Cali oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddiga TFG-da ka socday ee uu hoggaaminayay ay ku guuleysteen xabad joojin ay dhex dhigeen beelihii dagaallamayay iyo in lagu heshiiyo waxyaabihii uu dagaalku ka kacay oo ahaa dhul daaqsimeed iyo Ceel biyood haddana ay ogolaadeen beeluhu in ay isla degaan, daaqaan ceelashana isla cabaan.

 

R/wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in heshiiska ay qeyb ka ahaayeen odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka kuwaas oo ay hadda uga soo tageen in ay dhameeyaan qeybta ugu dambeysa heshiiska oo ah in labada beeleed ay kala saxiixdaan Cahdi dhowraya Dhiigga umadda isla markaana hor istaagaya in uu daato dhiig kale.

 

R/wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed farmaajo ayaa guddi wasiiro iyo xildhibaano ka kooban u saaray xalinta dagaal beeleedkaasi oo ay ku dhinteen dad badani kuwo kale ay ku dhaawacmeen, waxaana guddigaas hoggaaminayay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga C/wali Maxamed Cali.

 

Dhinaca kale Nabddoon Cali Diiriye oo ka mid ah wax garadka ku howlanaa daminta colaadahaas ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in aysan dagaalladaasi dib u soo laaban doonin dagaalladaasi ay soo xaliyeen wafdigaan ka socday dowladda KMG oo kaashanaya dadka deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this