Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Wiil dhallinyaro ah oo nafta looga qaaday toorey iyo xabbad magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Wiil magaciisa lagu soo gaabiyay Saciid dhowaanna ka yimid dalka Masar oo uu ku dhameystay waxbarasho jaamacadeed ayaa shalay lagu dilay xaafad ka tirsan Suuq Bacaad, iyadoo dilkiisana la sheegayo inay ka dambeeyeen maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ee maamula degaanadaasi.

 

Nin lagu magacaabo Axmadey oo ilmo habreed ay yihiin wiilka la dilay ayaa sheegay in walaalkii Saciid uu degenaa Baar Ubax, isla markaasina lagu dilay Suuq Bacaad oo uu u tegay inuu booqdo wiilal ay saaxibo ahaayeen, isagoona sheegay in maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay qabteen kaddibna ka qaaday taleefanka gacanta oo uu watay.

 

Waxa uu sheegay in marxuum Saciid ay maleeshiyadii ka qaaday taleefanka ay maalintii dambe u sheegeen inuu taleefankiisa soo doonto, hase yeeshee markii uu tegay maleeshiyadii ay gashteen guri ku yaala agagaarka Suuq Bacaad kaddibna la dhaceen toorey, iyagoo markii dambena ku dhuftay dhowr xabadood.

 

Ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka wiilkaasi, hase yeeshee ehelada uu wiilka la dilay ka soo jeedo ayaa fursad u helay inay soo qaataan meydka wiilkooda si ay u aastaan, wuxuuna sidoo kale sheegay Axmadey in falalka noocaan ah iyo kuwo ka sii daran ay maleeshiyada Al-Shabaab u geystaan dadka rayidka ah ee iyagu degan goobaha ay maamulaan.

 

http://www.somaliweyn.org/pages/news/Dec_10/25Dec10.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this