Liibaan Posted February 16, 2009 Calaamah Sheikh Shariif Cabdi Nuur iyo Sh Cumar Faaruuq oo Fatwooday in la adeeco Dowlada Sh Shariif Sh Axmed.(Dhagayso) Halkaan Ka Dhagayso codkii Culimada Sh Shariif Cabdi Nuur iyo Sh Cumar Faaruuq Mekka:-Waxaa maalintii Jimacaha ahayd iskugu yimid kulan qaar ka tirsan culimada iyo aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Mekkah ee dalka Sacuudiga,culimada Soomaaliyeed ee kulankaas ka soo qayb galay ayaa waxaa ka mid ah Alcalaamaha Sheikh Shariif Cabdi Nuur iyo Fadiilatu Sheikh Cumar Faaruuq iyagoo 2 sheikh ay markii ugu horeysay ay ka hadleen mowqif kooda diiniga ah ee ku aadan Dowlada cusub ee dhawaan madaxweyne loogu doortay Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Sh Shariif Cabdi Nuur oo ah Muftiga ugu aqoonta badan dalka Soomaaliya iyo Sh Cumar Faaruuq ayaa waxaa ay fatwoodeen in la adeeco oo la raaco dowlada uu madaxa ka yahay Sh Shariif Sh Ahmed waxayna ka digen in laga hor yimaado ama khilaafka la sii wado. Sh Shariif Cabdi Nuur ayaa ku tilmaamay doorashada madaxweynaha DFKM mid la mid ah tii lagu doortay Khaliifada 3aad Cismaan Bin Cafaan. Sh Shariif Cabdi Nuur ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed in ay taageeraan dowlada la soo doortay madaama uu Sh Shariif leeyahay diinta baan dadka ku dhaqayaa lana joojiyo daniga xun loona maleeyo malo wanaagsan maadaama uu kacdoonka dowr weyn ku lahaa dalkana uu ka saaray ciidankii Itoobiya. Waxaa Markii danbe Makarafoonka loo dhiibay Sheikh Cumar Faaruuq isaga oo taageeray Sheikh Shariif Cabdi Nuur wuxuuna sheegay in khilaafka la joojiyo lana raaco dowlada la soo dhisay. Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted February 17, 2009 “The foundation of all Mental Illness is the unwillingness to experience legitimate suffering.” Carl Jung "Col Hortii, Jabaye " Cigaal Shidaad Markuu soo caan baxo Caalim Muslim ah, ama Zaciim ( Leader) uu ku caan baxo diinta, waxaa hareerahiisa ku soo aruura dad farabadan oo qaarkood ay yihiin cilmi raadis, kala tashada caalimkaas sidii dacwada islamaaka loo wadi lahaa iyo halkii loo jeedin lahaa. Waxaa kaloo ka mid aha dadka caalimkaas hareerihiisa fadhiista qolooyin aanan cilmi raadis aheyn, haseyeeshee raadinaya iney caalimkaas ka helaan fatwo ay ku meel mariyaan arrin ay mar hore soo dhameeyeen, ayagoo markay arrintaas galaayeen aan la tashan caalimkaas, haseyyeshee markey ka baqeen inay fashilaan, naf ka doonay iney caalimkaas ama culimadaas ay ka helaan gargaar ay dadka kalsoonidooda ku helaan. Dadkaas u soo dhawaada Culimada oo buuxiya majliskooda isku barnaamaj ma wataan, laakin qaarna waa ka dhab jeceylka culimada iyo diinta Allah, qaarna dan adduun baa ka soo gashay iney caalimka ka helaan taageero ama fatwo dadka diiddan ay kaga hortagaan. Sidii laga soo wariyey Suubbanihii SCWS, wuu ka digay in xukunkiisa la qaato, haddii kii loo xukumay inuu gar leeyahay, uu si qurxan usoo bandhigay gartiisa (asagoo gar daran), kii garta lahaana uusan gartiisa uusan si cad usoo bandhiganin. Wuxuuna Rasuulka SCWS ku tilmaamay xukunkaas garta si qalad ah lagu helay inay la mid tahay gabal naartii ka mid ah, wuxuuna ku guubaabiiyey ummadda inaan xukunkaas la qaadan. Hadaba waxaa iga talo ah in aan lagu dag dagin in naar lagu iibsado adduun jeceyl dartiis. Danta dadka Islaamka ah waa mid u baahan in culimada Islaamka ay talo iyo fatwo ka dhiibtaan, Culimaduna isku rayi ma aha, waana bashar, marna talada toosan hela, marna qaldama, saa caalim walba wexey fatwadiisu quman tahay inta ay raacsan tahay Kitaabka Allah iyo Sunnadii carfooneyd ee Rasuulka Allah. Hadaba, Allah SWT wuxuu na leeyahy " Haddaad arrin isku qabataan, (xukunkeda) Allah u celiya ( Kitaabka Quraanka), iyo Rasuulkiisa ( Sunnada Rasuulkiisa SCWS), iyo kuwa talada idiin haya oo idinka mid ka ah ( oo ka shaqeeya danta Islaamka. Marka haddaan dadka Muslimiinta khilaafkooda loo celin labadaas asal maxaa dhacaya? Waxaa dhacda fitno weyn, oo umaddu ay ku halaagsanto, taasna waa tan loo baahan yahay in culimadu ay kala gartaan dadka ku wareegsan wexey kala yihiin, danta ay ka leeyihiin fatwada, iyo dadkey matalayaan, iyo taarikhdoodii hore intii halganka xoreynta waddanka ay socotay. Khilaafka maanta taagan ma aha mid dhex yaalla cilmaaniyiinta iyo wadaaddada oo qura, laakin waa khilaaf dhex yaalla wadaaddada dhexdooda oy isku khilaafsan yihiin sidii lagu xaqiijin lahaa nabadda waddanka. Nimanka cilmaaniyiinta iyo abaabuleyaalka dagaalka sokeeye ( Warlords) waa nimankii: 1.Noo keenay dagaal sokeeye oo maldahan oo umadda ku laayey qabiil ayagoo dhaliyey isnaceyb, si ay umadda u kala qaybshaan si ay u daciifaan, markaas cadowgooda taladiisa u dhiiban. 2. Markey umaddii diinta dhinaceeda u carartay si ay uga baxdo dhibaatada dagaal sokeeye, waa nimankii noo keenay Mareykan iyo Axmaaro burbirasay intii ka hadhay dagaalladii sokeeye, si diinta loo cidhib tiro , oo loo joojiyo raacidda Diinta Islamaamka iyo Shareecada Islaamka, oo Allah ummaddii ku mideeyay kana dhigay walaalo iyo jab-had mideysan oo ka soo wada horjeeda Abaabulayalka dagaalka sokeeye. 3. Markii ay ka quusteen iney diinta tirtiraan, waa nimankii ay dantu ku qasabtay iney oggolaadaan iney la heshiiyaan qayb jilicsan oo ka tirsan wadaaddadii Maxaakimta oo uu Sheikh Sharif madax u yahay. Khilaafka ugu khatarta weyn maanta ayuu dhashay, mana aha khilaafka Wadaaddada iyo Cilmaaniyiinta, laakin waa khilaafka Wadaaddada qaarkood ( Mujaahidiinta), iyo Wadaddadada kale ( Maxaakimta qayb ka mid ah) oo ay wada jiraan Cilmaaniyiinta. Hadaba, haddii labadaas qolo isku dhacaan, wexey noqoneysaa markii ugu horreysay ay qolo wadaadda ah isla jiraan qolo cilmaaniyiin ah oo ay la dagaalamaan qolo kale oo wadaadda ah. Taasna waa tan diinta ay xarrimtay, umana arko iney culimadeenna taas si fiican uga fiirsadeen markey fatwada bixiyeen. Dagaal sokeeye oo la isu laayay qabiil, waxaa ka damabeeyay nimanka cadowga u shaqeeya oo ay Maxaakimtu ka saareen waddanka. Haddana waxaa dhici karta, dagaal sokeeye oo labaad, oo dhex marak wadaaddada iney sabab u noqdaan nimanka cilmaaniyiinta ah oo ay isku xisbi noqdeen walaalaheen Maxaakimta qaybta Jabuuti. Dagaalkii labaad, kii duullanka axmaarada waxaa horseed u ahaa nimankaii laga saaray waddanka oo abaabulayaalka dagalka oo u shaqeeya dano kale. Haddana mar labaad baa laga raayay. Mar saddexaad wexey isku dayeen iney soo huwadaan iney yihii Suufiyad, oo ay abaabulaan dagaal ay wadaaddadu isu laayaan Salafiya iyo Suufiya, taasna wey ku fashileen. Hadda waxaan galnay marxalad cusub, oo ah intii la soo maray tii ugu khatarta badneyd, Allaha naga badbaadiyo. Wexey bilaabeen iney dhabar jabiyaan wadaaddada, ay kala qaybiyaan, ooy ku kala qaybiyaan umuur xasssasi ah. Sharif Nur, iyo Sheikh Cumar Faruq oo ah labo Shiikh oo aad ummaddeenna u faaiddeyay diinta wexey maanta ku dhawaaqeen fatwo aan kulan sanin shuruuddii fatwada, taasoo u baahan labo shardi sida ku taalla Iclaamul Muwaqiciin: 1. Cilmiga Sharciga ah ee Mas'aladda la isku heysto. 2. Waaqica jira:: Mid Seddexaadna waa Muftiga, Xaaladdiisa, Caafimaadka, Xasuusta, Iney Asaga dan gaar ah ugu jirin Fatwada, Xornimada (uusan naftiisa u baqeyn hadduu Xaqa soo bandhigo) 1. Tan Hore ( Cilmiga Sharciga ah): Masa'ladda Sharciga ah ee maanta la isku hesyto waa caqiido: A. Ma Cilmaaniyad baan Ku Dhaqannaa ummad ahaan? B. Mise Islaam baan ku dhaqannaa. C. Mise meel Dhexe baan isugu imaannaa nimanka cilmaaniyiinta ah oo diiddan Shareecada in la isku xukumo, si xukunka waddanka ay u wadaagaan labo qolo oo mid jiritaankeeda uu yahay tan kale baabba'eeda?. Climiga Sharciga ah waa mid takhasus u baahan, maxaa yeelay hadduu Caalimku yahay mid noloshiisoo dhan Cilmul Xadiith iyo culuumta la xadhiidha ku dhameeyay, dadkana bari jirey, taasi wexey fatwadiisa ku koobeysaa takhassuskaas qottada dheer wixii ku saabsan. Laakin markey talo guud noqoto, umadda ayuu la talo yahay. Masaladdan hore: A. Ma Cilmaaniyad baan Ku Dhaqannaa ummad ahaan? Waa mid fatwadeeda ay u baahan tahay, in uu Caalimku yaqaan macnaha Cilmaaniyadda maanta adduunka looga dhaqmo, iyo sida ay u taabaneyso caqiidada Islaamka aayaha dambe. Cilmaaniyaddu waa in laga saaraa Diinta wixii ku saabsan maamulka dawladda. Masaladda labaad: B. Mise Islaam baan ku dhaqannaa? Jawaabta masaladdan wexey u baahan tahay in meel la isla dhigo ku dhaqanaka Islaamka wuxuu yahay. Waa in lagu heshiiyo habka Dawlad Islaam ah ay wax ku xukunto, ayadoo loo raacayo taariikhdii qottada dhereyd ee Dawladda Islaamka, ha noqoto maalmeheedii qurxanaa, oo ay Rasuulka, Saxaabada iyo Taabiciinta ay ciidan u ahaayeen, ama maalmihii dambe oo ay daciiftay dawalddii Islaamka oo madaxdeedii u jeesteen raaxo adduun taasoo keentay iney burburto oo cadowgoodi ka gacan sarreeyo. Ma dowlad Daciif ah ayaa na gaadhsiin karta dwolad xoog leh oo kitaaka Allah iyo sunnadiisa wax ku xukunta? Masalada Labaad: C. Ma meel Dhexe baan isugu imannaa annaga iyo Cilmaaniyiinta ( Compromise) si loo dhiso Dawlad ay wadaagaan dad Shareecada Islaamka JECEL oo raba in lagu Xukumo waddanka, iyo dad NECEB in Shareecadda Islaamka wax lagu Xukumo oo hortaagan?. Hadaba Culimadu waa iney si xasiloon arrintaan uga doodaan inta ayan ku degdegin iney Fatwo dhiibaan laga yaabo in caaqibo xun iyo dhib ka weyn wexey ka baqayeen uu ka dhashaa. Qaybta labaad oo Fatwada shuruuddeda ka mid ah waa in Caalimku uu si fiican ula socdo una yaqaan waaqica jira ee maanta Islaam loo diiddan yahay iney dowlad u istaagto, oo inta lug laga jari karo laga jarayo, haba noqotee in muslimka ayag la isku mashquuliyo oo la isku laayo, saa lafo geel ayagaa la isku jabiyaayee. Waa in caalimku uu xisaabta ku daraa: 1. Yaa diiddan Xukunka Shareecada? 2. Yaa ka dambeeya oo u gargaaraya ooy isku halleynayaan? 3. Dimoqraadiyadda iyo Dastuurka Somalia loo dajiyey oo ay ku dhigan tahay in Diintu ay aasaas u tahay shuruucda ay dajinayaan xildhibaannada, ma waafaqsan yahay Quraanka iyo Sunnada? Haddussan waafaqsaneyn, Fatwo kale ayaa loo baahan yahy oo xalaaleyneysa in Kitaabka iyo Sunnada laga tagi karo haddii nabad waddanka loo rabo. Arrimahaas waa amaano u taalla Culimadeenna, gaar ahaan kuwa hadda Fatwada bixiyay. 4. Qolyaha Muqaawamada e labada Sano ddurka ku jirey si ay umadda uga Xoreeyaan gumeysiga, culimada ma la fadhiisteen oo dhinacooda ma dhegeysteen? Soddonka nin ee la fadhiyey Culimada ma ku jireen culimo kale oo khilaafsan , labada daraf oo la isga baqayo iney isku dhacaan wexey tabanayaan la soo ban dhigo, markaasna, ay Culimadu ku dhisaan fatwadooda waaqica ayagoo fahamsan? Gabogabo Waxaan Allah ka baryayaa in Diinta Alle, dhiigga umadda iyo hantidoodaba la dhowro. Culimadana maanta waxaa saaran waajibka iney xaq shaac bixiyaan, ayagoo cid aan Allah aheyn ka baqin, haddii kale, sida ay ajar badan uga helayaan dadka Allah ku soo hanuunshay dadaalkooda, ayaa laga yaabaa in haddey xaqa caddeynin, in dad badan ay lumaan oo fitno weyn ay keento fatwo aan si xeelad dheer loo falanqeynin. Fatwada waa iney: 1. Allah Raalli gelisaa marka ugu horreysa. Waxaan Allah lagu raalli gelin barako ma leh! mana waaran! 2. Marka labaad waa iney dhowrtaa Diinta, oo la awdoo daldalool walba oo cilmaaniyintu ay diinta ka duri karaan. 3. Marka seddexaad waa iney dhowrtaa dhiigga iyo hantida umadda. Waa iney sidaas u kala horreeyaan, haddi kale, oo laga hormariyo maslaxadda dhiigga iyo hantida tan diinta, waxaa hubaal ah in labadaba la isla waayi doono. Wa Allahu Aclam Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
S.O.S Posted February 17, 2009 Sh Shariif Cabdi Nuur ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed in ay taageeraan dowlada la soo doortay madaama uu Sh Shariif leeyahay diinta baan dadka ku dhaqayaa lana joojiyo daniga xun loona maleeyo malo wanaagsan maadaama uu kacdoonka dowr weyn ku lahaa ... Cid walbaa oo Diin ku dhaqaysa dalka waannu taageersaneen welibana weynu taageeri doonnaa, sida ii muuqatana waa shardiga ugu muhiimsan ee Fatwadani cuskanayso. Hadaba su'aalaha meeshan isweydiinta mudan ayaa ah: Qaabkeen u qiimayn karnaa doorka ficillada Sh. Shareef kaga jiraan abuurtanka danniga xun, ama burinta maleeynta fiican(illeen minfilaadna waa meel, muluqmuluqnimo muuqatana waa meel)? Maadaama Fatwadan ku dhisantahay tuhun qaabilsan sida ay mustaqbalka culimada u rajaynhayaan, maxaa qoraalka kor ku xusan sharuudaha oo muuqan waayeen (ka warama hadii mustaqbalka ka weecdo fileyntii Fatwadan aashaaratay)? Quote Share this post Link to post Share on other sites
S.O.S Posted February 21, 2009 Culimadii awooday in ay isugu yimaadaan kulanka ka dhcay magaalada Muqdisho, waxaad mooddaa in ay xarkaha kala dhinac u jiideen haseyeeshee cagajuglayn inaga qarsoon kedib door dambe meel-dhexaad isugu yimaadeen. Anigu shakhsi ahaan waan soo ghoweyn wadajirkooda iyo go'aamada ay gaareen, in kastaba oo anigu marnaba iskey ugu qanceen qodobada lasoo saaray dhuuxooda, laakiin daruuriga taagan iyo codka culamadeena badankooda isku raaceen waa in aynu ka danbeynaa. Guddoomiyaha Golahaas ayaa waxaa loo doortay Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo horay u ahaa Guddoomiyaha Musaalaxada, iyadoo madashii lagu magacaabayna laga sheegay in Golahan uu ka shaqeyn doono sidii marjic rasmi ah loogu heli lahaa su’aalo diimeedyada doodaha ka yimaadaan. Intaas kadib waxaa xafladdii gunaanadka shirka culumaa’udiinka laga aqriyay qodobo ay soo saareen Culumaa’udiinkii shirsanaa mudada todobaadka ku dhow, waxaana qodobadaas ka mid ahaa: In muddo 120 maalmood ah dalka looga saaro Ciidamada Amisom, iyadoo mudadaasna ay ka bilaabaneyso 1/03/2009, isla markaana aan la keenin ciidamo kale. In aaney Ciidamada Shisheeye mudadaas gudaheeda aysan sameynin wax dhaqdhaqaaq ah oo howlgallo ka mid yihiin. In xalka mushkiladda dalka lagu raadiyo wada hadal oo aan marnaba dagaal loo adeegsan. In 90 maalmood gudahood uu Baarlamaanka Soomaaliya shir isugu yimaado, isla markaana uu u codeeyo in dalka lagu dhaqayo Shareecada Islaamka. In Qodobo ka hor-imaanaya Shareecada Islaamka oo Axdiga Dowladda ku jira wax laga bedelo, iyadoo loo saarayo culumaa’udiin lagu kalsoon yahay oo aqoon durugsan u leh Diinta Islaamka. In aan dadka la gaaleysiin karin iyadoo aan wax cad lagu heynin. In la joojiyo dilalka dadka aan waxba galabsan. In Mujaahidiinta ay abuuraan fursad qodobadan lagu hirgeliyo. Hiiraan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted February 21, 2009 SOS bro. Waan ka dhegeystay BBC-da Culimada Muqdishu afhayeenkooda oo i cajabiyay sida quman uu uga jawaabay su'aalo wariyihii BBC-da uu usoo jeediyey, gaar ahaan markuu ku tilmaamay in "Axdiga Qaranka" uu iska hor imaanayo ( Self Contradicting) Hadaba, isbaheysiga wadaaddada iyo warlordska ee Jubuuti, ma heytaan MANDATE shacbi ah si ay u soo saaraan bayaan axdi qaran, marka middaas waa baatil. Tan labaad, Siyaadada wexy siiyeen qofaan xaq u laheyn, oo ah shscabaka, wexeyna ka qaadeen Allah oo leh, hadaba, taasi waa bohosha ugu weyn oy ku dhaceen markey Siyaadada u qireyn Shacabka, taasoo macneheedu yahay in haddey shacabka dajin karaan sharci ka soo hor jeeda sharciga Islaamka oo uu isla Axdigaas qoroayo inuu aasaas u yahay shuruucda waddanka lagu xukumayo. Runtii, raggii laga wareysanayay BBC-da nin ka mid aha ayaa soo koobay khayaaratka ( Options) hor yaalla "Dowladda" : 1. Iney Shareecada Ku xukunto waddanka oo ay ka cadheysiiso dadkii ka dambeyay oo so dhisay 2. Iney noqoto Dawlad Cilmaani ah, oo markaas ay Allah , dabadeedna, ummaddi ay sheeganeysay iney mataleyso ay ka cadheysiiso. Maalmaha soo socda waa irmaan yihiin Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted February 21, 2009 Originally posted by Nur: 1. Tan Hore ( Cilmiga Sharciga ah): Masa'ladda Sharciga ah ee maanta la isku hesyto waa caqiido: A. Ma Cilmaaniyad baan Ku Dhaqannaa ummad ahaan? B. Mise Islaam baan ku dhaqannaa. C. Mise meel Dhexe baan isugu imaannaa nimanka cilmaaniyiinta ah oo diiddan Shareecada in la isku xukumo, si xukunka waddanka ay u wadaagaan labo qolo oo mid jiritaankeeda uu yahay tan kale baabba'eeda? Miyaan Dawladda cusub ee Sh. Sharif ku khasbanayn in ay isku darto Shareecada iyo Cilmaaniyadda haddii la eego marxaladda iyo wax-garad la'aanta shacabka iyo wasiirada ba? Nurow waxaad tidhi: "Dimoqraadiyadda iyo Dastuurka Somalia loo dajiyey oo ay ku dhigan tahay in Diintu ay aasaas u tahay shuruucda ay dajinayaan xildhibaannada, ma waafaqsan yahay Quraanka iyo Sunnada?" iyo "Hadaba, isbaheysiga wadaaddada iyo warlordska ee Jubuuti, ma heytaan MANDATE shacbi ah si ay u soo saaraan bayaan axdi qaran, marka middaas waa baatil." Sidee bay u heli karan MANDATE iyago aan isticmaalin "Dimoqraadiyadda" ama aan debcin Shareecada? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted February 21, 2009 Walaal Ayaoub Waa labo su'aal oo aad u wanaagsan runtii! Jawaabta su'aalahaaga wexey u baahan yihiin sharax dheer oon horey u qoray oon filayo inaadan akhrinin (Foolxumo Allaa ii diiday). Haddaad akhrisay, walaal mar labaad ku laabo, markaas haddey weli ku caaddeyn jawaabta , inshallahu waan kaaga jawaabi doonaa inta awooddeyda tahay. Baarkallahu Feek Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted February 22, 2009 ^^ Fahme JZK. Nurow shacabku aqoon uma lahaa Shareecada in kastoo ay taaggeersan yihiin, Wadaaddaduna way kala aragtii duwan yihiin dadkuna way is bed-beddalaan. Kuwii la islahaa waa khabbiriin marka aad qortay Foolxumo Allaa ii Diiday waa adigan koox ka mid ah maanta ka cabbanaya. Waad ogtahay in heshiisiyo oo aan kaftan lagaga bixii karin la galay dhaarna waa la maray. Maxaa talaa sheekhow? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted February 22, 2009 Culimada Somalida ayaa wexey ka dalbeen Sheikh Shareef inuu wax ka baddalo Axdiga Qaranka lagu dhisayo. Aniga waxaan ku darsan lahaa dalabaadka culimada dhowr qodob. 1. (SIYAADADA) oo ah Awoodda ka dambeysa sharci dajinta iyo abaabulka Dowlad Somaliyeed, waxaa Leh Allah oo Qudhah, lalamana qaybsan karo. 2. Waa inuusan jirin Xeer ama sharci ama fulin siyaasadeed ( Ordinance) ka soo horjeedda Quraanka Iyo Sunnada. 3. Dawladdu waa iney u shaqeysaa iney wanaagga umadda u horseeddo, una suuro geliso sidii wanaaggaas lagu gaadhi lahaa. Waana iney shartoo dhan ka hor istagto, ayna howlgeliso sidii loo joojin lahaa inta ay awooddeeda dhan tahay. 4. Dowladdu waa iney u howl gashaa sida ay ugu adeegi leheyd shacabka oo ka baahi tirto baahida aasaasiga aha, sida cunnada, tacliinta, caafimaadka (gaar ahaan cudurrada maskaxda gala oo ku dhacay dadka ku waashay dagaallada sokeeye, iyo kuwa bahaloobay sida Warlordska ) iney gargaar siiso agoonta, masaakiinta, dadka la liido iyo kuwa shaqo la'aanta ah ayadoon cidna loo fiirin qabiil, ama deegaan. 5. Raciyadda Somaliyeed oo dhan wey u siman yihiin Shareecada horteeda, oo ilaalineysa xaqa raciyadda ay u leedahay nolosha, hantida, xornimada cibaadada, xornimada shaqsiga ah, xornimada dhul marka, xornimada ururro wax hagaajiya, iyo kuwa tijaarada. U sinnaan shaqo helidda, iyo xuquuqda zakada. 6.Qof Raciyadda ah looma diidi karo xuquuqdaas kor ku qoran ayadoon maxkamad Shareecada Islaamka ah aan la soo marin. Qofna lama ciqaabi karo asagoon lagu helin dambi soo maray maxkamadda shareecada Islaamka oon qofna u eexanin oon lagu caddeyn Dambi, asagoo la siiyay xaqa inuu is difaaco ama keensado qof gar yaqaan ah oo u dooda. 7. Madaxweynaha Somaliya waa inuu Yahay Muslim, Rag, Amaano leh, oon weligii dambi Weyn ( Kabiira) ka gelin Allah, ama Dambi Xuquuqda dadka, oo lagu kasloon yahay, caadil ah, lagu yaqaan inuu Allah ka cabsado, aad u fiirsi badan iyo la tashi intuusan talo goynin. 8. Madaweynaha ayaa ugu sarreeya maareynta dawladda, hadduu doonana xilkiisa qaar ka mid ah wuu ku wareejin kara qof kale ama hay'ad uu ku kalsoon yahay. 9. Madaxweynuhu asagoo raacaya mabd'a Shuurada waa inuu la tashadaa dadka cilmiga u leh hadba arrrinta u qaraarka ka gaaqrayo, waana inuu sameysta ahlul Xal-wal-Caqd (Xil Dhibaannada) ka koobma Culimada, Ganacsatada, Haweenka (si gaar ah lagala tashado arrimaha haweenka iyo carruurta ku saabsan, si guudna lagala tashado arrimaha bulshada iyo ummadda ay ka mid yihiin) iyo aqoon-yahannada (Technocrats) Somaliyeed oo kulligood ku sofoobay, Taqwo, Cadaalo, iyo akhlaaq wanaagsan, 10. Madaxweynuhu xaq u ma laha inuu hor istaago oo uu joojiyo falgalinta sharciyaasha, qayb ka mid aha ama guud ahaanba, asagoon la tashan guddiga Shuurada. 11. Dadweynuhu, oo ay matalayaan Ahlul Xalli Wal Caqdi wexey xaq u leeyihiin iney doortaan ama ay cazilaan Madaxweynaha markey arkaan in danta ummaddu ku jirto sodaas. 12. Ahlul Xalli Wal Caqd (Xil Dhibaannada ) waxaa soo dooranaya dadweynaha markey Maxkamadda oggolaato iney: A. Maalkooda Ku heleen Xalaal, kana bixiyeen Zakada. B. Iney Dambi ka galin Ummadda, dambi weynna ( Kabiira) ayan ka gelin Allah. C. Deyn ama xaq dad ku leeyihiin aan loo hesyan. D. Lagu yaqaanno, talo wanaag, ka fiirsasho, iyo akhlaaq fiican. 13. Madaxweynuha iyo wasiirradiisa iyo Ahlul Xalliga ka ma sarreeyaan sharciga. 14.Xubnaha Dawoladda, shaqaalaha dowladda iyo dhamman shacbiga waa isku wada xuquuq, islu saf beyna wada galayaan markey dawladda waxga baahan yihiin iyo markey maxkamadda sharciga soo hor istaagaan. 15. Maxaakimta Shareecada waa iney ka madax bannaan tahay xafiiska madaxtooyada iyo qaybaha kale ee Dawladda. Ahlul Xalli Wal Caqdi ayaa Waxey dooranayaan Qaalliyaasha Maxaakimta. Umana baahna inuu Madaxweynaha ansaxiyo. 16. Ciidanka booliska wexey hoos imaanayaan Maxkamadaha. 17 Militariga wuxuu hoos imaanayaa Madaxweynaha. 18. Xeer ama shuruuc ansaxeysa ma jirto haddeyan waafaqsaneyn Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nabiga SCWS 19.Dowladdu u ma dulqaadaneyso dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda Caqiidada Islaamka iyo jiritaanka Dowladda Somalida Nur Quote Share this post Link to post Share on other sites
Muriidi Posted February 23, 2009 intaynan doodu xag garyaqaan iyo tafaariiq shareeco u fogaanin... what is the central issue of the current "somali government" ? waxay rabaan inay ina tirakoobaan... taariikhda nabig scw ma jirtay "dawlad" ? maya ma jireen askar ama military joogta ah? dawladdu waa inay xuduud yeelato oo ay ogaato muwaadinka caadiga ah inaysan u talinin.waxay u talisaa oo kali ah militariga. boolis iyo maxakamad waxay ku xirantahy beesha inay dalbato. inay muslim yihiin waxay ku cadaan beeshii diidda inaanan loo soo dirin alshabaab special forces. that and the recruiting by foreign navies of somalias best soldiers continues off somalia's coasts- Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nur Posted March 3, 2009 Cabdi Qeybdiid oo ka mid ahaa Wafdi ka tirsan DKMG ah oo Shaley Muqdisho ka dhoofey una kicitey Dalka Itoobiya oo uu hogaaminayay Cumar Xaashi, ayaa faah faahino ka bixiyay Socdaalkooda. Cabdi Qeybdiid oo u waramey Idaacada VOA-da Laanteeda Soomaalida la hadasha ayaa ku sheegay Ujeedka Safarkooda ka qeyb galka Xaflad tababar loogu soo xirayo Saraakiil ka mid ah noqonaya Ciidamada Bileyska ee DKMG ah oo Dalka Itoobiya Muddo sanad ah waxbarasho u joogay.“Akademiyada Ciidanka Bileyska Itoobiya, Saraakiil Bileys ah oo Soomaaliyeed oo dhalin ah oo ka qalin jabineysa oo dhameysatey tababarkii Sarkaalnimada Munaasabadaas ayaanu ka qeyb geleynaa”. Waxa kale oo uu sheegay in Saraakiishan oo dhan 30 Sarkaal halkaas la geeyay sanad iyo bar ka hor loona geeyay in Leyli Sarkaal nimo loo soo tababaro, waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan Saraakiil kale oo halkooda waxbarashada ka sii wadaya. Cabdi Qeybiid ayaa sidoo kale sheegay in Ujeedka tegitaankooda Itoobiya qeyb ka tahey sidii mahad celin ugu jeedin lahaayeen Dowlada Itoobiya guud ahaan Gaar ahaa Ciidanka Bileyska, kaalinta weyn ee ay ka qaateen sida ay uga gacan siiyeen tababarada dhinaca Ciidamada, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale Safarkoodan Itoobiya ku tageen ayuu sheegay inuu qeyb ka yahey Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya iyaga iyo Itoobiya, lugna aanu ku laheyn faragelin Shisheeye oo Itoobiya wali ku heyso arimaha Soomaaliya, dhanka kalena ayna mudneyn shacabka Soomaaliyeed qeybhiisa kale inay ka muujiyaan Didmo. Waxa kale oo uu intaa ku darey, Maadaama Soomaaliya ay tahey Dal bur burey cid walba gacan kaalmo u fudineysa Inay soo dhaweynayaan oo ayna ku eekeen oo keliya Itoobiya, ayna jiraan wadamo kale oo tababaro u fidiyay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites