Saalax Posted December 24, 2010 Urrurka Al- Shabaab Oo Ku Hanjabay In Ay Weerarayaan Dalalka Uganda Iyo Burindi Iyo Jawaabaha Ay Ka Bixiyeen Labadaa Dal. Friday, December 24, 2010 Kampala-(HWN)- Urrurka Islaamiga ah ee Al Shabaab,oo ay dhawaan si rasmi ah u midoobeen Urrurka Xibul Islaam ayaa ku hanjabay in ay weerarayaan dalalka Uganda iyo Burindi, oo ay ciidamo nabad illaalineed ka joogaan gudaha caasimadda dalka Somaliya ee Muqdishu. Hanjabaadan waxa ay ku sheegeen in ay bar timaameedsanayaan gudaha labaddaa dal, ilaa inta ay ciidamadda labadan dal ku khasbayaan in ay ka baxaan caasimadda Muqdishu. Wasiirka amniga guud ee dalka Burundi, Alan Gilaume, ayaa sheegay inay si weyn u qaadanayaan hanjabaaddaas, isla markaana ay si weyn u adkaynayaan amaanka inta lagu jiro ciidda masiixiga. Dhinaca kale afhayeen sare oo u hadlay ciidamadda amaanka ee dalka Uganda ayaa hanjabaadda Al Shabaab ku sifeeyay hees qanaayad oo kale ah, waxaanu sheegay in dalka Uganda uu leeyahay sirdoon wanaagsan oo ka warqaba qorshayaasha ay maleegayaan Urrurka Al Shabaab. Labadan Urrur ee dhawaan midoobay ee Al Shabaab Iyo Xisbul Islaam, ayaa inta badan gacanta ku haya gobaladda dheexe iyo koonfurta dalka Soomaliya iyo weliba inta badan caasimada dalka Somaliya ee Muqdishu. Si kastaba ha ahaatee, maaha markii ugu horaysay ee Urrurka Al Shabaab uu hanjabaado noocan oo kale ah u soo diro dalalka Uganda oo Burindi, oo ay ciidamadda ugu badan ee nabad illaalintu ee Midawga Afrika ee AMISOM ay ka joogaan caasimadda dalka Somaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites