Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Xarakada Al Shabaab oo sheegtay in maal-maha soo socda ay dagaal kula wareegi doonto Muqdisho

Recommended Posts

Xarakada Al Shabaab ayaa wacad ku martay in maal maha soo socda ay dagaalo kula wareegi doonto caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo sheegtay in’ay diyaar u tahay dagaalo kulul oo ay la-gasho dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

 

Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo maanta laga maqlaayay warbaahinta magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dagaalo xoogan ay dowladda kala wareegi doonaan goobaha ay kaga sugan tahay magaaladda Muqdisho.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay diyaar u yihiin dagaalo xoogan oo ay magaaladda Muqdisho, kaga saaraan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed iyo Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika ee Amisom.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in’ay ka go’an tahay sidii ay magaaladda Muqdisho uga sifeen lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Amisom oo uu sheegay in’ay kusoo duulleen dalka Islaam ah.

 

Sheekh Cali Dheere ayaa rajo ka muujiyay in hadafka Xarakada Al Shabaab oo ah sidii ay dalka uga saari lahaayeen ciidamadda Amisom iyo dowladda Soomaaliya, in’ay dhawaan hir-gelli doonto.

 

Hadalka Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli Xarakada Al Shabaab iyo dowladda Soomaaliya ay iska soo dhisaayaan dhanka miletariga, tiiyoo ay u dheer tahay iyadoo todobaadka soo socda magaaladda Muqdisho loo-soo wado 1,800 oo askari oo ka socda dowladda Uganda, sida uu ka dhawaajiyay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this